Xasan Sheekh Oo Difaacay Go’aanka Xidhiidhka Loogu Jaray Iiraan

Somaliya(SLpost)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa difaacay go’aanka ay dhowaan dawladda Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay dawladda Iiraan.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay ku saxsanayd go’aankaasi laguna tallaabsaday ka dib markii – sida uu sheegay – dowladda Iiraan ay falal amniga iyo xasiloonida Soomaaliya lagu carqaladeynayo faraha la gashay gudaha Soomaaliya.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in go’aanka xirdhidhka loogu jaray Iiraan uusan la xidhiidhin xurgufta siyaasadeed ee dhex taalla Boqortooyada Sacuudiga iyo xukuumadda Tehran.