Xarunta Dhexe ee Xawaaladda Juba Express oo Rasmi ahaan Xadhigga looga Jaray iyo Weedhaha ay ku Qaabileen Masuuliyiintii Ka Qayb-galay + SAWIRRO

Hargeysa (SLpost)- Shirkada Xawilaadda Lacagaha ee Jubba Express oo dhawaan Somaliland ka bilowday addeega xawilaada lacagaha ee dunida oo dhan, ayaa maanta rasmi ahaan looga furay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Munaasibad Balaadhan oo  furitaanka Xawaalada Juba Express loogu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay dadwayne tiro badan, kuwaasi oo ka mid yihiin Wasiirro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed, Madaxda Axsaabta Qaranka, kooxaha hidaha iyo dhaqanka iyo weliba Maamulka shirkada Jubba Express, kuwaasi oo halkaasi ku soo bandhigay addeegyada shirkadu u qabato Muwaadiniinta Somaliyeed guud ahaan ee ku kala sugan daafaha adduunka, kuwaasi oo ay lacagaha u kaa xawisho.

juba3Shirkadda Jubba Express oo halkaasi laga sheegay in aasaaskeedu ka soo bilaabmay Magaalada Jubba ee caasimada dalka Koonfurta Suudaan oo ah halka Magacu ka yimid, ayaa Maamulkeedu waxay soo bandhigeen addeegyada xawilaada oo si deg-deg iyo amaano ah umadda loogu kala xawilo lacagahooda.

jub4Munaasibada oo ay khudbado ka soo jeediyeen Masuuliyiintii ka qayb-galay, ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maareeyaha shirkada Jubba Express Cabdisalaam Xuseen Giir, waxaanu sheegay in shirkadoodu u taagan tahay sidii ay bulshada adduunka dacaladiisa ku kala sugan loogu qaban lahaa addeega ah xawilaada lacagahooda, taasi oo ku dhisan deg-degsiimo iyo weliba ammaano.

juba6Guddoomiyaha shirkadda xawaalada lacagaha ee Jubba express Md Cabdisalaam Xasan Giir oo isna hadalk ka jeediyay xaflada lagu furayay xarunat dhexe ee shirkada Jubba ayaa ka waramay u jeedada ay u sameeyeen xafladan iyo sidoo kale mudadii ay shirkada Jubba Express shaqaynaysay iyo meelihii ay ka bilawday shaqada tayada, waxaanu yidhi “maadaama shirkadu in muddo ah ka shaqaynaysay Somaliland waxaanu munaasibadan u qabanay in aanu war bixin kooban ka bixino shirkadan, meelaha ay ka shaqayso si shacabka reer Somaliland ay wax uga ogaadaan, adeegyada arrimaha bulshada ku waajahan ee ay shirkadani samayso, xidhiidhka ay la leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyos idoo kale aaaragtida shirkada iyo waxyaabaha ay hiigsanayso mustaqbalka”.

Md C/salaam Xasan Giir waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay wakhtigii la aas aasay shirkada Jubba Express iyo sidoo kale meelihii u horeeyay ee ay shaqada ka bilawday.

jubba 3Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “shirkada Jubba express waxaa la aas aasay oo ay shaqadeedii u horaysay bilawday sanadkii 2010-kii, waxaanay ka bilawday magaalada Jubba ee koonfurta Suudaan, halkaasi oo au muddo ka shaqaynaysay, iyada oo markii danbena ku fiday wadamada afrika iyo carabtaba, shirkadan jubba express waxa waxay liisan keedii u horeeyay ee ganacsiga ka qaadatay dalka Somaliland sanadkii 2010-kii halkaasi oo ay laba xafiis ka furatay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, hase yeeshee xafiisyadaasi may sii shaqaynin, shirkadu waxay xafiisyadeeda ku balaadhisay daafaha aduunka oo dhan aakhirkii sanadkii 2010-kii, waxaanay mar labaad xafiisyadeedii u horeeyay ka furatay Somaliland sanadkii 2011-kii bishii shanaad, iyada oo kii u horeeyayna aanu ka furnay magaalada Hargaysa, kii labaadna burco, kii saddexaadna boorama, kii afraadna wajaale, kii shanaadna berbera, kii lixaadna ceerigaabo,  anaga oo markii danbena dhamaanba magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee dalka oo dhan aanu ka furnay xarumo iyo xafiisyo”.

jubba 4Guddoomiyaha shirkada xawaalda lacagaha ee Jubba Express waxa kale oo uu ka waramay meelihii u horeeyay ee ay xafiiska ka furteen iyo  waxyaabaha tabarucaadka ah ay  kaga qayb qaadatay shirkadu iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay mustaqbalka wax ka qabtaan, waxaanu yidhi “hadafka shirkadu wuxuu ku waajahan yahay horumarinta adeegyada bulshada, horumarinta adeegyada xawaaladaha lacagta, fududaynta adeegyada macaamiishayada, ilaalinta xaquuqda macaamiishayada iyo u hogaansanaanta shuruucda u yaala dalkan Somaliland, adeegyada ay hada shirkadu bixiso waxay yihiin lab aka koowaad in aanu lacagaha bixino dirnana, ka labaadna waa sarifka lagaha.

jub1Shirkadu waxay aad u danaynaysaa in ay wax ka qabato arrimaha bulshada, uma joogta oo qudha shirkadu dalka in ay ka shaqaysato oo ay lacag ka hesho, laakiin waxaanu u joognaa  in aanu dalka wax gelino oo aanu ka shaqayno wax yaabaha dalka iyo dadka u faa’iidaynaya, gaar ahaana wadooyinka, dugsiyada, cusbitaalada iyo waxyaabaha kale ee  muhiimka ah, waxaanu ka qayb qaadnay ramadaantii dhawayd ciyaarihii kubbada,  saddex bilood ka hor waxaanu tagnay xarunta agoomaha ee Hargaysa oo caawinay, dhakhtarka Hargaysa ayaanu isna tagnay ajandahayaga ayaanay ku jirtaa in aanu wax ka qabano oo aanu caawino, wadada Wajaale iyadna waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano waanan balan qaadnay, waxyaabaha noo qorshaysan in aanu wax ka qabano wax aka mid ah arrimaha dhalin yarada gaar ahaana ciyaaraha waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano, wadooyinka magaalooyinka dalkana in aanu ka qayb qaadano, aragtidayada soo socota waxaanu doonaynaa in aanu kordhino adeegyada lacag  dirida iyo in aanu furno baanan, in aanu wax ka qabano wadanka ayaanu ku talo jirnaa ee uma joogno oo keliya in aanu ka shaqaysano,” ayuu yidhi Md Giir.

juba5Munaasibada waxa kale oo ka hadlay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed, waxaanu yidhi “Waxaan aad iyo aad u hambalyeynayaa shirkadda Jubba Express, waxayna ka mid tahay shirkadaha loo baahan yahay si bulshadu u hesho waxyaabaha ay doonayaan, waana waxyaabaha keenaya shaqo abuurka iyo horumarka labada.”

Maxamed Kaahin, waxa uu aad u amaanay doorka shirkadu ka qaadato horumarka bulshada iyo daboolida baahiyaha aasaasiga, isaga oo si gaar ah u xusay inay ka qayb-gasho mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

jubba 11Munaasibadan oo ay ka hadleen Drs Edna Aaden Ismaaciil, Suldaanka guud ee Beelaha Habar-awal Suldaan Xasan, Maayar ku xugeenka Caasimada Hargeysa iyo dad kale oo kale oo badan oo soo dhaweeyay shirkada Jubba Express, ayaa waxa sidoo kale lagu soo bandhigay masraxiyad iyo heeso ka hadlaya qiimaha nabadgalyada.

Gabagabadii munaasibadda waxa ka hadlay Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed, ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyiinta shirkada Jubba Exprees horumarka iyo maalgashiga cusub ee ay masuuliyiinta shirkadani ku soo kordhiyeen dalka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay cid kasta oo dalka wax ku soo kordhisa in loo mahad naqo laguna hambalyeeyo, Waxaanu yidhi “marka u horaysa aan hambalyeeyo una mahad naqo soona dhaweeyo una duceeyo madaxda iyo mulkiileyaasha shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba Express aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqayaa horumarka iyo maalgashiga ay sameeyeen ee ay dalka ku soo kordhiyeen, runtii waxaan qabaa qof kasta oo wax wanaagsan keena in abaal gudkiisu yahay in loo mahad naqo, qofku haddii uu horumar sameeyo wuxuu isna mudan yahay oo uu jecel yahay in la garab is-taago oo la dhiiri geliyo oo lagu hambalyeeyo waxa uu qabtay”.

jubba 7Md C/rasaaq Khaliif waxa uu sheegay oo kale in mar kasta oo ay soo kordhaan shirkadaha kala duwan eek a shaqeeya adeegyada arrimaha bulshada in ay taasi soo kordhiso tartanka iyo tayada shirkadaha isla markaana shirkada Jubba ee ay soo kordhinayso adeegyada ay bulshada u fidiyaan “markasta oo ay soo kordhaan shirkadaha noocan ah ee adeega ka shaqeeya ama uu tartanku soo kordho waxay soo kordhisaa tayada oo korodha, xawaaladan soo korodhay ee Jubba Express waxay qayb ka noqonaysaa in ay dhiiri geliso in adeegii iyo adeegyadii hufnaa iyo tayadii ay shirkaduhu bixinayeen ay sii kordhaan, iyaduna ay ku dadaasho sidii ay ku gaadhi lahayd kuwii ka horeeyay, waa horumar soo kordhay waxyaalo badan ayayna soo kordhinaysaa oo waad ahqaale dalka ku soo kordhay, dhaqaalahaa soo kordhayna shaqo abuur ayuu samaynayaa, dakhli ayuuna samaynayaa, waxa uu ka qayb qaadanayaa horumarka iyo samafalka” ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

SOMALILANDPOST.NET