Xarunta Daryeelka Dadka Dhimirka Qaba ee Sahan oo Lagu Wareejiyay Kaalmo Raashin oo Ka Timid Jaaliyadaha Sweden Iyo Denmark

Hargeysa (SLpost)- Xarunta Sahan ee daryeelka dadka qaba xanuunka Dhimirka, ayaa lagu wareejiyay gargaar ka yimi qaar ka mida Jaaliyadaha Somaliland ee ku nool dalalka Sweden Denmark, taasoo loogu talagalay dadka  bukaanka ah ee ku jira xaruntaas.

Deeqdan oo dhan $1,820 (Kun, Siddeed Boqol iyo Labaatan Dollar) oo lagu soo hagaajiyay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xirsi (Aadan Siiro) oo si rasmi ah ugu wareejiyay maamulka xarunta Sahan, waxaana ay labada dhinacba sheegeen in  ay wax ka tari doonto baahida ka taagan xaruntaas.

Sheekh Aadan  oo ka hadlay munaasibad lagula kala wareegayay  kaalmadan, ayaa lacag dhan $1,000 ay ka soo gaadhay gabdho ku nool dalka Sweden, kuwaas oo  soo wakiishay Maymuuna Sheekh Cismaan, halka $820 ee kalena oo ay ka timi Cabdiwahaab Sheekh Xasan.

Sheekhu waxa uu sheegay in lacagtaas ay ku iibiyeen raashin  ay quutaan dadka ku jira xarunta Sahan oo qaarkood qoysaskoodu aanay iska bixin karin raashinka ay quutaan, isla markaana  aanu maamulku awood u lahayn in uu dabool baahida jirta.

“Waxa aan aad ugu mahadcelinaynaa hablaha ku nool Sweden oo ay ka wakiil tahay Maymuuna Sheekh Cismaan, $1,000 ayay hablahaas ugu soo deeqeen xarunta Dhimirka, alaabtii la soo siiyay waa taa aad arkaysaan raashinkii loogu talagay dadka, waxa oo aanu aad iyo aad ugu mahad naqaynaa Cabdiwahaab Sheekh Xasan isaga xaaskiisa Safiya iyo waalidkooda oo runtii ah  dadka ka warhaya  sannad walba dadkooda jilacsan, labadaa lacagood ayaa maanta la sii siiyay,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Guddoomiyaha xarunta Sahan Bashiir Maxamed  Jaamac oo isna ka hadlay halkaas, ayaa sheegay in ay deeqdan dabooli doonto qayb ka mida baahida  taagan, isaga oo u mahadceliyay  jaaliyadaha dalalka Sweden iyo Denmark.

“Hablaha uu Sheekhu sheegay iyo Cabdiwahaab  dadka ay ka wakiilka yihiin iyo dadka qurbaha jooga oo dhan waanu mahadcelinaynaa, alaabtaasina Sheekhu sida uu idiin wada sheegay waa ay na soo wada gaadhay waxweyn  bay naga taraysaa, baahi weyn bay daboolaysaa,“ ayuu yidhi Bashiir Maxamed Jaamac.

SOMALILANDPOST.NET

Hargeysa, Somaliland

webmaster@somalilandpost.net