Xawaaladaha Soomaalida Ee Dalka Kenya Oo Xayiraaddii Laga Qaaday

DoolarNairobi, (SLpost)- Bangiga dhexe ee dalka Kenya ayaa dib u fasaxay shirikadaha xawaaladaha ee dalkaas.

Cabdikariim Sabriye oo ka mid ah xawaaladaha Soomalida ayaa BBC-da u sheegay in dhowr maalmood ka hor ay ahayd markii madaxweynaha dalka Kenya uu ku amray bangiga dhexe inuu dib u eego nidaamka xawaaladaha Kenya.

Shirikadaha Xawaaladaha Kenya ayaa waxa la xidhay bishii labaad ee sanadkan ka dib markii ay kenya ka dhaceen weeraro is-xigxiga. waxaana jiray in laamaha ammaanka ee dalka Kenya ay sheegeen in la baadhayo qaabka ay u shaqeeyaan xawaaladaha Kenya ka hawlgala.

Xidhitaanka xawaaladaha ayaa waxa ka dhashay saamayn balaadhan oo dhaqaale. iyadoo sidoo kalena uu dhaawac soo gaadhay dhaqaale badan oo la kala xawilan jiray.

Somalilandpost.net