Xasan Sheekh Iyo Prof Jawaari Oo isku Gacan Saaray Mooshinka Maamuus Ka Xayuubinta madaxweynaha Oo Noqday Xaasaasi

 

Muqdisho(SLpost)-Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Sheekh Cismaan  Jawaari ayaa isku fara saaray kulan ay habeen hore ku yeesheen xarunta madaxtooyada.

Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in Xasan iyo Jawaari ay habeen hore yeesheen kulan la doonayay inay kaga wada hadlaan mooshinka, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka cadhaysnaa go’aanka uu guddoomiye Jawaari xildhibaanada kaga guddoomay mooshinka, ayaa markiiba waxa la sheegay inuu feedh iyo gacan ka hadal kale kula booday guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna la sheegay inuu feedh iska soo horaysiiyay. Waxaana isla markiiba ku kala guntaday Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo ka mid ah dadka Xasan Sheekh aadka ugu dhow dhow oo goobta ku sugan, waxase markiiba iyana qolkii ay rabshadu ka dhacday soo gashay Xaaska Xasan Sheekh Maxamuud oo la sheegay inay iyaduna ereyo aflagaado ah ku bilowday guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen ereyo ay nasabkiisa ku quudhsanaysay. Markaas ka dibna waxa madashii ka baxay guddoomiyaha Baarlamaanka oo inkastoo ergo is xilqaantay ay isku dayday inay dhexdhexaadiso haddana ku hanjabay inuu falka dhacay u gudbin doono Baarlamaanka.

Waxase socda dedaal la doonayo in dagaalka gacan ka hadalka ah lagu qaboojiyo laguna dhameeyo waan-waan iyo in Xasan Sheekh laga qaado xaal maadaama oo goobta uu dagaalka ku bilaabay tahay hoyga uu ka degenyahay madaxtooyada Somaliya ee Muqdisho.

Geesta kale, waxa uu Madaxweynaha Somaliya ku mashquulsanyahay sidii uu u wiiqi lahaa mooshinka ay xildhibaanada Baarlamaanka ee ka soo horjeedaa ka gudbiyeen ee maamuus ka xayuubinta ah. Inkastoo ay adagtahay in mooshinku guulaysto marka la eego caqabadaha sharci ee horyaala haddana waxa uu Xasan Sheekh bilaabay inuu ka saso mooshinka, waxaana suuqyada Muqdisho laga dareemayaa xaamiga kala iibsiga xildhibaanada Baarlamaanka oo uu Xasan Sheekh lacag badan ku baayacayo halka ay dhinacooda dedaalka wadaan xildhibaanada mooshinka soo gudbiyay.

Xigasho Geeska Afrika