Xarun Laga Maamulayo Hawada Soomaaliya iyo Somaliland oo Muqdisho Laga Dhagax Dhigay Iyo Maamulka Soomaaliya Oo Afduubay Maamulka Hawada Si aan Heshiishkii Laba Dal Waafaqsanayn

 

 

 

Muqdisho(SLpost)- Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo wasiirka gaadiidka Soomaaliya iyo duulista Cali Jaamac Jangali ayaa axaddii waxay dhagax dhigeen xarun loo qoondeeyay in laga maamulo hawada Somaaliya iyo Somaliland Somaliland, taasi oo laga binaynayo magaalada Muqdisho.

 

 

Hadal Ra’isal wasaare Cumar ka jeediyay dhagax dhiga wuxuu sheegay in Muqdisho laga dhisaayo xarunta maamulka Hawada, halka Hargeysa laga dhisayo qayb haddii ta Muqdisho xumaato laga maamulo, arrintaasi oo u muuqata mid ka soo horjeeda heshiiskii Somaliland iyo Somaliya ee ahaa in la wada maamulo hawada.

 

“Halkani waa meesha laga hagi doono diyaaraddaha Somalia dul mara. Waa talaabo loo qaaday dhinicii wanaagsanaa. Si hawada Soomaaliyeed halkan looga hago waa in halkan laga dhiso daarta sawirkeeda aad halkan ku aragtaan. Waa la qalabaynayaa oo qalabka casriga ah ee ugu dambeeyay ayaa la dhigayaa. Mid kale oo tan la mid ah ayaa Hargeysa laga dhisayaa, si haddii halkan wax ka dhacaan maamulka hawada ay ula wareegto meel kale oo Somalia ka mid ahi,” ayuu yidhi Wasiir Jangale.

 

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa isna hadalka kadaba maray wasiir Jangali waxaanu yidhi “ Hawada Soomaaliya wataa Soomaalida u soo noqotay ee maanta dhagaxeeda la dhigayo, siduu sheegay wasiirkuna Hargeysa waxa laga dhisi doonaa mid tan la mid ah oo haddii tan ay wax ku dhacaan bedel u noqon doonta,”  waxaanu ku dooday inay Soomaalida oo dhan guul u tahay.

 

Haddaba qodobkan oo ka mid ahaa heshiiyadii lagu gaadhay turkiga ayaa ahaa in labada dal si wadajir ah u maamushaan hawada ilaa inta la kala baxayo, Sida ay sheegayaan maamulka Xamarna waxa ay ka dhigayaan in Somaliland ay wali ka mid tahay Somalia isla markaana ay maamulka Muqdisho u hogaansato arrimaha hawada oo dhan.

 

Dhanka Kale Xukuumadda Somaliland ayaan wali arrinkan iyo in ay jirto xarun Muqdisho laga maamulayo oo Hargeysa laga dhisayo ka jawaabin. Sidoo kale Waxa la rajaynayaa in labada dal uu dhawaan wada hadal dib uga furmo waddanka turkiga