Xeer Ilaalinta Dalka Kenya oo Amartay Soo qabashada Masuul Xukuumadda ka tirsan oo Aflagaaddo Geystay

Nairobi (SLpost)- Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Kenya ayaa maanta ka dalbaday ciidamada amaanka ee dalkaasi inay soo xidhaan Siyaasi caan ka ah Wadankaasi,isla markaana Wasiir ku xigeen ka ah dawlada Kenya.

Wasiir ku xigeenkan oo lagu magacaabo Ferdinand Weytito ayaa ku eedaysan inuu jeediyay Khudbad lagu dhaleecaynayo Qoomiyada Masayga ee ku nool dalkaasi, taas oo kaliftay in dadweyne badani ay ka gadoodeen hadalkan ka soo yeedhay Wasiir Xigeenkan.

Hadalkan Wasiir ku xigeenka ayaa abuuray kala qaybsanaan qoomiyadeed,iyo hurin colaadeed oo ka dhex dilaacda ummada Kenya,ka hor inta aanay qabsoomin doorashada loo balansan yahay ee bisha March ee sanadka soo socda.

Geesta kale Siyaasiyiinta Kenya ayaa warbaahintu mudooyinkii u danbaysay ay ku eedaynaysay inay abuurayaan Xiisado colaadeed oo Qoomiyadaha dhex dooda iyadoo ay jirtay in boqol qof ay ku dhinteen rabshado iyo dagaalo dhex maray laba qabiil oo ku wada nool dooxada webiga Taana ee dalkaasi laba todobaad ka hor.

SOMALILANDPOST.NET