Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo War-murtiyeed Kasoo Saartay Qaxoontiga Yemen Ee Ku Somaliland

Hargeysa, (SLpost)- Yemeniyiinta dayacan ee ku sugan Somaliland 20-ka June waxa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Qaxoontida Aduunka.
Sanadkan waxa uu la kowsaday Somaliland iyada oo ay ku soo qul-qulayaan
Yamaniyiin ka soo cararaysa dagaalka ka socda dalkoodii.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh
ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay
aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada
Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar
yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan
adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan
awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.
Xaruntu waxay indheheeda ku soo aragtay qoysas ku dul seexda sibidh madhan oo
aan waxba dusha ka saarnayn. Xaaladoodu waa mid aad u xun, gaar ahaan caruurta.
Dadkani ma helaan taageerada ay u baahan yihiiin sida guryaynta, cuntada,
waxbarashad iyo diiwaangelinta. Duruufta ay ku nool yihiin waa mid aad u liidata.
Meelaha qaar dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay oo siiya waxay quutaan maalin,
kana bixiyay kirada bil ama laba. Waxay ka cabanayaan in laga saaro guryaha waayo
iskama bixin karaan kirada. Waa dad la dayacay oo ku nool xaalad xun.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda
qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee
caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan
Somaliland.
Guleid Ahmed Jama
Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Home


Email: dafac02@hotmail.com or hrcsomaliland@gmail.com Phone: +252 (0)63
4468227