Xeer-dejinta iyo Xukuumad is-xaambarsan – W/Q: Boobe Yuusuf Ducaale ~ Qormada 11aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland
Wasiirkii hore ee Warfaafinta
Wasiirkii hore ee Warfaafinta

Qodobka 8aad:  Awooddaha Hay’adda

Hay’addu si ay u gudato xilkeeda iyo waajibaadkeeda waxay leedahay awoodaha soo socda:

  1. In mar kasta oo ay ka war-hesho, ama sabab macquula ah awgeed ku rumaysato in la qorshaynayo fal-dembiyeed, ay wargeliso hay’adaha qaabilsan ka-hortagga dembiyada,
  2. Xubnaha Hay’addu waxay qaadan karaan hub fudud, si ay isugu difaacaan, si waafaqsan Xeerka Hubka fudud,
  3. Hadii ay timaado xaalad degdeg ah (emergence case) waxay awood u leeyihiin inay halkeeda wax kaga qaban karaan iyaga oo aan cidna u marin isla markaasna la kaashanaya hay’addaha nabad-gelyada waxaanay la wareegi karaan qalab kasta oo loo adeegsado danbiyaadaas.

Faallaynta Qodobka: 8aad

Marka hore bal Faqradda: 3aad Qodobkan: 8aad ee Hay’addeenna Sir-doonka Qaranka waxaad ku qiyaastaan ama ag dhigtaanba Qodobkan 4aad ee hoosta ku qoran ee Xeerkii Nabad Sugiddii Soomaaliya ee Siyaad Barre. Maxaa iskaga eg!

 

Qodobka: 4aa:  (Awoodda baadhista iyo qabashada)

Hadddii ay dantu qasabto ama ay baahiduba timaaddo, hawl-wadeennada Hay’adda NSS-tu iyaga oo aan ‘waaran’ u qaadan, waxay awood u leeyihiin ama u idman yihiinba in ay baadhaan qof kasta, hantidiisa iyo gurigiisa iyaga oo la wareegi kara hanti kasta. Waa haddii ay sidaa war ku helaan ama uu jiro shaki xoog leh oo tilmaamaya in Qaranka denbi laga galay,

Waxa la yaab leh labadan Qodob sidaa ayay isu xanbaarsan yihiin iyada oo la wada aamminsan yahay in nidaamyada kala lahaa ab iyo isirba ku kala duwan yihiin. Haddaa maxaa isu ekaysiiyay?

Bal aynu ku dhudhuminno ama ku dhererinnaba Dastuurka Qaranka. Waxaynu soo xiganaynaa Qodobka: 25aad oo ku xusan bogga 18aad ee Dastuurka Qaranka, waxaanu dhigayaa:

  1. Qofna xorriyaddiisa loogama qaadi karo si aan xeerka waafaqsanayn,
  2. Ma bannaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro haddii uusan markaa denbi faraha kula jirin, ama aanu amar qabasho oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi,
  3. Dawladda ayaa muwaaddinka u dammaanad-qaadaysa xuquuqda iyo xorriyadaha. Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta ku xad-gudubkooda,
  4. Dhammaan xorriyaadka qofka waxa shardi ah in ayna ka hor iman xeerarka anshaxa guud, xasilloonda dalka ama xuquuqda qof kale,

 

Qodobka: 17aad

(Bixinta Sirta)

Xubin kasta oo ka tirsan Hay’adda oo iyada oo ogolaansho ka helin Agaasimaha Hay’adda sheegta, faafisa, daabacda ama si uun uga dhigta wax la og yahay:

  1. Aqoonsiga qof Hay’adda u ah il-wareed,
  2. Xubin Hay’adda ka tirsan oo ku hawlan hawl qarsoon,
  3. Xog Hay’addu heshay oo xaasaasi ah,

Waxa lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 6 ilaa 10 sano; haddii xogta la bixiyay ay Qaranka ku keentay khasaare, waxa xubinta bixisay lagu xukumayaa xadhig u dhexeeya 10 ilaa 20 sanno.

Faallaynta Qodobka: 17aad

Annagaa yaab aragnay ma maqli jirteen. Xeerkan Sir-doonka Qaranka ee aynu ka hadlaynaa waa kan kor ku qoran ee xataa xadaynaya ciqaabta qofka loo geysanayo. Golaha Wakiillada ayaa oggolaaday oo Madaxweynaha ayaa saxeexay. Ma taas oo kale ayaad aragteen. Ma wax ay qabtaan ayay waayeen marka ay xadaynayaan muddada qofka la xidhayo. Bal ka warrama dee, dhabanka iyo gacanta ha isa saarina e’.

Halkaa u dhaafi maayo, waayo wixii intaa ka badan waad ku hafan doontaan. Lexejeclo badan ayaan idin ka qabaa oo indhihiinna ayaan u tudhayaaye, raalli ahaada oo tareenkan halkaa kaga hadha.

Waa Xeer aanay farshaxan iyo farsamayaqaanno helin oo la iska xar-xarriiqay. Wuxu ku qoran yahay af-Soomaali aad u liita oo xataa kii maamulkii Maxamed Siyaad Barre ka liita. Kuma qorna siiqad sharciyeed oo aad fahmi karayso.

 

Qodobka: 20aad:

(Wada Shaqaynta Waajibka ah)

Qof kasta oo deggan wadanka gudihiisa, marka laga reebo diblomaasiyiinta shisheeye, waxa ku waajib ah in uu la shaqeeyo xubnaha Hay’adda ee gudanaaya waajibaadkooda shaqo.

Faallaynta Qodobka: 20aad:

Bal hadda Qodobka: 20aad ee xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland ku dhereriya Qodobka: 7aad ee Xeerkii Nabad Sugidda ee nidaamkii aan la mahadin ee Siyaad Barre. Maxaa iskaga eg! Bal hadda waa kan hoos ku qoran ee isagana ka noolaada.

 

Qodobka: 7aad

(La-shaqayn qasab ah)

Marka laga reebo ergooyinka diblomaasiyadeed ee deggen Jamhuuriyadda Soomaaliya, qof kasta oo Soomaaliyeed wuxu ku qasban yahay in uu la shaqeeyo NSS-ta si ay u gutaan xilalkooda,

 

Bal waxaad aad ugu fiirsataan sida labada qodobba loogu adeegsaday ereyada ah ‘Ergooyinka Diblomaasiyadeed’. Nidaamkii Maxamed Siyaad Barre diblomaasiyiin ayaa u joogtay e’, bal innagana maxaa ina daba dhigay. Mise naawilaadda iyo nayaayirka ayaa inala galay. Wax Diblomaasiyiin lagu sheego waxaynu haynaa oo inala jooga Hawl-wadeennada Xafiiska Ganacsiga ee Itoobiya. Laakiin waxaynu ka wada dheregsan nahay boqollaalka haddii aanay kunba gaadhin ee madow iyo caddaanba leh ee dalkeenna hawlaha Hay’adaha u jooga. Tolow, kuwaasina ma qasban yihiin? Xaggee lagu tiriyay iyagana oo uu Xeerkan Sir-doonku ku og yahay.

Bal ka warrama haddii aynu curin-la’aan iyo hal-abuur la’aan halkaa ka taagan nahay. Waxaynu soo wada raranno oo aynu eedno oo dagaallo mooyaan e’, miyaynaan waxba curin karayn innaga oo xaaladeenna nololeed iyo waayaha aynu hadba ku nool nahay ku sar-goynayna?

Ummaddu waxay heegan buuxa ugu jirtaa in ay dal iyo dadba daafacdo oo nabadgelyadeeda u soo jeeddo. Miyaa illowdeen Degmada Dhoqoshay iyo sidii ay dadweynuhu argaggixisada ugu badheedheen ee ay u soo qab-qabteen iyaga oo dagaal la galay oo naftoodii huray! Ma xeer iyo xaagaan Madaxweyne iyo Gole Wakiillo soo saareen ayaa dirtay. Mise wixii ay kaga fal-celiyeen weerarkii dalkooda iyo dadkoodaba qabsaday “Garashaa ku tidhi yeel.”

Ma qabno in Qodobkan looga gol leeyahay in dadweynaha wax lagu faro, bal se wanjal iyo wajaaf baas ayaa ka soo uraya. Dadku waa heegan, waanay u diran yihiin dalkooda iyo dadkooda ee maxaa laga rabaa? Ma laga yaabaa in dal iyo dadba la nacsiiyo oo wixii ay soo sheegi lahaayeen ay qariyaan. Bal adba!

 

 (La soco……………………………………..)