Xeer-ilaaliye Ku-xigeenka Qaranka oo Ka hadlay Dacwad Xisbiga WADDANI ka gudbiyey

Hargeysa (SLpost)- Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Qaranka Axmed Cismaan Mire, ayaa jawaab ka bixiyey eedo la xidhiidha sharci-jebin uu ku kacay oo uga yimi Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

 

Xisbiga Waddani ayaa ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha ka gudbiyey dacwad xisbigu u daliishaday wax uu ku tilmaamay sharci-jebin qaran, kaddib markii uu masuulkani ka qaybgalay shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.

 

Xisbiga Waddani ayaa eedayntiisa u daliishaday inaanay bannaanayn in masuuliyiin xilalka ka haya hay’adaha Madaxa-bannaan iyo kuwa Garsoorka ah ee dalku aanay ku milmin xisbiyada siyaasadda dalka maadaama loo igmaday masuuliyadda hay’ado dadka dhex u ah.

 

Haddaba, Xeer-ilaaliyaha ayaa eedaymaha WADDANI kaga jawaabay waraysi uu siiyey Telefishanka EryalTv.