“Xeerarka Doorashooyinka iyo Diiwaangelinta Haddii aan la Fullin Wax Badan baa innaga Qaloocsamaya” Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka

????????????????????????????????????

 

Hargaysa(SLpost)-Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka  C/qaadir Iimaan Warame, ayaa ugu baaqay axsaabta inay ilaaliyaan xeerarka u yaala doorashooyinka ee ay dejiyeen baarlamaanku.

C/qaadir Iimaan ayaa sidan hadal uu shalay ka jeediyay kulan dood ahaa oo  lagu faaqiday   arrimaha doorashooyinka  iyo diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha  iyada doorka ay ku leeyihiin urruda bulshadu oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, kulankaasi oo ay ka soo qeyb galeen saraakiil ka kala socday saddexda xisbi qaran iyo Ururrada Bulshadda. ayaa ku dooday inay dejiyeen xeerar nidaamiyihii u dhaxayn lahaa komishanka doorashooyinka iyo axsaabta waxaana uu carabku dhuftay in loo baahan yahay in la fuliyo xeerarka doorashooyinka.

“Doorashooyinku waa shaqo aad u balaadhan, waa shaqo u baahan in gacmaha aynu  is qabsanno.Waa shaqo u baahan taxatirkeeda aqoonteeda wada jirkeeda iyo in la ilaaliyo xeer nidaamyeyaasha ay  doorashooyinku leeyihiin.  xeerar waynu dhiganay oo baarlamaanka jira iyo kii ka horeeyayba xeerar wanaagsan ayay ka tageen oo ay dejiyeen,  laakiin xeerarkii  ma lagu dhaqmaa ma la hirgaliyaa in la is weydiiyo ayaa muhiima,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinku.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay doorashada iyo diwaan galintu leeyihiin xeerar u gaar haddii aan la fulina doorasho dalka ka qabsoomay.

“Doorashooyinka iyo diiwaan-gelintuba waxa ay leeyihiin xeerar u gaar ah,  xeerarkaa haddii aan la fulin oo aan lagu fulin habka ay doorashadu u dhacayso wax badan ayaa innaga qaloocsamaya xeer nidaamyayaal ayaa jiray horena u dajisnaa haddana aanu dejinay doorasho kastana dejisan, waxa aanu diyaarinay xeer nidaamyayaashu naga dhaxayn lahaa annaga (Komishanka)  iyo xisbiyadda qaranka”ayuu yidhi guddoomiyaha Guddiga doorshooyinku.

Waxa uu sheegay inay diyaarinayaan xeer nidaamiyayaasha,isagoo sheegay in hadda la galayo diwaangalintii codbixiyayaasha.

“Waxa kale oo aanu diyaarinay xeer nidaamyeyaashii  ka dhaxayn lahaa xisbiyadda dhexdooda iyo xeerkii ka dhaxayn lahaa  Komishanka doorashooyinka ururrada bulshadda. Waxaynu hadda galnay diiwaan-gelintii codbixiyeyaasha, taas oo u baahan in loo diyaar-garoobo, si aynu u galno Doorashooyinka oo Ku Xiga.” Ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland.

Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa wakhti hore ku dhawaaqaday inay  bilaabi doonaan diwaangalinta codbixiyayaasha wallow aan wali la bilaabin.