Xeer-Ilaaliyihii gobolka Sool oo Caawa lagu Dilay magaalada Laascaanood

Laascaanood (SLpost)– Alle ha u naxariistee waxa xalay Fiidnimadii gudaha Magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool lagu dilay Xeer ilaaliyihii Gobolka Sool Marxuum Axmed Xaaji Maxamuud (Dhunkalax)

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo Xukuumadda oo la xidhiidha Dilka Marxuumka, haseyeeshee waxa la sheegay inay koox dablay ah oo ku hubaysan baaskoolado ay fuliyeen dilkiisa iyada oo la sheegay in Xeer ilaaliyaha ay kooxdaasi madaxa ka toogatay.

Alle ha u naxariistee Marxuum Dhunkalax ayaa waxa kooxdan dablayda ahi toogteen isaga oo ku sii jeeday gurigiisa, ilaa haddana lama garanayo cidda ka dambaysay dilkiisa.

Wararka ka imanaya Magaaladda Laascaanood ayaa sheegaya in halkii Marxuumka lagu dilay ay markiiba soo gaadheen ciidamada booliska iyo kuwo Milatariga oo bilaabay baadhitaanka iyo dabo-galka Cidda ka dambaysay dilka Marxuumka.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net