Xasan Ciise Jaamac oo sheegay in Siyaasadda Xukuumaddu noqotay Qaybi oo Xukun, Talooyinna Soo jeediyey

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa sheegay hadday Madaxda bishii hore loo doortay Puntland maanta soo weerari waayaan Somaliland inaanay jirin cid dambe ee Puntland ah oo soo weerari kartaa.

Xasan Ciise waxa uu sheegay inay ahayd inay Xukuumadda talada haysaa dalka dagaal u diyaar-garayso, hase-yeeshee ay ku mashquushay qaybi oo xukun sidii Gumaystaha oo kale, taasoo uu sheegay inay dalka iyo dadkaba baabbinayso, siyaasadda Somaliland-na dhabar jab ay ku tahay. Waxaanu Xasan Ciise ku taliyey oo uu Xukuumadda u soo jeediyey inay samayso wada-tashi iyo inay dadka midayso, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay jidka keliya ee guusha lagu gaadhi karo.

Md Xasan ciise Jaamac“Markii hoggaanka cusub ee Puntland la doortay aniga dareenkaygu markiiba waxa uu ahaa labadaa Nin ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland loo doortay hadday Maanta soo weerari waayaan Somaliland, cid dambe oo reer Puntland ah oo soo weerari doontaa ma jirto. Xukuumaddu waxay ahayd inay diyaar-garawdo oo ay dalka diyaar-garayso oo ay guntiga dhiisha iskaga dhigto oo ay xaalad dagaal dalka u diyaar-garayso.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Waxaanu Xasan Ciise oo talooyin uu sheegay in Aqoonsiga Somaliland waxyaabaha lagu gaadhi karo ay qayb ka yihiin uu yidhi; “Taasi waxay ka horraysaa Citiraafka aynu raadinayno, Ictiraafka aynu raadinayno waxaan odhan jiray awal horeba waxa keliya ee lagu gaadhi karaa waxa weeye dalka oo la mideeyo oo dhinac loo wada-jeediyo, xaaladdana waxa weeyaan mid taasuun sii xoojinaysa. Markaa, waxa keliya ee Xukuumadda Miirka qabta ee dalka danaynaysaa ay dagaal ugu diyaar-garayn kartaa dalka waxa weeye inay ummadda midayso.”

Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo ka hadlaya tallaabada midnimada beddelkeeda ah ee ay Xukuumadda talada haysaa ku dhaqanto waxa uu yidhi; “Halkii ummadda laga midayn lahaa, ‘Tun Sakaaro wax la kala qalo ka yare‘ aad ku mashquusho sidii aad ummadda u kala qaybin lahayd ee qaybi oo xukun siyaasaddaadu noqoto, waxa la odhan karaa cadawgii waddanka soo weerarayey baad u adeegaysaa oo u danaynaysaa marka aad adigu ummaddaadii ku xukunto qaybi oo xukun. Siyaasadda noocaas ahi dhabar-jab bay ku tahay dalka, dadkana way baabbiinaysaa, dalkana way baabbiinaysaa, horumarna lagu gaadhi kari maayo.”

Waxa uu Md. Xasan Ciise kula taliyey Xukuumadda inay isugu yeedho cidkasta oo danaynaysa dalka iyo dadka Somaliland oo ay la tashato. “Waxaannu kula talinaynaa Xukuumadda inay Miyirka keento, inay dadka la tashato, Golayaasha Baarlamaanka inay hoggaankooda u yeedhato, inay hoggaanka Saddexda Xisbi u yeedhato, inay Madasha iyo ciddii dalkan iyo dadkan danaynayso u yeedhato oo ay talo weydiiso oo ay ummadda sidaa ku ururiso arrinkeeda oo ay ku midayso.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Ciise.

Waxaanu Xasan oo hadalkiisa sii wataa intaa ku ladhay oo uu yidhi; “Sida keliya ee ay xilka kaga bixi kartaa Xukuumaddan oo keliya maahee Xukuumad kasta oo timaaddaa, sidaas ayey xilka kaga bixi kartaan oo ay guul ku gaadhi karaan waa dadka oo midaysan oo dhinac u wada jeeda oo ay hor-kacaan oo ay Illaahay la kaashadaan. Laakiin, sidan maanta socotaa waa qaybi oo xukun.”

“Berigii Marxuum Cigaal xilka hayey ee aannu wadnay dib-u-habayntii SNM-ta, ayaan idhi; ‘qodobka keliya ee ay siyaasiyiintii naga horraysay Gumaystihii ka barteen ee uu ku shaqayn jiray Gumaystuhu waa qaybi oo xukun, waxaan ku idhi qaybi oo xukun haddii uu Gumaystuhu waddankiisa gudihiisa ku xukumayo innoomaba yimaaddeen ee innaga ayaa gumaysan lahayn.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Ciise Jaamac.

Xasan Ciise waxa uu sheegay inay Siyaasiyiintii ka da’da weynaa ee Gumaysiga soo gaadhay ku dhaqmaan dhaqankii Gumaystaha, waxaanu yidhi; “Laakiin, Siyaasiyiintii naga da’da waynaa ee naga horreeyey qaybi oo xukuntii Gumaystaha ayay la soo guryo-noqdeen, taasina wax meel lagu gaadho oo caqli gal ah maaha. Maantana socon mayso qaybi oo xukun sida keliya ee guul, horumar iyo aqoonsi lagu gaadhi karaa waa midnimo, wada-tashi iyo in dhinac loo wada jeesto.”