Xasan Sheekh Muxuu Ka Baran Karaa Madaxweyne Siilaanyo? – Faallo ~ Cumar M.Faarax

Siilaanyo iyo Xasan Sheekh“Ayni Ii Kordha Mooyee

Caqli Iima Siyaado

Mana waayo arkaayo

wax kastood akhridaan

Waxaan ahay  ALLE doori,

 Seed dhanaani ku oolin

Adinka  dhaawac ku yaallana,

 Hadaad oofta  ka dhaydo

Asbaroo wax ma dhaanto

Inyar aad ku nafiifto” ALLE ha u naxariisto Abwaankii indheer-garadka ahaa  ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye

Malaayiin Doollar oo qaadhaan-bixiyeyaasha caalamiga ahi ay geliyeen Soomaaliya muddo rubuc qarni ku dhow ayaa tacab-qasaar laga joogaa, waxaan xaaladda iyo mustaqbalka dhow ee waddankaasi isku shaqashay ceeryaamo guul-darro oo ka dhigay waddanka calanka u sida  qarramadda guul-daraystay ee kownkan ka jira.

Waxa maanta caalamka quus ka joogaa shan dawladdood oo laga dhisay Soomaaliya tan iyo 1991-kii, waxaana marba-marka ka dambaysay waddankaasi  cagaha la sii geliyo  dhiriq siyaasaddeed iyo dagaalo halakeeyay oo wejiyo badan leh, taasoo ka dhigtay inay dhufays adag u noqdaan kooxaha caalamku isku bahaystay tirtiristooda.

Dawladda hadda ka dhisan Muqdisho oo yabooh-bixiyeyaasha adduunku ay u dawareen dhaqaalihii ugu badnaa ee aanay helin afartii dawladdood ee ka horeeyay ee laga dhisay Soomaaliya, ayaa hadda qarka u saaran inay meesha ka baxdo, ka dib markii kooxaha dagaaladda hubaysan kala soo horjeedaa ay ku guulaysteen inay dawladda Xasan Sheekh Maxamuud, xataa  nabadeyn kari waydo  magaaladda Muqdisho iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo sannad iyo dheeraad ka hor ka hadlayay magaaladda Hargeysa, xilligaas oo uu ahaa Wasiir ku-xigeenka warfaafinta  ayaan ka guntay erayo u baahan in hoosta laga xariiqo mar uu is-barbar dhigayay Somaliland iyo Soomaaliya  “Xamar waxay haysataa Aqoonsi ammaah ah, Somaliland-na waxay haysataa dawladnimo Raasamaal ah”

Aan sii bayaamiyee waxay arrintaasi ka dhigan tahay, “In Madaxweynaha Soomaaliya uu hurdada ledo maalmaha uu socdaaladda dibadaha  ku tax-taxaashayo” halka Madaxweynaha Somaliland-na uu ku naaloonaya haykalkii dawladnimo oo u dhamaystiran, dha-dhaaradii qaranka  ee is-dheeli tirayay (Goleyaasha Baarlamaanka)   oo abbuuran,Waaxyihii Garsoorka iyo Fullinta (Xukuumadda) oo taabbo-gal ah. waa sababta aan u leeyahay dawladnimadda Somaliland waa mid raasamaal ah oo ku dhisan iraadadda shacbiga oo aanay beesha caalamku wax kaalin ah iyo ribo dul-saar ah ku darsan 23 sannadood oo si naf hur ah  dalkani u  yagleeshay qaranimadiisii fool-holowday 1960-kii qarnigii 20-aad.

Malahayga Soomaaliya waxay u degi wayday oo nabad ka aslaaxda  loogu caal-waayay aqoonsiga caalamku u qaddimay  oo ay ahayd in lagu xidho inay  ka dhaliyaan waddankooda  qarannimo raasamaal ah, ka hor inta aan amaah lagu siinin aqoonsiga dul-saarka siyaasaddeed ku lammaan yahay. Ictiraafku waxa uu ka dhigay Soomaaliya mid ay kud iyo cadho ku noqday waaxyihii dawladnimadooda oo tis-qaadi waayay, taasoo sababtay tobanaan kun oo ciidan oo ka socda ururka midowga Afrika ay ka hawl-galaan Soomaaliya, kuwaasoo hawl-galkoodu mashaariic ay dheefsadeen  u noqday dalalka ay ka socdaan oo lagu siiyo dhaqaale aad u balaadhan oo qaarkood la soo weriyay inay ku darsadeen miisaaniyad sanadeedkooda !.

Bal ka sitee arrintaas iyo  haanta bilaa gunta ah ee caalamku dhaaminayo, u soo noqo Somaliland oo eeg tirada guulaha ay Somaliland taabtay afartii sannadood ee ugu dambeeyay oo keliya, waxay Soomaaliya wax ka baran kartaa Somaliland, iyadoo aan masaafo dheerba aqoon-raadis iyo siminaar ugu bixin dhul fog.

Somaliland waxay sii adkaysay tirada iyo tayada ciidammadda qalabka sida ee  Somaliland, waxa Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisu ay derajooyinkii ciidanimo ku taxday toban kun oo askari oo ka kala tirsan noocyada kala duwan ee ciidammadda, kuwaasoo la siiyay derajooyinka alifle illaa sareeye Guuto oo weliba loogu daray gunno derajeedkii askari walba xaqa u yeeshay. Hadda kuma jirto hal doollar oo ay ku yabooheen tuugmo bixiyeyaasha caalamku.

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo waxay samaysay qorshe hawleedka horumarinta Somaliland ee illaa 2030-ka oo ay ku suuraynayso qorsheyaasha sannadlaha ah ee JSL hiigsanayso illaa 2030-ka ninkii ALLE gaadhsiiyo. Hadda ka waran Soomaaliya malaha qorshe hawleed baaxadaas leh, iyagoo haddana caalamku u irmaan yahay oo ay malaayiin dollar, si toos ah iyo si dadban-ba gacanta loogaga rido.

Somaliland waxay kordhisay miisaaniyad sannadeedkii qaranka ee xukuumadda dhexe ee Somaliland oo la gaadhsiiyay 212 milyan oo Doollar, waxaanay miisaaniyadda Somaliland diiradda saaraysaa sidii wax looga qaban lahaa dhinacyada beeraha, kalluumaysiga, xoolaha iyo wasaaraddaha waxsoo-saarka Somaliland. Waxa kale oo ay kordhisay mushaharkii shaqaalaha iyo ciidammadda muddo laba jeer ah afartii sannadood ee tagey.

Somaliland waxay u xadhko xidhanaysaa doorashooyin is-barkan oo la xidhiidha Baarlamaanka iyo Madaxtooyadda oo kal-dambe 2015-ka lagu wado inay dalka ka dhacdo, iyadoo muddada intaas ka horeysana ay qorsheysan tahay in la fulliyo bixinta kaadhka jinsiyadda, diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, arrintaas siday Somaliland u maaraysaa waxay siminaar wax ku ool ah u noqon kartaa Soomaaliya haddii ay ka faa’iidaysan doonto, waayo waxa dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo tamarteeda  la arkayo laga doonayaa inay Soomaaliya ka qabato doorashooyin xor iyo xalaal ah oo muwaadiniintooda ay fursad u siinayaan inay doortaan madaxdooda (one man one vote).

Waxa kale oo ay Soomaaliya ka faa’iideysan kartaa inay aqoon iyo macluumaad ka hesho hanaankii Somaliland u martay marxaladii dibu heshiisiinta iyo qarramaynta beelaha Somaliland, iyadoo ay ka heli doonaan madxafka aqalka odayaasha Somaliland.

Waxaan eegi doonaa labada tiir ee ka kala maqan Somaliland iyo Soomaaliya oo kala ah aqoonsi iyo dawlad shaqaynaysa ka caalamku mustaqbalka u soo noqdo. Marka uu ku daalo xalka  Soomaaliya ee gacmo daaliska ku noqday, waxa la gaadhay xilligii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu iska iloobi lahaa Somaliland oo  ALLE ku gargaaray nabsi-maalkii calankii Soomaaliya ee shacbiga Somaliland qotomiyeen ee iyagii dib loogu dulmay.

Waxa kale oo madaxweynaha duruufaysan ee Soomaaliya la gudboon inuu wax ka barto madaxweyne Siilaanyo oo ah hoggaamiye  burjuwaasi  ah oo ku gaadiiday siyaasadda.