Xasan Sheekh Oo Ku Faanay Inuu Dhamaaday Wakhtigii Al-shabaab

 

Diinsoor(Slpost)-Madaxweyneha Somaliya Xasan Sheekh ayaa sheegay in wakhtigii Al-shabaab uu dhamaaday, waxaanu ku faanay in ciidamadiisu ay kala wareegeen magaaladda Diinsoor oo uu ku tilmaamay xarun muhiim u ahayd ururkaas.

waxa uu sidan ka sheegay Diinsoor oo uu ku sugnaa maanta waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Guusha ay gaadheen ciidamada Somaliya iyo kuwa AMISOM waxaa uu ku yimid iskaashiga shacabka degaankan, waxaana loo baahan yahay in dagaalka meesha laga sii wado ilamaa kooxda cadowga laga saaro goobaha fara ku tiriska ah ee ay weli ku dhuumanayaan,’’

Xasan Sheekh oo sii hadlayaa waxa uu yidhi“Waxaan shacabka degaankan u sheegayaa in dowladda ay gacan buuxda idin ku siinayso dib u soo celinta adeegyada muhiimka ee aad u baahan tihiin. Waxaad xaq u leedihiin inaad soo dhisataan maamul aad leedihiin, ciidamo amniga suga iyo dhammaan xuquuqaha kale ee muwaadin kasta oo Soomaali ah ay tahay inuu helo. Waxaa tani ay qeyb ka tahay siyaasadda dowladda ee baahinta xukunka ama federaaleynta. Xilligii Al-shabaab wuu dhammaaday; mana soo noqon doonno, waxaan Allah ka sokoow uga mahad-celinaynaa Arrintaasi Ciidamada xoogga Somaliya iyo kuwa AMISOM oo halkan (Diinsoor) Howsha ay ka qabteen iyo sida Al-shabaab oo ay xarun u ahayd uga saareen. Dalka intiisa badan ayay ka hagi jireen, xitaa qaraxyada Xamar ka dhacaayay intan ayaa laga soo abaabuli jiray qaarkood, marka ma sahlanayan in Al-shabaab halkaan laga saaro, iyagana guul-darro aan la qiyaasi karin ayaa soo gaadhay,”