XASAN CIISE: ‘Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo Xukuumadda waxa ka baxay dhinacii Xukumadda’

Md Xasan ciise JaamacHargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Xaqsoor ee Doorashadii Goleyaasha ku hadhay, ayaa sheegay inaanu madaxweynuhu hoggaanka Xaqsoor kala tashan magacaabista masuuliyiinta ururka Xaqsoor loogu daray golaha Wasiirrada, waxanau sheegay inay xukuumaddu ka baxday wada-hadalladii labada dhinac.

Guddoomiyaha Xaqsoor waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka baxday wada-hadalladii u socday labada dhinac isla markaana ay iska dhego-marisay soo-jeedin Ururka Xaqsoor ku shaaciyey inay diyaar u yihiin wejiga labaad ee wada-hadallada.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray guddoomiyaha Xaqsoor Xasan Ciise Jaamac, kaas oo u dhignaa sidan: “Ka dib Markii uu Guddigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobbo guud ayaa  ururka Xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareeggii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukumadda.  Iyada oo aanay xukuumaddu ka soo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiirudawle ka tirsanaa hoggaanka Xaqsoor ayaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hoggaankii Ururka.

Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka Xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukuumadda ka dib markii ay ayagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano.  Waxaanu sidaas u yeelay anaga oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaga oo ka cararaynay in naloo sawiro urur Garmaqaate ah.  Waxa se noo muuqatay inaanay xukuumaddu daacad ka ahayn wadahadalada. Imika Xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka Xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa  mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.”

Hadalkan ka soo yeedhay Muj Xasan Ciise, ayaa ku soo beegmaya wakhti madaxweyne Siilaanyo xilal kala duwan u magacaabay qaar ka mid ah hoggaanka Ururka Xaqsoor, kuwaas oo qayb ka ahaa isku-shaandhayn baaxad leh oo madaxweyne Siilaanyo xalay ku sameeyey Golihiisa Xukuumadda.

SOMALILANDPOST.NET