Hargeysa (SLpost)- Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda (CPA) oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa, ayaa xukuumadda Somaliland ku taageertay fulinta xukunnada Qisaasta ah oo ay Xaruntu ku tilmaantay mid waafaqsan Diinta iyo Dastuurka Somaliland.
Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda (Center for Policy Analysis), waxa ay tallaabadan xukuumadda Somaliland ugu dhiirratay fulinta Xukunnnada qisaasta ah ah ku tilmaantay inay jidaynayso xoojinta ilaalinta Xuquuqda Aadamaha isla markaana ay meesha ka saaray dilalka sida fudud loo geysto.
Sidaana waxa lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay Xarunta Daaraasaadka Siyaasadda, waxaanu isaga oo dhammaystiran u dhignaa sidan:- “Xukuumadda Somaliland waxay xukunno qisaas ah oo ka dhacay degmada Mandheera ku fulisay lix nin, ka dib markii maxkamadaha Soomaaliland ku xukumeen dil.
Somaliland waa dal muslim ah, dastuurkeeduna wuxuu ku salaysan yahay shareecada Islaamka ah, iyada oo ay ka reebban tahay ku-dhaqanka xeerarka ka soo horjeeda shareecada Islaamka, sida ku xusan dastuurka Somaliland qodobkiisa 5aad, faqraddiisa 2aad.
Somaliland waxay xaq u leedahay inay fuliso shuruucdeeda gaarka ah ee ku salaysan Shareecada Islaamiga ah, iyada oon ka talo galinaynin cid kale. Qofna xaq uma laha inuu ku xadgudbo nafta qofka kale, in qof uu dilo qof kalena waa xadgudub ka-dhan ah xuquuqda aadamaha.
Fulinta qisaastani waxay horseedaysaa ilaalinta xuquuqda adaamaha, gaar ahaan inuu qofku ilaaliyo xaqa qofka kale, waxaanay meesha ka saaraysa in si hawlyar naf qof looga jari karo. Waxa kale oo fulinta qisaastani horumar u tahay fulinta dastuurka Somaliland ee ku salaysan shareecada Islaamiga ah iyo fulinta axkaamta shareecada, sida ku xusan dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland qodobkiisa 5aad faqradiisa 2aad.”
SOMALILANDPOST.NET