Haweenaydii Kaliga Ahayd Ee Ku Jirtay Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta Is-casishay

Hargaysa(SLPOST)-Xildhibaanad Faadumo Jaamac Ileeya oo ka mid ah golaha Guurtidda Somaliland, ayaa maanta laga aqbalay iscasilaad ay golaha u soo gudbisay ka dib markii afar sanadood ay kali ku ahayd golaha Guurtidda.

Fadhigiii maanta  ee galaha Guurtidda oo uu shirgudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2aad Siciid Jaamac ali ayaa laga hor akhriyey iscasiladda ay golaha ka dalbaday in laga ogolaaddo inay banayso xilkii ay ka haysay golaha Guurtidda, waxaana si aqlabiyad ah loogu ogolaaday iscasiladaasi ay soo dalbatay.

faadumoIscasilaaddan haweenaydan ku kalidda ahayd golaha Guurtidda ayaa waxa ka ogolaaday inay xilkaasi banayso 45 xildhibaan, halka laba mudane ka aamuseen, gudoomiyuhuna aanu codeyn.

Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeya ayaa u  sheegtay xidhibanada golaha gurtida in ay xanun oawgii iyo gababsi ay usu casishay isla markana ayna wax dhib ah ka tirsanay nin mudanayasha golaha gurtida somaliland ,lakin marki danbe oo ay qarkamid ah warbahinta kula hadlaysay xarunta galaha dhaxdeda ayaa waxa ay sheegtay in markii  ay  ku kaliyeysatay  golaha, isla markaaana afar sanadood ay kaligeed ka ahayd wax haweenay ah, taasina ay mushakilad ku noqotay in ay sii dhaxfadhido waxayna ay shegtay in ayna wax dhib oo kale ayna ka tirsanaynin golaha gurtida somaliland ,

Waxayna ay ku bilowday marki ay warbahinta la hadlaysay, “Waxaana waayey bidhaantii dumarka  Muddo afar sanno ah,  waxaan ku jiray golaha guurtida taasi oo aan keli ku ahaa, waxaana iga soo dhacday kali nimada  waxayna ila noqotay in aan booskii baneeyo  meeshuna maaha meel loo soo gudbi karo, markii horena waan  ogaa in aanay haween kale ku jirin, balse  waxaan arkay in aanay jirin wax kale oo haween ah oo ku soo fool leh golaha”ayaa ay tidhi xildhinadu,

Faadumo  Jaamac oo ah haweenayda kaliya ee ku jirta golaha Guurtidda, isla markaana ah haweenay uu dhaqdhaqi jirtay araimaha bulshada ayaa sheegtay in aanay haweenku ku habooneyn golahan gurtida , waxayna ay tilmaman tay in ay kali ku noqotay golaha, taasina ay ku dhalisay inay xilkaasi ay u haysay golaha banayso, madaama oo ay adagtahay inay haweenku soo galaan golaha guurtida, isla markaana si nasiib ah ay iyadu uga mid noqotay golaha ka dib markii odaygeedii oo golaha guurtidda ka mid ahaa ku geeriyooday qaraxii 2008 dii ka dhacay xarunta madaxtooyadda ee dadka badani ku dhintay taaso ay soo buxisay iaydu waxana hada lo malaynayaa in qofka ka mid ah xafadedu uu soo buxiyo,

 

 Somalilandpost

Hargaysa