Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo Tuuganimo Cad ku tilmaamay go’aanka lagu fasaxay Wargeyska Hubaal ee ka soo baxay Maxkamadda Gobolka

Hargeysa (SLpost)- Xeer-ilaaliyaha Guud ee dawladda Xasan Axmed Aadan, ayaa go’aanka lagu fasaxay Wargeyska Hubaal oo muddo sannad iyo dheeraad xayirnaa ku tilmaamay mid hab tuuganimo ah uga soo baxay garsoorka, gaar ahaan Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo Axaddii todobaadkan soo xidhay dacwad loo haystay Wargeyskaas.

xeer ilaaliyeGo’aan shalay ka soo baxay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodi-jeex, ayaa xayiraad dib loogu saaray Wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo Axaddii dorraad maxkamada Gobolku ka qaadday xayirad saarneyd muddo 13 bilood ah oo markii u horeysay la daabacay caddadkiisii u horreeyey wixii muddadaas ka dambeeyey maalintii Isniinta ee shalay oo uu soo baxay.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Dawladda oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu ku dooday inaanay Xeer ilaalintu waxba ka ogayn qaraarka lagu fasaxay Wargeyska Hubaal oo xeer ilaalintu u gudbiyey Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex oo hore u xayirtay Wargeyska Hubaal.

“Hubaal waxa soo Eedeeyey Booliska,Maxkamadda ayuu in Badan ku jiray, Dacwadan Markii hore waxa gacanta ku Haysay Maxkamada Gobolka,Xafiisk Xeer ilaalintana Nin Xeer ilaaliye Ah ayaa Dacwadan oogayay,Marka La doonayo in dacwadda La oogo Dhinacyada Boolisku way isa soo diyaariyaan Xeer ilaalintana waa loo yeedhaa,Markaas Xeer ilaalintu Goob joog kamay Ahayn Meeshaas Hubaal Lagu Siidaayay.” Ayuu yidhi Xeer Ilaaliye Xasan.

Xasan Aadan waxa uu yidhi, “Arrintan Xayiraadda lagaga qaaday wargaysku waa wax lala Yaabo, oo is waydiin Mudan waana arrin Tuugo Ah,Garsooruhuna waxa ay ahayd Inuu Dacwadda Qaado iyada oo loo dhan yahay,Ka dibna Go’aanka Sheego Hadii uu siidayay iyo hadii kaleba ileen isaga ayaa u madax Banaane,Anagu Anbiil waanu ka qaadan karnaa hadaanu saluugno Sida wax loo xukumay,Laakiin Go’aan qayb ah Ayay soo saartay Maxkamadda Dagmaddu.”

Maxkamadda gobolka ee soo oodday kiiska loo haysto Wargeyska, ayaa go’aankeeda u cuskatay inaanay jirin cid dacwadaasi wada oo dhibane ah, inkasta oo Eedaysanaha Dacwadda lagu macneeyay Qaranka iyada oo Wargeyska loo haysta lagu sheegay Arrimo Qaranka ka dhan ah oo wargeysku baahiyey.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland iyo xubno ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee dawladda ayaa qayb ka ah dacwadda loo haysta Wargeyska Hubaal, balse ilaa immika ma jirto caddeymo la horgeeyey maxkamadda oo ku saabsan eedaymaha loo haysto Hubaal, arrintaas oo sababtay in Maxkamadda gobolku soo Ooddo Kiiska, go’aamo iska soo horjeedaa ka soo baxaan hay’adaha garsoorka.

SOMALILANDPOST.NET