Xiddigaha Geeska iyo ku-talo-galkooda Bandhigga Xuska 18 May

Hargeysa (SLpost)- Kooxda Fannaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa sannadkan qayb weyn ka qaadanaysa  Dabaal-degga Xuska sannad-guurada 23aad ee Madaxbannaanida Somaliland ka go’day dalkii laysku odhan jiray Somalia 1991.

xidigaKooxda Xiddigaha Geeska oo ay ku bahoobeen fannaaniin da’yar oo  kasbaday dhegaha Soomaalida dacallada dunideeda ku kala nool, ayaa sannadkan Xuska 18 May 2014 si ka heersaraysa sidii sanadihii hore uga qayb qaadanaaaya waxayna Magaalada Hargaysa Ku Qabanayaan Bandhig Faneed Qaran oo ay ku Qabanayaan Hutel Guuleed kaasi oo dadka ka soo qayb galaya lagu qiyaasay 5000(shan kun oo qof) Kaasi oo si wayn loo agaasimayo islamarkaana aan habayaraatee lagu galin wax lacag ah balse card Lagu gali doono, waxaana dadka ka soo qayb galaya si wada jira u Soo Casuumaya Xukuumada Somaliland iyo kooxda Xidigaha geeska.

 Labadii Maalmood ee u danbaysayna waxa magaalada Hargaysa si xoogan loogu arkaayay calaamada lagu muujinaayo xuska 18 May- oo ay ku sawiranyihiin Kooxda xidigaha geeska.

Gudoomiyaha Xidigaha geeska Xasan saleebaan dhuxul Laabsaalax, ayaa ka xog-waramay qaabka ay uga qaybgelayaan Xuska 18 May, “ Horta Waxaanu Ka Mid nahay Muwaadiniinta U diyaar garoobaya, kana qayb-qaadanaya Xaflada 18 May, taasi oo aad moodo in sanadkan si ka balaadhan sidii sanadihii hore loo xusayo, anagu Waxaan Hotel Guuleed Ku Qabanaynaa Xaflad ay ka soo qayb galayaa masuuliyiinta dawlada, golayaasha qaranka iyo shacabka Qaybihiisa Kala Duwan habeenimada 18 may, sidoo kale subaxnimada hadii rabi qadaro fagaaraha khayriyada ee gobolka gabiley ayaanu dadka kala qayb galaynaa, Sidaasi waxaayidhi Gudoomiyaha Xidigaha geeska Xasan saleebaan dhuxul Laabsaalax

Isagoo hadalkiisa sii faahfaahinayana wuxuu yidhi, “Waxaanu ugu talo galnay Heeso cusub oo waddaniya oo aan aad ugu soo shaqaynay.”