‘Xeerarku Waa Xayn-daab Qofka Ka Ilaasha In Uu Isagu Xad Gudbo Ama Lagu Xad Gudbo’

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka qayb galay ballaadhan oo lagu darsayay khilaafaadka iyo sidii xal loogu heli lahaa soo noqnoqashada arrimaha la xidhiidha khilaafka (Conflict Analysis & Transformation).

Kulankan oo qaatay muddo afar habeen ah isla markaana lagu darsayey khilaafka iyo sidii loo baddali lahaa ama xal loogu heli lahaa soo naqonoqashadiisa ayaa habeen hore lagu soo afmeeray machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeysa.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka hadlay kulankaasi iyo waxyaabhii uu ku saabsanaa waxaanu yidhi “Xalay Saacado kooban ka hor waxaan machadka xalinta khilaafaadka ee Jaamacadda Hargeisa ku soo afmeernay kulan qaatay 4 habeen isla markaana lagu darsayey khilaafka iyo sidii loo baddali lahaa ama xal loogu heli lahaa “Conflict Analysis & Transformation.”

xalinta-khilafka

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaa hubaal ah in marar badan ay dhacdo in dadka meel iskugu yimaada uu dhexdooda soo galo khilaaf, isagoo mid walbi is bidayo in uu saxsan yahay, balse taas macnaheedu maaha in lagu kala taggo ee waxaa suuro gal ah in hadii caqli iyo cilmi lagu daro si fudud looga gudbi karo isla markaana xal loo heli karo.”

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in bulsho kasta oo meel wada dagani ay leeyihiin hab iyo qaaab ay u xaliyaan khilaafaadkooda, isla makraana ay dhigtaan xeerar dabar u kala noqda, waxaanu yidhi “Ummad walba oo meel degan waxay leedahay hab ama qaab ay u xaliyaan marka khilaaf dhexdooda yimaado iyagoo dhiganaya xeerar dabar u kala noqda.

Xeerarku waa xayn-daab qofka ku gaddaaman oo ka ilaasha in uu isagu xad gudbo ama lagu xad gudbo.Si xeerkaas u dhaqan galo waxaa lagama maarmaan ah in la helo Xaakim marba u kitaab fura dhacdooyinka la soo darsa kuna eega aragti fog iyo fiiro dheer waayo Khilaafku Waa Sida Geedka, Marwlaba inta kuu Muuqata waxaa ka badan inta kaa Qarsoon.

Mahad oo dhan Alle ayaa iska leh , bogaadina waxaan u dirayaa Mr Jonathan Rudy sida farxshaxanimada leh ee uu u soo gudiyey.

Sidoo kale waxaan u hambalyeynaa asxaabta aan wakhtiga kooban qalin wadaaga ahayn, iyo Jaamacadda suuro galisay kulankan.”

Somalilandpost.net

Hargaysa