Xeerka Musuq-Maasuqa Iyo Saamaynta Qasriga Madaxtooyada, Marwada, Xafiiska Samafalka M/Tooyada Iyo Hay’adaha Kale Ee Musuq-Maasuqa Ah Ee Bilaa Sharciga Ku Dhisan!?

Garyaqaan Salidhige

“NIN DAWEE LA LEEYAHAY, DEMBI UU BADH LEEYAHAY, XALKA DOON LA LEEYAHAY, ISAGAY U DARANTAHOO, IN LA DAARO MA OGOLA!!”

Garyaqaan Salidhige

Anigoo ah Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige), isla markaana ah Garyaqaan Tabliiqi-Sharci ah (Voluntary Lawyer), oo muddo laba sanadood ku dhow Hiil-Sharci u fidinayey DAWLAD-SAWAABAN iyo MADAX-SILOON si ay u ahaadaan kuwo dhamystiran oo isku xidhan oo Dal iyo Dadba ku maamuli kara Sharci iyo Nidaam, kuwaas oo maanta ah Dawlad iyo Madaxdeed oo Bilaa Nidaam-Sharci iyo Bilaa-Nidaam-Siyaasadeed ah, noqonayana xaga Sharciga kuwo dhiman (incapacity) oo kala socda, oo heehaabaya, oo Rabitaankoodana u arka inuu yahay Sharciga Dalka ugu sareeya, ayaa Qormadaydan Hiilka-Sharci waxaan Dadweynaha JSL ee baylahsan, aan halakan saxaafadda madaxa banaan ugu soo bandhigayaa Talaabooyinka Maamul-Xumo ee Dawladdu ay qaado ee sababa dhibaatooyinka sida KIISKA RASHINKA ee Badhasaabkii hore Mr. XAMARJI, La Taliyihii Madaxweyne ku xigeenka iwm ay u xidhan yihii, iyadoo dhacdadaas la barbar dhigi karo; Hay’adaha Dawladda ee ku dhisan Bilaa Sharciga ee Sifaha Musuq-maasuqa ku qaata Maaliyadda ummaddan baylahsan; Xafiiska Samafalka Madaxtooyada iyo Marwadda M/weynaha Deeqaha Qaybin jirtay iyadop awood Sharci aan u lahayn, u Sinaansho la’aanta Sharciga ee dadka qaarna uu qabanayo; dadka qaarna aanu qabanayn; Hab-Maamulkooda indhoolka ah (Blind Administration) iyo Saamaynta dhacdooyinkaas ay ku yeelanayaan Xeerka Ka Hortaga Ku Takrifalka Hantida Qaranka & La Dagaalanka Musuq-maasuqa Xeer No. 38/2007, ayaa Qormadaydan Hiilka-Sharci oo isugu jirta TILMAAMO, TUSAALOOYIN iyo Soo bandhigid Dhaliilo Wax Dhisid ah (Positive critizisms) oo ah barta sartu ay ka qudhunsan tahay ee sababaya dhibaatooyinka si waafaqsan Qodobada 12aad iyo 34aad ee Dastuurka iyo Ayaadaha 104aad iyo 110aad ee Suuradda Al-Cimraan ee Quraanka Kariimka ah, ayaa iyadoo aan ku horayn doono soo jeedintayda Talooyinka-Sharci iyo Codsigayga Oodista kiiskaas waa sidan:-

Xeerkan boodhka laga tumay ee maanta la dhaqdhaqaajiyey ee loo cuskaday KIISKA RAASHINKA Xeerka Ka Hortaga Ku Takrifalka Hantida Qaranka & La Dagaalanka Musuq-maasuqa ee Xeer No. 38/2007 QODBKIISA 2aad ee xeerkaas oo ka hadlaya (XATOOYO KU TAKRIFAL ama LUNSI HANTI QARAN). wuxuu u dhigan yahay sidan:-

1- Masuulka Guud ama qof loo xilsaaray hawl guud oo sabab xafiiska uu Masuulka ka yahay ama shaqadiisa ah ku haya ama kaga masuul ah lacag ama hanti guurto ah, ama ma guurto ah oo maamulka guud uu leeyahay oo ku takrifala ama leexiya si uu isagu dantiisa uga faa’iidaysto ama uga faa’iideeyo Qof kale ama in ka badanba isaga oo aan awood sharci u lahayn waxa la marinayaa ciqaabaha soo socda:-

b) Waxa lagu Ciqaabayaa xadhig u dhexeeya 3 (saddex) sano ilaa 10 (toban) sano.”

Muwaadiniin muhimadda Qodobkaas ee 2aad xubintiisa 1aad xarafkiisa ‘b’, waa weedha ah isaga oo aan awood sharci u lahayn  ayaa waxay tahay mid inoo macnaynaysa ‘in cidda maamulaysa Hanti iyo Maaliyad ummadeed ay ahaato cid awood Sharci u leh!!!

Waxa Madaxweynaha JSL, Madaxda Dalka, Hanti Dhawraha Guud, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo  Dadweynaha JSL ay wada ogsoonahay oo Warbaahinta Qaranka laga baahiyey in marwada Madaweynuhu iyadoo awood-sharciyeed aan u lahayn ay bixinaysay Hanti iyo Maaliyad umadeed oo ahaa Raashino Mucaawino ah sida Saliido, Bariis iwm.

Su’aalaha is weydiinta mudani waxay yihiin sida:-

1- Maxaa Aaamisiiyey Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka iyo Hanti Dhawrihii Guud ee ay u qaban waayeen Marwada Madaxweynaha oo ay Dembi ugu soo oogi waayeen?!! Illayn Marwadu Awood Sharciyeed uma laha inay soo faro geliso iyo inay Maamusho iyo inay Cid kale uga faa’iidayso toona!!

2- Xeer-ilaaliyuhu guud ee Qaranka iyo Hanti Dhawraha Guud yey u ilaaliyaan Xeerarka, yeyse u Hanti-Dhawraan?!!

Aynu halkaas ku soo dhaafno arinka Marwada Madaxweynaha oo aynu u gudubno xaga Hay’adaha iyo Xafiisyada Musuq-maasuqa iyo Sharci-darada ku dhisan

 

XAALADDA SHARCI DARO EE XAFIISKA SAMAFALKA EE MADAXTOOYADA:

Xafiiskani waa Xafiis ku sifo Sharci daro ah, oo ma jirto wax Sharci ah oo uu ku dhisan yahay, waxa keliya ee uu ku dhisan yahayna waa Rabitaan Madaxdweyne, Rabitaan madaxweynena ma aha Sharci.

Madaxweyne waxa uu Madaxweyne ku yahay waa Sharci iyo Nidaam, mana aha XAQLAHA DALKA iyo DADKA, laakiin waa Maamule iyo Fuliye Sharci iyo Nidaam dawladnimo ee u dejisan Dalka JSL.

Shay kasta oo Sharci ku daro ku dhisan waxa xaqiiqo ah in Bulshadu ay kala kulmayso Dhibaatooyin iyo Hagardaamooyin fara badan, sidoo kalena waxa xaqiiqo ah in xaalkiisa Maamul uu ahaanayo mid Musuq-maasuq iyo Maamul-Xumo, Maamul-Xumona Waa-Argagixiso’

Xafiiskan SAMAFALKA MADAXTOOYADA ee Sharci darada ku dhisani wuxuu yahay mid saamayn weyn oo toos ah ku leh dhibaatada muruga iyo Jehowareerka KIISKA RAASHINKA. Xafiiskani isagoo jilaya Dawladnimo isuna arka inuu leeyahay awoodo Sharci oo uu ku Maamuli karo Hanti iyo Maaliyad ummadeed ayaa wuxuu iska qor-qoray waraaqo xafiiska Xeer-ilaalintu ay marag ahaan u soo qaataday oo Eedaynteeda Kiiska raashinka.

Su’aalaha is weydiinta mudani waxay yihiin sida:-

1- Maxaa Aamisiiyey ee garba duubay Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka iyo Hanti Dhawrihii Guud ee ay u qaban waayeen Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada oo ay Dembi ugu soo oogi waayeen?!! Illayn Marwadu Awood Sharciyeed uma laha inay soo faro geliso iyo inay Maamusho iyo inay Cid kale uga faa’iidayso toona!!

2- Xeer-ilaaliyuhu guud ee Qaranka iyo Hanti Dhawraha Guud yey u ilaaliyaan Xeerarka, yeyse u Hanti-Dhawraan?!!

Waxaynu SLNTV aynu ka daawanay Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada marwo Aamina oo Deeq Raashin ah bixinaysa, markaa Maxaa loo dhaqdhaqaajin waayey Xeerka Musuq-maasuqa Xeer No. 38/2007?!!

Qodobkaas ee 2aad xubintiisa 1aad xarafkiisa ‘b’, waa weedha ah isaga oo aan awood sharci u lahayn  ayaa waxay tahay mid inoo macnaynaysa ‘in cidda maamulaysa Hanti iyo Maaliyad ummadeed ay ahaato cid awood Sharci u leh!! Sida qodobkaasi uu dhigayo ‘RAASHIN LA BIXIYAA’ miyaanu ahayn ‘RAASHIN LOOGA FAA’IIDEEYEY QOF KALE IYO IN KA BADAN’?!! Maxayse ku kala duwan yihiin Madaxda Dawladda ee Kiiska Raashinka u xidhan ee lagu soo oogay Qodobka 2aad xubintiisa 1aad xarafkiisa ‘b’ ee Xeerka Musuq-maasuqa ee Xeer No. 38/2007 iyo Madaxa Xafiiska Samafalka Madaxtooyada?!! KIISKAN RAASHINKA ee Madaxdii dalku ay u xidhan yihiin sida Badhasaabkii hore ee XAMARJI iyo La TALIYIHII Madaxweyne ku Xigeenka JSL?!!

QASRIGA MADAXTOOYADA JSL ma aha goob loo doonto CUNTO iyo RAASHINTOONA. Laakiin QASRIGU waa goob Maamuus badan oo loo raadsado MAAMUL, TALO iyo ARRIN!!

Ma haboona in Madaxtooyadu ay is hoos geyso xafiis wasakh badan (Dirty Office) oo CUNTO iyo wax xilleh ku shuqul leh, oo gebi ahaanba aan ku dhisnayn Sharci iyo Nidaamtoona.

HAY’ADAHAN iyo MADAXDAN MUXUU U QABAN WAAYEY Xeerka

Musuq-Maasuqa ee Xeer No. 38/2007?!! Muxuuse Xafiiska Xeer ilaalinta iyo

Hanti Dhawraha Guud ay Dembi Ciqaab ah ugu soo Ooogi Waayeen!!?

Muwaadin bal aynu eegno xaaladdan ba’an ee musuq-Maasuq iyo Sharci la’aaneed ee madaxda iyo Hay’adahan soo socdaa ku dhisan yihiin ee ay ku shaqeeyaan, iyo maqnaanshaha doorkii Hanyi Dhawraha guud ee dawladda iyo Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka, waxaana haboon in qof kasta oo Muwaadin ah oo Mutacalim ah in arimahan uu Caqli saliim ah uu ku eego isagoo is barbar dhigaya dhacdooyinkan iyo Xeerka Ka Hortaga Ku Takrifalka Hantida Qaranka & La Dagaalanka Musuq-maasuqa Xeer No. 38/2007. Sidoo kalena waxa is weydiin mudan: Yaa loo ilaaliyaa Xeerarka ?!! Sidee loo ilaaliyaa Xeerarka?!! Xeerarka Dalkeenuse Ma ilaashan yihiin?!! Ma Odhan karnaase ‘Xafiiska Xeer-ilaalin ma aha, laakiin Waa XAFIISKA ILAALINTA RABITAANKA MADAXDA MADAXDA GUUD EE QARANKA?!!Sidoo kalena ma odhan karnaa Xafiisyada Hant dhawraha Guud iyo Xeer ilaalintuba waxay yihiin ‘XAFIISYO KU SHAQEEYA RABITAANKA MADAXDA SARE EE QARANKA‘ oo la dhaq-dhaqaajiyo oo keliya kolka la rabo in cid gaar ah lagu soo oogo Dembi, oo ah cid Madaxda sare ay saniftay ama ay u arkaan inay ka soo horjeedaan Rabitaankooda?!! Si kastaba xaaladuu ha noqotee waxa haboon in Bulshada JSL ay cibro qaataan oo ay arkaan xaaladda ba’an ee Sharci la’aaneed iyo Musuq-maasuq ee ay ku suga yihiin Hay’ado iyo Guddiyo ku sheegan waraabo taaga ah ee soo socda, waana sidan:-

a) XAFIISKA KOMISHABKA QURBO-JOOGA, Xafiis ku sheegan oo qaadatay sanadkii hore ee 2011 Maaliyad lacageed oo dhan 509,876,600 SL/SH. Sidoo kalena sanadkan 2012 loo ansixiyey maaliyad dhan 294,766,600 SL/SH, Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 37 ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012!!?

b) QUALITY CONTROL COMMISSION, Hay’ad ku sheegan oo qaadatay sanadkii hore ee 2011 Maaliyad lacageed oo dhan 1,523,912,000 SL/SH. Sidoo kalena sanadkan 2012 uu Baarlamaanka JSL ee Qurbo-Jooga u badan kuna yimid Law No. 14/2000 ay iyagoo ‘HEBELNIMADU‘ ku weyn tahay oo aan eegina sifada Sharci ee ay ku dhisan yihiin Guddi ku sheegaasi ay u ansixiyey maaliyad lacageed oo dhan 1,014,668,000 SL/SH Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 38 ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012!!?

c) AGAASINKA TACLIINTA SARE, Hay’adan ama Agaasin ku sheegtan oo ah mid hore loo ‘MEHER-XADAY’ oo aanay jirin wax Sharci ah oo lagu dhisay oo ay ku kasban karaan maal iyo maamul ummadeed, ayaa sanadkii hore ee 2011 waxay sifo aan Sharci ahayn ku qaateen Maaliyad lacageed oo dhan 2,100,000,000 SL/SH. Sidoo kalena sanadkan 2012 Baarlamaanka JSL ee Qurbo-Jooga u badan kuna yimid Law No. 14/2000 ayaa iyagoo ‘HEBELNIMADU’ agtooda ay ku weyn tahay ay Hay’addaas bilaa Sharciga ku dhisan waxay mar labaad ugu ansixiyey maaliyad lacageed oo dhan 1,612,282,000 SL/SH. Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 22-A ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012!!?

d) GUDDIGA TACLIINTA SARE, Hay’addan ama Guddi ku sheegan oo ah mid hore loo ‘MEHER-XADAY’ oo aanay jirin wax Sharci ah oo guddigaas lagu dhisay oo ay ku kasban karaan maal iyo maamul ummadeed aayaa sanadkan 2012 uu Baarlamaankan JSL ee Qurbo-Jooga u badan ee ku yimid Law No. 14/2000 ay iyagoo ‘HEBELNIMADU’ agtooda ay kaga weyn tahay Sharciga ay gudiddaas bilaa Sharciga ku dhisan waxay u ansixiyeen maaliyad lacageed oo dhan 798,810,000 SL/SH Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 22-B ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012!!?

e) ICT COMISSION, Hay’ad ku sheegtan oo ah mid hore loo ‘MEHER-XADAY’ oo aanay jirin wax Sharci ah oo lagu dhisay oo ay ku kasban karto maal ummadeed, ayaa sanadkii hore ee 2011 waxay sifo aan Sharci ahayn ku qaateen Maaliyad lacageed oo dhan 404,164,800 SL/SH. Sidoo kalena sanadkan 2012 Baarlamaanka JSL ee Qurbo-Jooga u badan kuna yimid Law No. 14/2000 ayaa iyagoo ‘HEBELNIMADU’ agtooda ay ku weyn tahay ayaa Hay’addaas bilaa Sharciga ku dhisan waxay mar labaad ugu ansixiyey maaliyad lacageed oo dhan 329,136,000 SL/SH. Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 35 ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012!!?

f) HAY’ADDA XIDHIIDHKA CAAWIMADA EE FWP; Hay’ad ku sheegtan oo ah mid hore loo ‘MEHER-XADAY’ oo aanay jirin wax Sharci ah oo lagu dhisay oo ay ku kasban karto maal ummadeed, ayaa sanadkii hore ee 2011 waxay sifo aan Sharci ahayn ku qaateen Maaliyad lacageed oo dhan  331, 925, 600 SL/SH. Sidoo kalena sanadkan 2012 Baarlamaanka JSL ee Qurbo-Jooga u badan kuna yimid Law No. 14/2000 ayaa iyagoo ‘HEBELNIMADU’ agtooda ay ku weyn tahay ayaa Hay’addaas bilaa Sharciga ku dhisan waxay mar labaad ugu ansixiyey maaliyad lacageed oo dhan 288,225,600 SL/SH. Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 36 ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012!!?

g) HAY’ADDA MAAMUL WANAAGA IYO KA HORTAGA MUSUQ-MAASUQA (Good Governance and Anti-Corruption Commission) iyo dhammaan Hay’adaha, Xafiisyada  iyo Guddiyada (Commissions) kale ee ku dhisan bilaa Sharciga ee maanta dalka ka shaqeeya kuwaas oo Qormooyinka dambe aan si faahfaahsan idiinku soo gudbin doono Muhimadooda jiritaan iyo xaaladahooda ba’an ee Sharci iyo Nidaam la’aaneed ee maanta ay ku sugan yihiin, kuwaas oo noqonaya noqonayan HAY’ADO SHARCI DARO AH OO KU DHISAN MUSUQ-MAASUQ (Illegal and Corrupted Institutions). Hay’ad ku sheegtan oo ah mid hore loo ‘MEHER-XADAY’ oo aanay jirin wax Sharci ah oo lagu dhisay oo ay ku kasban karto maal ummadeed, ayaa sanadkii hore ee 2011 waxay sifo aan Sharci ahayn ku qaateen Maaliyad lacageed oo dhan 1,276,428,400 SL/SH. Sidoo kalena sanadkan 2012 Baarlamaanka JSL ee Qurbo-Jooga u badan kuna yimid Law No. 14/2000 ayaa iyagoo ‘HEBELNIMADU’ agtooda ay ku weyn tahay ay Hay’addaas bilaa Sharciga ku dhisan waxay mar labaad ugu ansixiyey maaliyad lacageed oo dhan 1,350,086,400 SL/SH. Tixraac Buuga (Volume One) Madax No. 39 ee Miisaaniyad Sanadeedka 2012 !!?

WA BILLAHI TAWFIIQ

by: Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid (Salli-Dhige)