XERO BAHAL KU JIRO XOOLO KUMA DHAQMAAN! W/Q Suldaan Maxamed Daahir

 

Anigoo ah Suldaan Maxamed Daahir Cilmi,  kana mid ah salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland, waxa wax layaab leh igu noqotay, laba hadal oo aan isku kay daboolayn oo ah ‘Salaadiin aan ka mid ahayna waxa lagu xidhay sharcigu ha shaqeeyo, suldaan Wabarna si badheedh ah oo aan baqasha lahayn ayuu ku soo weeraraa xarumaha dawladda. Weerarkii ugu dambeeyayna waxa uu ku soo weeraray guriga badhasaabka gobalka Awdal, halkaas oo uu ku dilay laba askari, waxa taas ka sii daran markii uu dilay ayuu si toos ah iskaga baxay iyadoon maleeshiyadiisii cidna laga dilin, cidna laga dhaawicin, cidna laga soo qaban. Haddaba madaxda Somaliland oo uu ugu dambeeyay wasiirka arrimaha dibadda hadalkii uu lahaa oo ahaa waanu ka heshiinay dawladda Itoobiya arrinta sugida ammaanka ee uu ku sooq aaday Suldaan Wabar. Haddaba Suldaan Wabar xagguu joogaa (ma cirkuu joogaa, ma dhulkuu joogaa.)

Anigoo ah su’aal suge

Suldaan Maxamed Daahir Cilmi