XAYSIMO: Ciidamada Somaliland oo Gaadhay Deegaan Sahamin Shidaal ka Socoto Maleeshiyo Beeleedna ka Caydhiyey

Go’daalo (SLpost)- Cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka Somaliland, ayaa galabnimadii shalay ku ruqaansaday jiidda hore ee deegaanka go’daalo ee gobolka xaysimo, halkaas oo laga wado hawlo sahaminta macdanta iyo shidaalka ah, isla-markaana ay ku sugan yihiin diyaarado sawirro ka qaadaya dhul cayiman oo baadhis lagu wado. Sida ay dadka deegaanku u xaqiijiyeen Wargeyska Hubaal oo aannu ka soo xigannay, waxa ay ciidamadani ka ruqaansadeen deegaanka Xudun ee gobolka Sool, iyagoo gaadhay deegaanka Go’daalo oo ah goobta sahamintu ka socoto, waxaana ciidamadu halkaas ka caydhiyeen tiro kooban oo kamid ah Maleeshiyada Khaatumo-seeg oo carqaladaynaysay hawlaha shidaal-baadhista ee halkaas laga wado.

Ujeeddada ay ciidamadani halkaasi u tageen ayaa u muuqata mid lagu difaacayo Sahaminta shidaalka, isla-markaana lagaga hortegayo carqaladayn ay maleeshiyadaasi ka wadaan halkaas iyo waliba dhibaatooyin dheeri ah oo ay ku hayaan dadka deggen deegaankaas.

Ciidamada halkaas gaadhay oo ku hubaysan hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa  la kulmay soo dhaweyn ballaadhan, isla-markaana goobo miyi ah fadhiisin ka dhigtay, waxana ay dadka deegaanku kula taliyeen inay halkaas si rasmi ah u joogaan oo aanay kusoo noqonin.

Ciidamadan lagama hayo wax faahfaahin ah oo dheeri ah, marka laga tago soo dhaweynta ay halkaas kala kulmeen, waxana si caadi ah u socota hawsha sahaminta ee halkaas laga waday, maadaama ay ciidamadu si hufan u sugeen ammaanka Deegaankaas oo markii hore maleeshiyaadka duurka ku jiraa carqaladayn kooban ku sameeyeen.

Hawsha sahaminta shidaalka oo ay haatan masuuliyadeeda leedahay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa waxa si weyn usoo dhaweeyey dadka deegaanka, waxana ay  muujiyeen sida ay ugu heellan yihiin in kharyaadka dhulkooda ku duugan dibadda loosoo saaro.

Waxa aan noo suurto gelin isku day dheeri ah oo aanu doonaynay inaanu Wasiirka wasaaradda Gaashaanigga Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami  kaga helo xogo dhaqdhaqaaqa ciidamada la xidhiida, kadib markii uu Telefoonkiisa gacanta iska xidhay.

Xigasho: Hubaal