Xarunta Xuquuqal Insaanka oo Baaq u Jeedisay Maxkamadaha Ciidamada iyo Golaha Wakiillada oo uu horyaallo Xeer Awooddiisa Fulineed wel-wel laga Muujiyey

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Xuquuqal Insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa wel-wel ka muujisay awoodda Maxkamadaha Ciidanku u leeyihiin inay ka garsooraan dacwadaha ka dhanka Xubnaha Ciidamada Booliska ee Dambiyada geysta.

Warsaxaafadeed maanta xaruntu soo saartay, ayaa lagu shegay in Dastuurka Somaliland laga reebay in Maxkamadaha Ciidamadu dhegaystaan Dacwadaha lagu oogo Booliska, iyada oo sidoo kale wel-wel lagaga muujiyey Xeer Boolisku yeelanayo oo horyaalla Golaha Wakiillada, kaas oo aan awood u siinayn maxkamadaha Ciidamada inay ka garsooraan dacwadaha noocan ah.

Xaruntu waxa ay Golaha Wakiillada ugu baaqday inay wax ka beddel iyo Kaabis ku sameeyaan xeerka loo gudbiyey, qaadista dacwadaha booliskana waafajiyaan Maxkamadaha Madaniga ah ee dalka, halka sidoo kale Maxkamadaha Ciidamada loogu baaqay inay dacwadaha xubnaha Booliska ee ay hayaan u gudbiyaan Maxkamadaha Madaniga ah.

HRCWarsaaxafeedkaas oo uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Xaruntan, ayaa u dhignaa sidan:- “ Xeer cusub oo Boolisku yeelan doono ayaa la horkeenay Golaha Wakiilada si ay u ansxiyaan.  Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwel san tahay awoodda xeerka cusubi u siiyay maxkamadaha ciidanka inay qaadaan dacwadaha ka dhanka ah xubnaha Booliiska sida ku cad qodokba 38(1) ee xeerka cusub. Waxa intaas dheer in hadaba maxkamadaha ciidanku ay qaadan dacwadaha lagu soo oogo Booliiska.

 Dastuurka Somaliland ayaa ugu sareeya xeerarka dalka, xeer kasta oo aan waafaqsanaynina wuxuu noqonayaa waxba kama jiraan, sida ku cad qodobka 128 ee dastuurka.

Qodobka 104(1) ee dastuurku wuxuu sheegayaa in maxkamadaha ciidanku aay gaar u leeyihiin dhegaysiga dembiyada ciqaabta ah ee lagu oogo xubnaha ciidanka qaranka. Dastuurku wuxuu si cad uga reebay maxkamadaha ciidanku inay dhegaysataan dacwadaha lagu soo oogo xubnaha Booliiska, Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Ilaalada Xabsiyada.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay dhegaysiga ay maxkamadaha ciidanku dhegaystaan dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo oogo xubnaha Booliiska iyo Ilaalada Xabsiyada.

Talo soo jeedin

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay soo jeedinay:

1. In Golaha Wakiiladu ay ka saaran qodobka 38(1) ee xeerka cusub ee horyaal ayna ku bedelaan in qaaddida dacwadaha ka dhanka ah Booliiska ay leeyihin maxkamadaha madaniga ah.

2. In maxkamadaha ciidanku ay u gudbiyaan dacwadii xubin Booliis dhinaca ka tahay ee ay hayaan maxkamadaha madaniga ah sida uu dhigayo qodobka 104(1) ee dastuurka Somaliland.”

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka