Xidhxidhitaanka Beebkii Biyo Balaadhinta Hargeysa Oo Maanta Bilaabmay

 

Hargeysa(SLpost)-Waxa maanta la bilaabay beebkii biyo balaadhinta Hargeysa kaas oo xidhxidhitaankiisii laga soo bilaabay Biyoshiinaha isla markaasna lagu soo wado dhanka Hargyesa sida uu ku warmay maareeyaha wakaalada Biyaha Ibraahin Yoonis oo barta uu Facbook ku leeyahay soo galiyay qoraal kooban oo arintaas ku saabsan.

11896136_10153081565447469_3760548146283211918_n 11885294_10153081552947469_3386202625819433430_n11870673_10153081555307469_6429491630707374647_n

qoraalkan kooban ayaa u dhignaa sidan “Waxa Maanta si rasmi ah loo bilaabey xidhistii Beebka Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Hargeysa, iyada oo laga soo bilaabey Kaamka Biyo Shiinaha loona soo socda xaga Magaalada Hargeysa, mashruucan oo aad u balaadhan ayna iska kaashadeen Dawlada Somaliland, Midowga Yurub (EU) iyo Sanduuqa Horumarinta Somalilnand(SDF), Waxaananu ilaahay ka baryeynaa in uu inagu guuleeyo dhameystirka Mashruuca kaas oo wax badan ka qaban doona Biyaha Caasimada Hargeysa.”