Xigtaysiga Xikmadda- Buug Cusub

Guud ahaan aadanuhu waxa uu wadaagaa dhawr wax. In uu bashar wada yahay, basharkuna nebi Aadam ku arooro, nebi Aadamna dhoobo laga sameeyay, ayaa u weyn waxa uu wadaago aadanuhu. Kan oo keli ah ma aha. Dadku waxa uu wadaagaa dhaxal guud. Dhaxal uu isagu iska dhaxlo, oo faca isbeddelaya dhex raacda. Dhaxalkan guud lama kala laha. Waa timir xabaal taalla oo ninkii soo gaadhaa uu ka istafiido. Aqoonta iyo ilbaxnimada guud ayaa kow ka ah liiskan. Siyaabaha ay aqoontu uga kala dhex gooshka hal jiil ilaa jiilka kale waxa u weyn iyada oo u sii dhex maraysa kaydka dhigaalka ah iyo kan dhegoodka ah. Cilmi-dhigaal iyo cilmi-dhegoodna waa ay dhahaan e. Midka koowaadi waxa uu raacaa gaadiidka la yidhaahdo waraaqaha, kan labadna waayeelka. Faracyo ay ku kala duwan yihiin labadan waddo ayaa jirta. Balse, dhanka kale, waxa jira wadiiqyo ay iskaga soo dhacaan oo ay ka midaysan yihiin. Kuwan danbe waxa u weyn oo horkacaysa in ay labada habba xambaarsan yihiin xikmado xeeldheer oo furdaamin u noqda cakirnaanta isa shaabahda ee xilliyada.

Xikmaddu, asalkeeda bannaanba, waa dhaxal uu ku abtirsado, sheegtana, qof kasta oo bini-aadan ahi. Waxa ay kaalinta koowaad ku cidhiidhsataa neefta Ogsijiinta ah ee dadka oo dhami wada neefsado. Sida ay yidhaahdaanna, murtidu waxa ay ku hadashaa hal af oo keli ah. Haa, hal af, halkaas afna waxa aynu ku micnayn karnaa in uu yahay mid ka dhashay xaqiiqada ah in idil ahaan xikmaduhu ka wada jawaabaan baahi. Waa halkan meesha ay ka soo gelayso aas-aasnimada iyo caws jiilaal ahaansha ay daruuri tahay in dhaxalkaa aan laga qadin.

Iyada oo arrintaa ka jawaabaya, ayay bahda Xigasho waxa ay dhagax-dhigtay hawl ka soo bilaabantay yagleelidda bog Feysbuugga ah oo lagu faafiyo odhaahyo xikmad ah oo ka soo maaxatay caqliyada lagu majeerto taariikhda aadanaha, bari iyo galbeedba. Weedhahaas waxa loo haltebiyay afka Soomaaliga si qofka Soomaaliga ahi u fahmo, una falkiyo ujeedka odhaah kasta. Hawshu halkaa ayay ka soo bilaabantay horraantii 2015. Bishii Abriil ee isla sannadkaa ayaa ay hawshu u soo gudubtay in a unko degel u gaar ah odhaahyaha ah oo ku biira degellada Internet-ka laga booqdo. Waxa samaysmay xigasho.org. Waxa ay soo gaadhay maanta oo 2016 bilaabmay diyaarinta iyo soosaarista buug cusub oo lagu soo uruuriyay waxqabadkii bahda ee gu’gaa dhawdhaaw.

Buugga Xigtaysiga Xikmadda oo ah ka aynu qormadan ugu talogalnay in ay dadka isku bartaan, ayaa ah mid ay ku kaydsan yihiin ku dhawaad dhammaan murtiyihii intaa mudda ahba la waday. Waxa loogu talogalay in uu u sahlo akhriste kasta oo Soomaaliyeed in uu si fudud uga haqab-beelo xikmadahaas buugga dhex ceegaaga.

Buugga XIGTASIGA XIKMADDA waxa aad ka heli kartaa, isaga oo u diyaarsan qaab E-Book ah, dabarkan (URL):http://www.amazon.com/gp/product/B01B92JS4G/

© Cabdixaafid Mowliid & Cabdicasiis Guudcadde