Xeerka Sirdoonka Qaranka: Yaa Hafray, Yaase Hagraday? – W/Q: Maxamed Cabdi Daa’uud

Maxamed Cabdi Daa'uud
Maxamed Cabdi Daa’uud

Labada aqal ee Baarlamanka iyo ciddii soo curisay xeerkaniba waxa ay il-duufeen in ay u sameeyaan gogol-dhig Dastuuri ah oo uu ku fadhiisto xeerku. Taas oo ay soo xigan lahaayeen:

1. Qodobka 34aad (Dastuurka Qaranka), xubintiisa koowaad, oo u dhigan sidan: Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka.

2. Qodobada Dastuuriga ah ee ka billaabma Qodobka 21aad ilaa Qodobka 32aad ee damaanad qaadaya Xuquuqda Qofka iyo Xorriyaadka Asaasiga

Arrinkaas oo la il-duufay waa hagrasho dul hoganaysa ciddii curisay xeerka iyo ciddii ansixisayba. Sidoo kale hafaryada mucaaridka iyo xajiimaynta xeerkani waa buubuunin aan macno samaynayn kol haddii xeerka la soo mariyay sharci-dejintii oo ay ka mid ahaayeen xubnaha mucaaridka ah laftoodu. Immika iyo haatanna waxaa muhuum ah in la fanido xeerkan si looga gun-gaadho runta. Mucaaridku waxa uu ka bixiyay dareen iyo sas lagu talax-tagay xeerkan. Si gaar ahna waxay uga qayliyeen qodobbadiisa soo socda:

1.     Qodobka 7aad xubnihiisa 4aad iyo 10aad

2.     Qodobka 8aad, xubintiisa 3aad

3.     Qodobka 20aad

Qodobka 7aad (Xeerka Sirdoonka Qaranka)

Xilka iyo Waajibaadka Hay’adda

1.     (Faqraddiisa 4aad) Ka saadaalinta iyo ka warbixinta meel kasta oo ay ka iman karto khatar iyo waxyeelo qaranka ku iman karta, ka hortaga iyo gacan ku qabashada[1] falal kasta iyo xad gudub kasta oo ah dambiyo, shirqoolo iyo hadimooyin lagu wax yeelayn karo qaranka.

2.     (Faqraddiisa 5aad) Dabagalka iyo raadinta xog kasta oo la xidhiidha danbiyada abaabulan iyo kuwa argagixisada.

3.     (Faqradiisa10aad) Ka hortaga[2] dacaayadaha (counter propaganda) lidka ku ah haybada, sumcada iyo sharafta qaran nimada JSL.

4.     (Faqradda 11aad) La socodka qalabyada warbaahinta, qoraalada iyo meel kasta oo ay ku wajahan yihiin iyo in la hubiyo ujeedooyinka ay xanbaarsan yihiin iyo wax kasta oo ku duugan (publication press and propaganda)

Dhaleecayntii uu ka dhawaajiyay mucaaridkuna sidan bay ahayd:

Farqadani waxay ka dhigaysaa Hay’ada mid awood buuxda u leh gacan ku qabashada eedaysanayaasha taas oo ay ku duugan tahay inay yeelan karto jeelal dhulka hoostooda ah oo ay dadka ku haysan karaan,  ku wax yeeleeyaan, ku waraystaan, ku jidh dilaan, isla markaana sharaftooda wax ku yeelaan waqti dheer oo aan sharciga waafaqsanayn.

Weedhahaas mucaaridka wxaa aad mooddaa in ay ka muuqdaan been-abuur iyo hafaryo la curinayo oo aan ku caddayn xeerka. Buun-buuninta noocaas ahina waxa aad mooddaa in ay shiiqayso marka la akhriyo qodobada 4aad iyo 5aad  oo lalaa akhriyo qodobka 8aad xubintiisa 1aad oo qeexaya awoodda Hay’addu in ay tahay sidan; In mar kasta oo ay ka war-hesho, ama sabab macquula ah awgeed ku rumaysato in la qorshaynayo fal-dembiyeed, ay wargeliso hay’adaha qaabilsan ka-hortagga dembiyada. Taas oo inoo muujinaysa in awoodda iyo xilka Sir-doonku aanu ahayn gacan ka hadal ee uu yahay xog u gudbin ku socota hay’adaha qaabilsan ka-hortagga dembiyada.Sidoo kale ereyga ah ‘gacan-ku-hayn’ macnihiisu waa daba-gal iyo la-socod. ‘Ereyada ah ‘ka-hor-tagga dacaayadaha’ macnahoodu waa ‘jawaab-celinta dacaayadaha’. In ay sidaas tahayna waxaa ka marag ah sida  Af Ingiriisiga loogu qeexay ee loogu macneeyay ereyada ah (counter propaganda).

Qodobka 8aad (Xeerka Sirdoonka Qaranka)

Awooddaha Hay’adda

Hay’addu si ay u gudato xilkeeda iyo waajibaadkeeda waxay leedahay awoodaha

soo socda:

1.     In mar kasta oo ay ka war-hesho, ama sabab macquula ah awgeed ku rumaysato in la qorshaynayo fal-dembiyeed, ay wargeliso hay’adaha qaabilsan ka-hortagga dembiyada.

2.     Xubnaha Hay’addu waxay qaadan karaan hub fudud, si ay isugu difaacaan, Si waafaqsan Xeerka Hubka fudud.

3.     Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood u leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay’addaha nabad-gelyadaWaxaanay la wareegi[3] karaan qalabkasta oo loo adeegsado danbiyaadaas.

Qodobkii 7aad, xubintiisa 3aad ee ka hadlaysay ‘counter propaganda’ ee sida qaldan mucaaridku u tarjumay ee uu ku sheegay ‘ka hor-tagga’ la macno ah faaf-reeb, iyo Qodobkan 8aad xubintiisan 3aad ee la il-duufay waxa ay cabsi-galiyeen Saxaafadda Xorta ah. Sidaas darteed waa in laaxinkaas  laga saaraa, oo lagu beddalaa sidan: ‘Waana lala wareegi karaa …, si marag muujin ah, inta xukun maxkamadeed dhacayo.’

Sidoo kale Ereyga ah ‘Gacan Ku Hayn’ waa in lagu beddelaa ‘Daba-gal’. Erayada ah ‘ka hor-tagga dacaayadahana’ waa in lagu beddelaa ‘jawaab-celinta dacaayadaha’. Waxa intaas mudanna waa in aan lagu dilin sumcadda qaranka iyo karaamada dawladnimada Somaliland.

Qodobka 20aad (Xeerka Sirdoonka Qaranka)

Wada Shaqaynta Waajibka ah

·        Qof kasta oo deggan wadanka gudihiisa, marka laga reebo diblomaasiyiinta shisheeye, waxa ku waajib ah in uu la shaqeeyo xubnaha Hay’adda ee gudanaaya wajibaadkooda shaqo.

Dhaleecaynta Labaad ee Mucaaridku Jeediyay:

“Qodobkani wuxuu muwaadiniinta ku waajibinayaa inuu fuliyo amaro waxyeelayn kara damiirkiisa, shaqsiyadiisa, nabad-galyadiiisa, ganacsigiisa iyo wixii lamida maadaamoo laga qaday awoodii garawshiiyaha.” 

Erayada noocaas ahi waa gef cad oo mucaaridku u badheedhay. Kuwaas oo ka hor-imanaya Dastuurka Qaranka Qodobkiisa 34aad oo u dhigan sidan:Muwaadin kasta waxa waajib ku ah adkaynta midnimada ummadda, ilaalinta jiritaanka Qaranimada iyo difaaca dalka iyo diinta si waafaqsan xeerka. Markaas muwaadinku in uu Sir-doonka la shaqeeyaa waa waajib Dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta oo loo garaabi karo.

Dardaarankayga ugu dambeeyaa waxa uu yahay sharci curinta iyo ansixintiisuba wax fudud oo lagu maararoobo ma aha. Waa xil culus oo aqoon, feejignaan iyo turxaan-bixinba u baahan. Ereyada la adeegsanayaanna waa in ay cad yihiin oo aanay aqbali karin wax ka badan hal mane oo qudh ah.

Wa Billaahit Tawfiiq

Maxamed Cabdi Daauud


[1] Waxa ay ku fiicnaan lahayd in loo qoro daba-galka  iyo ka hor-tagga, sida ku qeexan Xubinta 5aad  ee isla qodobkan.

[2] Waxaa sax ah erayada Af Ingiriisida ah ee ‘counter propaganda’ oo macnahoodu yahay  ‘jawaab-celinta dacaayadaha’ Marka sidaas loo fahmo ma jiro wax la yidhaah faaf-reeb oo xeerku jidaynayaa

[3] Waxaa ku haboonaa in loo dhigo; Waana lala wareegi karaa …, si marag muujin ah, inta xukun maxkamadeed dhacayo.