“Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu mahad-naqay Guddida Arimaha Gudaha iyo Amaanka ee Golaha Wakiilada wax-ka-bedelka qiimaha leh ee ay ku samaysay xeerka Booliiska” – WARSAXAAFADEED

HRCHargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa soo dhaweysay wax-ka-beddel ay sheegtay in Guddiga Arrimaha ee Golaha Wakiilladu ku sameeyeen Xeerka Booliska.

Warsaxaafadeedkaas, ayaa u dhignaa sidan: “Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ku amaanay Gudida Arimaha Gudaha iyo Amaanka ee Golaha Wakiilada wax-ka-bedelka qiimaha leh ee ay ku samaysay xeerka Booliiska. wax-ka-bedelka ay soo jeediyeen Guddidu waa mid wax wayn u ah ilaalinta xuquuqal insaanka iyo kobcinta Booliis ay leedahay dawlad dimoqraadi ah oo dastuurka ku dhaqanta.

Abuuridda Guddi madax-banaan oo dhegaysta cabashooyinka ka dhanka ah Booliiska iyo awoodaha maxkamadaha caadiga iyo kuwo ciidanku waa qodobo aad ugu muhiim ah xuquuqal insaanka.

Dastuurka Somaliland oo ah xeerka u sareeya xeerarka dalka sida ku cad qodobka  128 ee dastuurka Somaliland, wuxuu sheegayaa in maxkamadaha ciidanku aay gaar u leeyihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ah ee lagu oogo xubnaha ciidanka qaranka. Dastuurku wuxuu si cad uga reebay maxkamadaha ciidanku inay dhegaysataan dacwadaha lagu soo oogo xubnaha Booliiska, Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Ilaalada Xabsiyada, sida ku cad qodobka 104(1) ee Dastuurka.

Xaruntu waxay aad u soo dhowayanaysaa in Guddidu waafajisay xeerkan cusub dastuurka ayna hoos u eegtay welwelkii ay hore u muujiyeen ururada xuquuqal insaanku iyo bulshada rayidka ah.

 Waa masuuliyadda Xeer-dejinta inay mar walba oo ay xeer cusub samaynayaan ay waafajiyaan dastuurka dalka iyo mabaadidiisa.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay si xushamad leh uga codsanaysaa Golaha Wakiilada inay ansixiyaan soo-jeedinta Gudida Arimaha Gudaha iyo Amaanka.

 Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka