Xasan Sheekh Oo Ku Faanay Laamiyada Hargeysa iyo Boorama Ee Uu Telefishannada Oo Kaliya Ka Daawado

 

Hargeysa(SLpost) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo iska difaacaya eedaha xukumaddiisa uga yimaada bulshada ee ku aadan in xukumaddiisu ku fashilantay hawlaha loo igmaday ayaa ku dooday in horumar socdo,isagoo horumaro Somaliland samaysay oo uu telefishannada ka arko ku daray waxqabadka uu sheeganayo.

 

Madaxweynaha ayaa is difaacidiisa ku daray guriga uu ku sugnaa marka uu khudbadaynayay oo dib u dhis lagu sameeyay iyo jidadka Somaliland ee xadhiga laga jaro, taasi oo uu ku macneeyay in Soomaalidu wax qabsanayso iyadoon cidi waxba tarin.

 

Jamhuuriyadda Somaliland waxaa ka socda jidad badan oo bulshada degaammada jidadkaasi maraan isku xil qaameen islamarkaana ay iskood u dhisayaan, iyagoo taageero ka helaya xukumaddooda Somaliland, taasi oo sannadadii u dambeeyay hirgashay, kuwa tacabka ugu badan la galiyayna ay ka mid yihiin jidka Dawgacad, jidka wadada Cad, Dila ilaa Boorama, Jidka Balligubadle, jidka Oodweyne iyo kuwo kale.

 

Haddaba Xasan Sheekh ayaa ku dooday inay dadku  waxqabsan karaan  “Waddooyinka dalka oo dhan Min Hargeysa, Boorama ilaa Muqdisho iyo Kismaayo ka dhismaya ee maalin walba telefishanka laga arkayo ee dadka Soomaaliyeed beesada(Lacagta) ay jeebkooda ka bixiyeen ku dhismayaa miyaanay ahayn wax lagu faano oo aad loo jeclaysto. Maxaa cirkaa intan ka soo dumay iyo balaayaa dhacday iyo waa la fashilmay loo leeyahay maxay tahay waa la fashilay? Waar umaddani ma fashilmin waa tanaa waa nool nahay waa taaganahay waa soconaa horumar ayaa suubinaynaa, shalay maanta ayaan ka qurxoonahay, barina waa ka sii fiicnaan,” ayaa ka mid ahaa hadalka Xasan Sheekh.

 

Tan iyo bishii August ee sanadkan waxaa muran siyaasadeed ka abuuray Somalia mooshin ka dhan ah Xasan Sheekh, kaasi oo ilaa 100 xildhibaan soo jeediyeen in xilka laga qaado. Waxaa lagu haystaa inuu ku fashilmay hawlaha bulshadu u igmatay ee dhinaca horumarka iyo ammaanka walina xal looma helin mooshinkaasi.

 

Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah dal ka madax banaan Soomaaliya, balse ay 1960gii ay midoobeen Soomaaliya, madaxbanaanidiisana dib ula soo noqday sanadkii 1991kii. Somaliland ayaa intii ay jirtay horumar weyn ka samaysay dhammaan dhinacyada laga cabirro horumarka dalalka aan la aqoonsan.

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office