Xasan Ciise oo ku Baaqay Talo-Qaran oo Laysaga Yimaaddo Wax uu ku tilmaamay Tacaddi iyo Dulmi Badheedh ah oo ay Xukuumaddu ku hayso Saxaafadda iyo Muwaadiniinta

Md Xasan ciise JaamacHargeysa (SLpost)- Muj. Xasan Ciise Jaamac, ayaa wax laga xumaado iyo Sawir aan loo dul-qaadan Karin ku tilmaamay hawl-gallada Xukuumaddu Ciidamada Ammaanka iyo Garsoorka dalka ugu adeegsanayso cabudhinta Saxaafadda iyo Xoriyadda Muwaadiniinta.

Muj. Xasan Ciise Jaamac waxa uu ku baaqay in wada-tashi laysaga yimaddo wax u ugu yeedhay tacaddiyo iyo Dulmi ay Xukuumaddu ku hayso Qaybo ka mid ah lama-huraanka Dalka.

Xasan Ciise waxa uu sidaas ku sheegay War-saxaafadeed uu caawa ka soo saaray magaalada Hargeysa, kaas oo u dhignaa sidan: “Waxa isoo gaadhay warka sheegaya in wargeyskii Hubaal la xidhay oo amar lagu bixiyey inaan la daabicin lana iibin, talaabada noocan ah iyo tii ka horaysay ee wargeska iyo shaqaalihiisa hubka lagu weeraray waxa weeyaan talaabooyin distoorka, sharciga iyo dhaqankaba ka baxsan.

Talaabooyinkan marka lagu daro sidii foosha xumeyd ee loogu dhacay guriga Cismaan Awr liqe iyo sidii argagaxa lahayd ee loo weeraray meelo Burco ka mida iyo sidii taageerayaasha Xaqsoor ee aan hubaysnayn rasaasta loola dhacay Hargeisa iyo Zeilac doorashooyinkii ka dib, waxa soo baxaya sawir aan loo dulqaadan Karin.

Waxa muuqanaya in xukumada maanta ka jirta Somaliland ay u deegsanayso ciidamadii loogu talagalay inay amaanka sugaan, qorshayaal lid ku ah amniga, midnimada, xoriyada iyo dimuqaraadiyada qaaliga ah eey shicibka reer Somaliland u soo hureen naf iyo maalba.

Waxa muuqata oo lagama maarmaan ah in intii lexejeclo ka qabta walaalnimada reer Somalailnd iyo madaxbanaanideeda ay dhakhso uga wadatashadaan tacdiga iyo dulmigan badheedhka ah eey xukumada ku hayso qaybo badan oo ka mida lama huraanka reer Somaliland.”

SOMALILANDPOST.NET