Xiddigaha Geesku Waxay Qaranka u Qabteen ayaa ka Qara-weyn Qaladkay Galeen!

xgDhallinyarada Xiddigaha Geesku waa Astaan Qaran waana Hadafka iyo Himilada Ummadeenna. Waa Midhihii iyo Maxsuulkii Dad iyo Dal iyagu isu tashaday oo guntiga u xidhay inay ka maarmaan gacan hoorsi shisheeye dhan kasta oo ay tahayba. Dhallinyarada Xiddigaha Geesku waxay kasbadeen Quluubta iyo Maanka inta horumarka ummadooda jecel. Murtidooda, Muusigooda iyo Hab-masrixiyeedkooda ayay ku difaacaan Qarannimada, Nabadda, Horumarka, Dal-jacaylka iyo jiritaanka Dalka iyo Dadka Jam. Somaliland.

Bal waxyar ila milicso murtida shilis iyo hal-ku-dhegyada waddaninnimadu ku dheehantahay ee ay Dhallinyarada Xiddigaha Geesku hadh iyo habeenba bulshadooda ku guubaabiyaan:

“Guushaadu Dad bay u tahay gubashoo, Wanaagga aad gaadhay u Gaanbinayoo, inay Gembiyaan u soo Guntadee, ka hay Gaadhkoo ka joog Goonyahay. Allow ku gar-gaar Geyiga Nabadow, Dadkana Garansii lib iyo Gobannimo.”

Markaan Calan gaara Guudka sudhnee, Goonida isu taagnay een go’nay baa, taladii garoo guushii hantinee. Allow ku gar-gaar Geyiga Nabadow, Dadkana Garansii lib iyo Gobannimo.

Gefiyo uma haysto Ruux godoboo, Goshayda Xumaan kumaan guntannoo, Gu’ baan ku illaaway geedo baxshee. Allow ku gar-gaar Geyiga Nabadow, Dadkana Garansii lib iyo Gobannimo.”

“Allow noo Tiirisee, u Taagnee Calankayaga, Rabbow Taban-taabiyoo Adigu noo taakulee.” “Geyigeenna oo Xor ah, Wallee aayar kama gudo, Guud dadkiisana weligay ma kala guro.”

“Allow u siyaadi Nabadoo suganoo, Barwaaqo ku soor Somaliland.”

“Hooooy Bulshooy Hagar li’i, Dalkiinna u hura waxaad haysaan, Ceerigaabo u hura waxaad haysaan.”

Soomaaliya waa Dal Fashilmay oo qaaday Horyaalka Qarramada Aduunka ee Guul-darraystay. Dadka ku nool Soomaaliya iyo Xukuumadahooduba muddo ka badan 23 sano ayey waxbaba ku heshiin waayeen. Balse waxa jirta hal arrin oo ay Soomaaliya iyo dadka ku nooliba ay dhammaantoodba isu raacsan yihiin oo ay ka midaysan yihiin. Taasi oo ah inaan Jam. Somaliland noqonin dal gaar ah oo ka madaxbannaan wixii la isu odhan jiray Soomaaliya. Innagaa (reer Somaliland) u haysanna inay yihiin dad aynu walaalo nahay, balse iyagu ma aaminsana arrintaasi. Nabadda, Xasiloonida, Horumarka iyo dareenka waddaninnimo ee mideeya ummadda Jam. Somaliland wuxuu Soomaaliya iyo dadka ku noolba uga dhigan yahay guuldarro iyaga u soo hoyatay.

Waxaa lagama maarmaan ah in ummaddu fahanto inay jiraan dibindaabyo iyo dabinno qorshaysan oo ay Cadowgu si joogto ah ugu maleegayaan Qarannimada iyo jiritaanka Jam. Somaliland. Cadowga dibeddu waxba kaama qaadi karaan haddii aanay taageero ka helin gudahaaga. Dhallinyarada Xiddigaha Geesku may qummanayn inay u warramaan ama ay bernaamij u duubaan Warbaahin ay leeyihiin Cadawgu oo inta dagaal innagula jira. Laakiin, Xiddigaha Geesku Waxay Qaranka u Qabteen ayaa ka Qara-weyn Qaladkay Galeen!Waxa aniga ila qummanaa in

Dhallinyarada Xiddigaha Geeska loo caqli celiyo balse aan ganaax iyo dhaleecayn midnaba lagula kicin. Arrimahan oo kale way dhacaan wayna dhici doonaan. Siyaasiyiinta iyo Madaxda Qaranka waxaa looga baahan yahay deggenaansho, aragti siyaasadeed oo qoto dheer iyo inay caqli la yimaaddaan. Haddii aad aragto in dadkaagii lagugu haysto waa inaad garan karto masuuliyaddaada iyo wixii kula gudboon.

Waxa ceeb inteeda leeg ah in Telefishan ku hadla afka Xukuumadda Soomaaliya uu yidhaahdo waxaan tagay Caasimaddii 2-aad ee Soomaaliya oo uu weliba bernaamij Ciidda ah ka duubto Dhallinyarada Xiddigaha Geeska. Arrintani waxay ceeb ku tahay guud ahaanba Qaranka, gaar ahaanna waxa dhalliishaa iska leh Wasaaradda Warfaafinta iyo Telefishanka Qaranka. In Wasiir Cukuse cuna-qabatayn iyo ganaax ku soo rogo Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, waxay daliil u tahay in SNTV uu 2:0 kaga badiyey SLNTV.

Waxaan maqaalkan kooban ku soo gaba-gabaynayaa Dhallinyarada Xiddigaha Geesku uma qalmaan xag-xagasho iyo xumaan midnaba, Qaranka iyo Ummaddoo dhanna waxay ka mudan yihiin dhiiri-gelin, gacan qabad iyo in loo hagar baxo oo baahidooda iyo sidii ay ku sii horumari lahaayeenba la fahmo. Waxaan aaminsanahay in Dhallinyarada Xiddigaha Geesku ay buuxiyeen kaalintoodii iyo weliba dheeraad, hawsha ay Qaranka u hayaanna waxaa loo baahan yahay in loo qiro oo lagu taageero. Waxay hadh iyo habeenba heegan ugu jiraan wacyi-gelinta iyo baraarujinta Ummadda JSL. Waxay mar walba si tabarruc ah oo ay waddaninnimo ku dheehan tahay u gutaan waajibaad iyo masuuliyad aan iyaga Qaranku u igmanin, masuuliyaddaasi oo ay lahaayeen Haya’adaha Wacyi gelinta iyo Warbaahinta Qaranku (sida TV-ga, Radio-ga, iwm).

“Guusheenu Dad bay u tahay gubasho, Wanaagga aan gaadhnayna u Gaanbinaya oo inay Gembiyaan u soo Guntadee, ka hay Gaadhkoo ka joog Goonyahay. ALLA ha gar-gaaro Geyiga Nabadda (JSL), Dadkiisana ha Garansiiyo LIB iyo GOBANNIMO.”

 

ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

Wa Billaahi Tawfiiq,

Jam. Somaliland ha Noolaato

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh [Hussein Deyr] [Birmingham, United Kingdom]