Xeer-dejin iyo Xukuumad Is-xambaar ah – W/Q: Boobe Y. Ducaale ~ Qormadii 8aad

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

Curintii Xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland (National Intelligence Agency)

Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland
Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somaliland

Qormooyinkan kooban ee taxanaha ah ugama jeedno in aan Xafiis Sir-doon oo Qaran aan la samayn, bal se waxaanu uga gol leenahay ujeeddooyinka laga leeyahay Xafiiska noocan ah oo kan la saxeexay aanay wax dan ahi ugu jirin dal iyo dadba.

Xeerkani, werwerka iyo walaac ballaadhan ayuu ku abuuray bulshada Somaliland sida ay u dhan tahay iyo weliba beesha caalamka, gaar ahaan kuwii u ololeynayay Aqoonsiga Somaliland. Xeerkan dhiillada culus ee la xejin waayay ku noqday shacbiga reer Somaliland, sida aanu warar xog-ogaal ah ku haynno, bilowgiisii waxa soo qalin-daraaleeyay Hay’adda Sir-doonka Qaranka. Sida ay noo sheegeen looga-qaateenku, qabyadii Xeerkani waxay u soo gudubtay Madaxtooyada. Intaa ka dib ayaa loo soo gudbinayaa Golaha Wakiillada si uu waajibkiisa uga maro.

Inta badan diyaarinta qabyada qoraallada Xeerarka Golaha Wakiillada soo gala waxay ku soo horreeyaan Guddi-hoosaadyada, oo mid waliba Xeerka khuseeya ama loo igmado ayay ka soo shaqaysaa. Haddaba, Golaha Wakiilladu, Xeerkan lagu suntay ‘Sir-doonka Qaranka’ wuxu u wakiishay oo ka hawl-galay diyaarintiisa Guddi-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca ee Golaha Wakiillada. Caqliga fayoobi wuxu Ina siinayaa oo ay ahayd in Guddida-hoosaadka Dastuurka, Garsoorka, Caddaaladda iyo Xuquuqal-insaanka gacanta ku dhigaan oo ay xil-qaadaan soo-diyaarintiisa.

Bal se sida aanu ku hellay, xog sugan oo u dhuun-daloosha hawlaha Golaha Wakiillada, iyada oo la eegayo in hawlaha ammnigu ay hoos yimaaddaan Guddida-hoosaadka Arrimaha Gudaha, Nabadgelyada iyo Difaaca, ayaa Xeerkan Sir-doonka iyada loo xil-saaray.

Sidaas ayuu Xeerkani ku imanayaa Golaha Wakiillada oo lagu ansixinayaa iyada oo aan waqti badanba lagu qaadan. Xeerkani in uu si degdeg ah uga gudbo Golahan Wakiilladi ma ay ahayn wax sidaa u sii ridan, waayo waxay u muuqataa in ay ahayd arrin si laxaad leh looga hawl-galay.

Aroortii la keenayba, cabbaar ka dib Xeerkan goluhu wuu oggolaaday oo la iskumaba raagin, arrintaasina mid iska dhacday ma ay ahayn. Wararka aanu looga-qaateenka ka hellay waxay sheegayaan in aanay Qabyadii Xeerkani soo marin shanta La-taliye ee Golaha Wakiillada kala taliya xagga sharciga. Si kale haddii aan u dhigno Qabyadii Xeerkan ma-hadhada inagu noqday looma eegin ama laguma dhererin Dastuurka iyo Baaqa Caalamiga ah ee xuquuqda beni-aadamka.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada marka aad dhex qaaddo, ma kala saar-saarayo xilalka Guddi-hoosaadyada, hal mar ayaanu si qodobbaysan isugu qaadayaa. Bal hadda aad ugu fiirsada qaar ka mid ah waajibaadkooda:

  1. Waxaa xubnaha Guddiyada xilka xulistooda iska leh Shir-gudoonka, iyagoo tixgelinaya aqoontooda cilmiyeed iyo waayo aragnimada ay xubnuh u leeyihiin hawlaha loo xilsaarayo,
  2. Guddi-hoosaad kasta waxa ay ka koobnaanaysa ugu yaraan toddoba (7) xubnood marka laga reebo Guddida Joogtada ah oo ka kooban toddoba iyo toban 17 xubnood,

Halkani, waxay inooga baahan tahay in aynu yar dul joogsanno oo weliba cabbaar ku hakanno. Waxaynu ku qasban nahay in aynu is-barbar dhigno qaabkii loo hoggaamin jiray Golihii Wakiillada ee kan ka horreeyay iyo kan immika jira. Berigaa hore aad uma aynu maqli jirin Shir-guddoon bal se waxa hawlaha gadh-wadeen ka ahaa oo Golaha hoggaamin jiray: Guddoomiyaha, haddii uu maqan yahayna Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad, haddii kaasi maqnaadana Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad.

Marka aynu eegno Dastuurka Qaranka, Qodobka 52aad oo ka hadlaya shaqaalaha Golaha Wakiillada, wuxu dhigayaa:

  1. Golaha Wakiilladu wuxu yeelanayaa Xoghayn uu madax ka yahay Xoghaye Guud oo aan ka tirsanayn Golaha Wakiillada, kana kaalmaynaya Shir-guddoonka Golaha hawlaha xafiiska, dhammaan arrimaha maaliyadda iyo maamulka, waxaanu yeelanayaa ku-xigeen,

Intaas ayuu Dastuurka Qaranku ka xusayaa Shir-guddoonkan hawlihii Golaha oo dhan dhex iyo minjaba ku martay. Tan iyo maalintii Golahan Wakiillada ee maanta jiraa hawl-galay, waxaynu  ku dhego-barjownay Shir-guddoon saddexan ah oo wax walba iyagu maamula. Xataa mararka qaarkood ayay kuu la ekaanaysaa in aanu jirinba Guddoomiye xil-gudasho gaar ah ku leh Golahani.

Xaaladdani mid iska abuurantay ma aha ee waa mid ka dhalatay hannaankii lagu caaridayay xukuumaddii Daahir Ra’yaale Kaahin. Sidii ayay Hay’addaa Shir-guddoonku u shaqaysaa. Marka aad dhex-qaaddo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilla ee maanta jira, wax sidaa u sii ridan oo faah-faahsan lagama bixin Shir-guddoonkaa oo aan ahayn in awooddiisa lagu xusay Qodobka 17aad oo dhigaya:

Qodobka: 17aad [Awoodda Shir-guDdoonka]

Awoodda Shir-gdoonka waxaa caddaynaya Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka. Waxa kale oo ka mid ah awoodahooda.

 (Faallo: Hadda Dastuurka Qaranku laba jeer oo keliya ayuu xusayaa ereyga Shir-guddoon, waxaanay ku qeexan yihiin Qodobka: 52aad, Faqradaha 1aad iyo 3aad oo keliya. Haddaad Dastuurka dhex qaaddo ma arkaysid meel uu Shir-guddoon awoodo Dastuuriya ku siinayo.)

  1. Inay soo diyariyaan miisaaniyadda Golaha iyaga oo kala tashanaya Guddiga Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada.
  2. Inay u xulaan saraakiisha gudan kara xilka jagooyinkan:-

    b. Xog-haye guud,

     t. Ku-xigeenka xog-hayaha guud iyo shaqaalaha kale ee Golaha,

     j. La-taliyaha Sharciga,

     x. Iyo la taliyeyaasha kale ee Dastuurku jideeyey.

  1. In ay u magacabaan xubno ka tirsan Golaha Wakiilada hawlo dalka debediisa, ama gudihiisa ah marka loo baahdo.  Shir-gudoonku wuxuu xidhiidh la yeelan karaa Shir-gudoonada dhigiisa ah ee ka jira dalalka shisheeyaha ah.
  2. Hawlaha ku saabsan xidhiidhka dalka debediisa iyo gudihiisaba waxaa hogaaminaya xubinta uu Shir-gudoonku u garto.
  3. Soo diyaarinta anjandaha kal-fadhi kasta ee Golaha Wakiilada.
  4. Xubnaha Shir-guddoonku kama wada maqnaan karaan fadhi-shaqo oo Goluhu leeyahay haddii aanay ku war-gelin Golaha fadhiga maalinta hore.
  5. Awoodda Shir-gudoonka waxa ka mid ah dalacsiinta, darajo hoos u dhigga kala bedelka iyo shaqo ka joojinta shaqaalaha Golaha, markay sidaa ugu muuqato Shirgudoonka ama ay Xoghayaha Guud ka helaan soo jeedin.

Xeer-hoosaadka Golaha Wakiilladu awoodahaas ayuu siinayaa Shir-guddoonka. Bal hadda aynu ag dhigno awoodaha uu siinayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada:

(La soco……………………………………..)