Xaqiiqada Diiwaangalinta Xukuumadda JSL u xusul duuban tahay iyo Natiijada ka dhalan karta

Marka hore waxaan halkan Hambalyo iyo Bogaadin uga dirayaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL ,ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi”Ciro” , oo muujiyey Xirfad hogaamineed xilligii loo baahnaa Go’aamo sax ahna ka gaadhay Mashruucan hadday ahaan lahayd xagga Xisbiga iyo hadday ahaan lahayd xagga Golaha Wakiiladaba kuwaas oo uu isku hortaagay Diiwaangalin-ku-sheegtan  Madaniga ah ee ku salaysan kala Dirsooca iyo Duudsiga inta badan Muwaadiniinta JSL isla markaana lagu carqaladaynayo bilowga iyo habsami u socodka Diiwaan galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka.
Waxaa Hambalyo tan oo kale ah iga mudan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID mudane Faysal Cali Waraabe iyo Madaxda kale ee labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo WADDANI iyo dhamaan dadkii kale ee k a soo horjeedsaday Mashruucan shirqoolka ah ee laga soo maleegay Madaxtooyadda JSL.

Intaa ka dib Mashuuracan Duudsiga iyo Dirsooca Muwaadiniinta JSL ku salaysan ee dabada ka riixayso Xukuumadda JSL waxa uu baal marsan yahay Heshiiskii la isla qaatay ee ahaa in Diiwaangalinta Madaniga ah iyo Diiwaan galinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka loo sameeyo ama  loo fuliyo si kala madaxbanaan ama is barbar socod  ah “Dual Track approach”.
Waxaa arrin lala yaabo ku noqotay Axsaabta Mucaaridka ah, Qaadhaan biixiyayaasha Caalamiga ah iyo guud ahaan Ummadda Somaliland dibad iyo gudaba waxa ku kalifaya Madaxweynaha JSL iyo Xukuumadddiisa inay buriyaan ama ka baxaan Heshiiskii iyo Go’aamadii ay wada saxeexeen Saddexda Xisbi,Qaran, Komishanka Doorashooyinka Qaranka,Xukuumadda JSL lafteeda iyo Qaadhaan Bixiyayaasha Caalamiga.
Dadka aqoonta u leh ama odorosa Aragtida Siyaasadda Xukuumadda Siilaanyo waxay arrintan ku sharxayaan inay xukuumaddu hore  u qorshaysay inay kala Dir soocdo Ummadda Somaliland oo dad gaara diiwaan gashato, dadkaas oo Diiwaan galintooda loo Xilsaaray Laba Guddi oo kala sareeya oo sannadkan horaantiisii uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo Xeer iyo Wareegto ku soo saaray kuna magacaabay 3 March 2014.

Labadan Guddi waxay kala yihiin Guddida Hogaaminta Diiwaan galinta oo ka kooban Xubnaha Wasiirada ah ee hoosta ku qoran iyo Guddi Hawleed ama Gudida Farsamada oo ka kooban Xubnaha kale ee ka sii hooseeya kuwan.
Xubnaha Guddida Hogaaminta Diiwaangalinta Madaniga

  1. Wasiirka Arrimaha Gudaha.
  2. Wasiirka Madaxtooyada.
  3. Wasiirka Gaashaandhigga
  4. Wasiirka Waxbarashada.
  5. Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta
  6. Wasiirka Qorshaynta Qaranka
  7. Wasiirka Arrimaha Dibadda .

 

Xubnaha Guddi Hawleedka Diiwaangalinta Madaniga ah

  1. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha
  2. Maareeyaha ICT Commission
  3. Agaasimaha Wasaaradda Madaxtooyada
  4. Agaasimaha Guud ee Hayadda maamul Wanaagga
  5. Garyaqaanka Guud ee Qaranka
  6. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta
  7. Maxame Cabdi Daa’uud iyo
  8. Cali Shoonbe oo mardambe lagu kordhiyey

Xubnaha Gudida Hogaaminta iyo Xubnaha Guddi Hawleeedka ayaa dadku is weydiinayaan haddii aan dan gaara laga lahayn isla markaana aan loo xilsarin inay soo Diiwaan galiyaan dad gaara maxaa looga dan leeyahay ee hawsha Diiwaan galinta loogu dayn waayey ama loogu Aamini waayey Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo Masuuliyiinta ay Diiwaangainta Madaniga ahi hawshooda tahay?

Shirqoolkan Xukuumadda Siilaanyo ku doonayso inay dad gaar ku Diiwaan gashato waxa si cad ama waadax ah Umadda Somaliland iyo Axsaabta Mucaaridka ahi u fahmeen  ka dib markii la arkay bayaan ay  Guddiyadaasu Soo saareen oo muujinaya Liiska Goobaha Dadka lagu diiwaan galinayo oo ah laba boqol( 200)  goobood oo kaliya  iyo Deegaanada ay ku kala yaallaan oo aan dalka kuwada baahsanayn oo si gaar ah looga fuur yeelay meelaha Xisbiga Kulmiye looga codeeyey kuna badan yihiin taageerayaasha Xukuumadda JSL.

Ceebta ugu sii daran ee Diiwaan Galintan lagu diiday waxay noqotay iyada oo Xukuumadda JSL sheegtay in dadka wixii 16 sanno Jir ka weyn oo qudha la diiwaan galinayo iyo inay soconayso Diiwaan galintani muddo kooban oo markii hore ku sheegeen 2 -3 Bilood oo kaliya ah markalena sheegeen inay 5 bilood soconayso(Labadan Muddo midkoodna macno smayn mayso).

Xukuumaddu waxay intaa ku dartay oo dadku aad ula yaabeen in Ciddii Muddadaa kooban isku Diiwaan galinweyda ee waqtigu ka dhaco aanay lahayn Wax Xuquuqa oo Dastuuriya am heli karin Adeegyada Muwaadinka Somaliland Xaqa u leeyahay.

Isku soo wada duub oo Xaqiiqaqada Diiwaangalintani waa qorshe ay Xisbi gaar ahi wadato oo loogu talo galay in dad gaar ah lagu diiwaan gashado oo deegaano gaar ah laga hirgaliyo oo waqti ama xilli gaar ah oo kooban la fuliyo.

Kol haddii Xaqiiqadu sidaa tahay arrintan waxaa lagu tilmaami karaa Shirqool loo soo maleegay Ummadda Somaliland iyo farsamo lagu kala dirsoocayo isla markaana lagu duudsiyayo Xuquuqda inta badan Muwaadiniinta JSL.

Dhinaca kale haddii loo sii fiirsado ama Daraasad lagu sameeyo Natiijooyinka ka soo bixi kara Qorshahan haddii la fuliyo waxaa ka mid ah in Somaliland Dadkeeda 20% noqdaan ama loo Aqoonsado Muwaadiniin inta kale ama 80% na noqdaan Dad aan Somalilanders ahayn ama dad Ajanabi ah lagu tilmaamo. Waxa kale oo Natiijooyinka ka mid noqon kara Xukuumad Diktaatoora iyo dad yar oo taabacsan oo Dalka booba Khayraadkiisa iyo inta kale oo dullinimo ku noolaata.

Nasiib Wanaag Ummadda Somaliland oo aragtidoodu dheer tahay ayaa ka dhiidhiyey in lagu dhaqmo ama la ogolaado Diiwaan galin ku sheegtan waxaan dhamaan Qaybaha kala duwan ee Bulshda Somaliland dibad iyo gudaba cod dheer ugu sheegeen Xukuumadda Siilaanyo iyo Xisbigeeda Kumiyeba inaanay aqbalayn Diiwaan galinta lagu kala Dir soocayo laguna Duudsiyayo Xaqa Muwaadiniinta Somaliland.

Ugu dambayntii waxaa Xukuumadda JSL  looga fadhiyaa inay ka hawl gasho oo dadkeeda u samayso Diiwaan Galin Sax ah oo aan dano siyaasadeed laga lahayn isla markaana qofkasta oo Smalilanders ah Muwaaddina ku noqonaya Sifooyinka Dastuurka JSL caddeeyey in la diwaan galiyo Xisbiguu doono ha taageersanaadee.

Ilaalinta iyo Dhowrista Xuquuqda Dastuuriga ah ee Muwaadiniinta JSL waa waajib saran  Xukuumadda talada hayse waxaana loo baahan yahay Golaha Baarlamaanka JSL(Wakiilada iyo Guurtidu inay kula Xisaabtamaan.

Waxa maanka dad badani tabayaan oo meesha ka maqan Hay’adaha Xuquuqal Iinsaanka u dooda iyo Jilayaasha aan dawliga ahayn kuwaas laga sugayey inay dadka u hadlaan.

Waa Mahadsan tihiin

Axmed Naasir Xirsi

Bristol, UK