Xidhiidhka Ka Dhexeeya Saacadaha Shaqada Iyo Horumarka Dhaqaalaha – W/Q: Abdirashid Abdiwahaab Guleid

Rashiid Axmed Guuleed

Hordhac

Rashiid Axmed Guuleed
Rashiid Axmed Guuleed

Somaliland waa wadan yar oo curdin ah oo aan wali si fiican cagaha isugu taagin markaad ka eegto xaalada dhaqaale ee uu dalku ku sugan yahay. Inkastoo dalku uu magac wanaagsan kasoo hooyahay horumarka uu ka gaadhay xaga nabadaynta iyo xaga dimuqraadiyadaba, haddana waxa jira waxyaabo badan oo aad arkayso in loo baahan yahay in horumarin lagu sameeyo. Meelaha loo baahan yaha in la horumariyo waxa ka midda saacadaha shaqada ee xafiisyada dawlada. Fikirka saliimka ah iyo cilmiga dhaqaaluhu waxay isugu imanayaan baahida loo qabo in saacado macquul ah oo aan dulmi ku jirin in la shaqeeyo si loo helo waxsoosaar la taaban karo oo dalka horumar dhaqaale u horseeda. Qoraalkan waxaynu waxyar kaga tilmaamaynaa dhibaatada ay leedahay saacadaha shaqada oo aan sida munaasibka ah loo gudan.

2. Saacadaha Shaqada ee Heer Caalami

Xeerka caalamiga ah ee saacadaha shaqadu wuxuu dhigayaa in 24kii saacadood qofka shaqaalaha ahi inuu shaqeeyo 8 saacadood. Wiigiina shaqaalaha waxa laga rabaa 40 saacadood oo shaqo ah. Caadiyan

shaqaalaha dawladu waxay shaqeeyaan usbuucii 5 cisho, laba cishana waa la fadhiyaa, oo qofka shaqaalaha ahi danihiisa gaar ahaaneed ayuu ku foofaa. Xeerkan ku dhaqankiisa waxa hormuud ka ah xafiisyada dawladaha iyo hayadaha caalamiga ah. Inta badan shaqaalaha u shaqeeya shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay waxay shaqeeyaan in ka badan 40ka saacadood ee xeerkan caalamiga ahi uu dhigayo, taasoo ku xidhan kolba sida ay shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay iyo shaqaalahoodu ay ku

heshiiyaan.

3. Saacadha Shaqada iyo Horumarka Dhaqaale

Horumar dhaqaale oo uu wadan gaadhaa waxa uu si toos ah xidhiidh ula leeyahay saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalaha wadankaasi. Wadankii ay shaqaalihiisu shaqada masuugaan ama ay yareeyaan, shaqadaasi ay yareeyaan waxay ka go’an tahay koboca dhaqaale ee wadankaasi. Adduunka maanta waxa tartan loogu jiraa sidii uu wadanba wadanka kale uga dhaqaale wanaagsanaan lahaa. Tartankaasi ayaa wuxuu keenayaa in shaqaalaha aan laga eegin oo kaliya xaga saacadaha ay shaqaynayaan ee

ay lagama maarmaan noqonayso in tayada waxsoosaar ee shaqaalaha kor loo qaado oo markaasi la siiyo tababaro kala duwan, iyadoo intaasi ay u dheertahay iyadoo shaqaalaysiinta ka hor shardi laga dhigayo qofkaa shaqaalaha ahi waxbarashadiisu waxa ay tahay iyo heerka ay aqoontiisu tahay. Sharafta uu wadan bulshadda caalamka ku dhexleeyahay waxay si toos ah ugu xidhan tahay heerka uu marayo dhaqaalaha wadankaasi.

Dhaqaalaha wadankana waxa lagu cabbiraa halbeeg caalami ah oo loo yaqaano GDP ama “Gross Domestic Product” oo Afsoomaali ahaan aan ku macnayn karno “waxsoosaarka Guud ee Wadanka halkii sanno”. Halkii sanno GNP ga wadankaasi waa maxay? Waliba waa lasii jilciyaa oo la isticmaalaa halbeeg kaa hore kasii farcama oo la yidhaahdo “Per Capita Income” (PCI) oo macnaheedu yahay waxsoosaarka sanadkii ee wadanka oo loo qaybiyay tirada wadankaa ku nool calaa qof wixii kusoo hagaagaya.

Markaa tusaale ahaan, “PCI” dalka Maraykanka waxa weeye 40,000 (afartan kun oo Doolar)sanadkii halka uu ka Somaliland ka yahay 600 (lix boqol Doolar kaliya). Kala sarayntaasi dhaqaale ayaa keentay in

wadana uu noqdo deeq-bixiye wadana uu noqdo deeq-qaate. Markaa ta laysku dhaafay waa tayada iyo saacadaha ay shaqaynayaan shaqaalaha wadankaasi. Way jirtaa in waxsoosaarka aanay u sabab ahayn shaqaalaha wadanka oo kaliya oo ay jiraan sababo kale oo ay ka mid yihiin dhulka wadankaasi uu haysto (dhul beereed wabiyo leh oo kale) iyo lacagta uu wadankaasi haysto, iyo heerka maamul iyo teknoolajiyadeed ee wadanku gaadhay; hadana waxaas oo dhan waxa ugu mudan shaqaalaha wadanku

saacadaha uu shaqeeyo iyo farsamada uu ku shaqeeyo.

4. Saacadaha Shaqo ee Somaliland

Inagoo niyadda ku hayna in maanta nolosha caalamku ay tartan ku salaysan tahay, bal aynu eegno saacadaha ay shaqeeyaan shaqaalha dawladda ee Somaliland. Waynu wada ogsoonahay in shaqaalaha dawladda ee xafiisyada Somaliland aanay shaqaynin wax ka badan 28 saacadood usbuucii halka looga baahnaa inay shaqeeyaan 40 saacadood. Waxa halkaasi ka dhiman usbuucii 12 saacadood. Marka sanadku uu ka kooban yahay 52 usbuuc, waxay sanadkii Somaliland khasaartaa 52 usbuuc lagu dhuftay 12 saacadood oo noqonaya 624 saacadood calaa qof. Xafiisyadda dawlada ee Somaliland waxa lasoo galaa 8 subaxnimo waxaana laga rawaxaa 12ka duhurnimo. Gelin danbe oo shaqo lagu soo noqdaana ma

jiro. Taasi waxay keenaysaa in hawshii hal usbuuc lagu dhamayn lahaa in ay qaadato laba usbuuc. Ku darso oo Somaliland malaha khayraad dabiici ah oo sababi kara in dadku ay fadhiga ku dhergaan sida

wadamada Carabta qaarkood (dabcan marka laga reebo wixii baadhitaanada hadda socda lagu heli karo). Waxa kaloo jirta in heerka tababar ee shaqaalaha Somaliland aanu gaadhsiisnayn heer Afrikaan iskaba daa mid caalamiye. Hadaba waxa iswaydiinle, reer Somaliland miyey u badheedheen khasaarahaasi wayn ee kaga socda xaga saacadaha shaqada oo  aad loo yareeyey? Mise hoosba arrinkan looma fiirin.

5. Hogaanka Wadanka Maxaa la Gudboon?

Hogaanka siyaasiga ah ee Somaliland waxaa la gudboon inay umadda fahamsiiyan in dalka dhaqaalihiisa ay ka go’antahay saacadaha shaqada ee la shaxaadayaa. Reer Somaliland waa inay run isu sheegaan oo ay xaqiiqda istaabsiiyaaan. Laba arimood marka la helo ayaa xaaladan haatan wadanku ku sugan yahay waxlaga bedeli karayaa. Kow, waa in siyaasiyiinta wadanka hogaaminaysa la yimaadaan qorshe  ballaadhan oo si fiican u qeexaya horumarka dhaqaale ee uu wadanku higsano, isla markaana waa in qorshahaasi uu qeexayaa faaiidada shaqaalaha wadanka ugu jirta horumarka dhaqaale ee wadanka la doonayo in la gaadhsiiyo. Laba, waa in shaqaaluhu ay la yimaadaan isbedel xaga fikirka ah oo ah

“aniga ayaa gacanta ku haya in wadankaygu uu faqrigan kusii sugnaado ama inuu gaadho horumar dhaqaale oo ay aniga faaiido lacageed iyo mid sharafeedba iigu jirto” isla markaana ay isbedelkaa fikirka ay u bedelaan hawlgal dhab ah. Marka labadaa arimood la helo ayaa la arkaa in wadanku uu ka kore xaalada dhaqaale xumo ii haatan uu ku sugan yahay.

6. Higsiga Mustaqbal

Maanta cidwal oo indhaha ku haysa xaalada dhaqan-dhaqaale ee ay Somaliland ku sugan tahay, way u caddahay in loo baahan yahay in xaaladan wax laga bedelo. Suaashu waxay tahay side isbedelka la doonayo loo gaadhayaa. Jawaabtu waxay tahay, wadanka haloo huro fikir iyo waqti. Shaqaalaha waxaa la gudboon inay ogaadaan in waqtigii loo baahnaa inay wadankooda u shaqeeyaan ay shaxaadayaan, shaxaadkaasina uu wadanka horumarkiisa dhaqaale uu dhaawac wayn ku yahay. Masuuliinta wadankana waxaa la gudboon in korodhka dhaqaale ee ka yimaada dadaalka dheeraadka ah eey shaqaaluhu keeneen, inay si cadaalad ah wadanka ugu horumariyaan isla markaana ay meel dhigaan xuquuqda shaqaalaha ha noqoto mushahar wanaagsan oo ay shqaaluhu helaan ama ha noqoto

adeegyada bulshada ee ay u baahan yihiin.

Marka la helo daacadnimo ka timaada xaga shaqaalaha iyo maamuul wanaag ka yimaada xaga masuuliinta waxa shaki la’aan ah in wadanku uu gaadhi karo horumar dhaqaale oo heer caalami ah, horumarkaasi oo Somaliland ay ku dhaafi karto wadamada khayraadka dabiiciga ah leh.

Abdirashid Ahmed Guleid,

Email: abdirashidaa@gmail.com