Xaqiiqada Dhabta ah ee ku Duugan Shir aanay Bulshada Somaliland Dareensanayn halistiisa Oo Xukuumaddu Si Qarsoodi ah uga qayb-gashay

dhaqaaleNairobi (SLpost)- Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya, waxa shalay lagu soo gebo-gabeeyey Shir loogu magac-daray ‘Dib-u-dhiska iyo Maalshiga Soomaalida’ kaas oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan Xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirkan oo qabsoomidiisa ay hirgelisay Shirkad Shirkadda Hanvard Africa oo fadhigeedu yahay dalalka Somaliya, Kenya, Somaliland iyo Uganda, dhinacyada Maamulka iyo Maaraynta Maaliyadda iyo Mashaariicda ka taageerta Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hay’adaha Dawliga ah, ayaa waxa ka soo qayb-galay wakiillo ka socday Shirkado Ganacsi oo Somaliland laga leeyahay iyo Qaar dalalka mandaqadda laga leeyahay, dibloomasiyiin ka socday waddamada furaha u ah siyaasadda Soomaalida, ayaa labadii maalmood u dambeeyey ka socday Xarunta shirarka caalamiga ah ee Kenyatta International Conference Center ee magaalada Nairobi.

Shirka shalay ku soo gebo-gaboobay Nairobi oo lagu tilmaamay inuu Qayb ka yahay midhaha ka dhashay wada-hadalladii Somaliland iyo Somaliya, isla markaana ay beesha caalamku ku dedaalayso inay isku soo dhawayso labada dhinac, waxa labada dhinac uga qayb-galay masuuliyiin heer-wasiir ah, kuwaas ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar iyo Safiirka Somaliland ee Kenya Dr. Maxamuud Jaamac (Sifir), halka dhinaca Soomaaliya ay uga Qayb-galeen Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Axmed Xassan, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Gabayre iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya.

UJEEDDADII LOO QABTAY SHIRKA

Shirkan oo lagu sheegay kii ugu horreeyey noociisa ee lagu taageerayo koboca iyo dhismaha dhaqaalaha Soomaaliya isla markaaana qayb ka ah Shirkii horaantii Bishan ku qabsoomay magaalada London ee dawladaha Soomaaliya iyo Ingiriisku gadhwadeenka ka ahaayeen, ayaa lagu micneeyey ujeeddadiisa mid salka ku haysa sidii Dib-u-dhis loogu samayn lahaa, maalgashi loogu heli lahaa dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya, ayaa gebi ahaanba lagu dafiray horumarka iyo Nabadda Somaliland oo la barbardhigay dalka ay dagaaladu regaadiyeen ee Soomaaliya,  waxaanu u muuqday mid lagu dhiirri-gelinayo isku-soo-dhawaansho laga gaadho siyaasadaha Somaliland iyo Somaliya, sida ka muuqata war-muriyeed laga baahiyey muhiimadda Shirka.

Warmurtiyeedka ka soo baxay Shirkan oo sida ka muuqatay cinwaanka hagayay oo ahaa ‘Dib u dhiska Mustaqbalka Soomaaliya’,  ayaa ahaa mid ka qayb galkiisu hoos u dhigay meeqaamka Somaliland ee waddan ka madax banaan Soomaaliya inteeda kale ah iyo sida aan mugdiga lahayn ee Somaliland uu uga dhigay qayb ka mid ah federaalka Soomaaliya, in kasta oo ay u dhigeen inay yihiin lammaane, hadana hadalada madasha laga jeediyey iyo masuuliyiinta ka hadlay oo u badan kuwo lagu taageerayey Soomaaliya, laguna buun buuninayo xukuumadda taagta daran ee Muqdisho.

“Iyadoo Somalia iyo Somaliland, diirada saarayaan dhismaha amaanka iyo mustaqbal ifaya, shirkii ugu horeeyey ee Dib u dhiska iyo maalgashiga, ayaa lagu soo gunaanaday Xarunta caalamiga ah ee shirarka ee Kenyatta International Conference Center ee magaalada Nairobi, kaas oo socday 28 ilaa 29kii May 2013,” Sidaas waxa lagu bilaabay War-murtiyeedka lagaga hadlay shirkan oo lagu baahiyey barta Internetka ee Shirka Dib-u-dhiska iyo Maalgashiga Soomaaliya (Somali Reconstruction and Investment Conference).

“Madashan ayaa noqonaysa midii ugu horeysay ee nooceeda ah ee meel la isugu keeno Furayaasha siyaasadda dawladda Soomaaliya iyo Somaliland, kooxaha ugu horreeya daneyayaasha arrimaha Soomaalida oo ka kala socda caalamka, ururada horumarka ka shaqeeya ee gobolka iyo ka qayb galeyaal ka kala socda Shirkadaha Ganacsi ee wadaagga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba. Waa madashii koowaad ee nooceeda ah ee ay si buuxda u maamusho Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, taageerayaana Wasaaradda Ganacsiga, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Somaliya iyo Rugta ganacsiga Dalka Kenya,” sidaas waxa lagu sheegay War-murtiyeedka lagu faahfaahiyey Shirkan.

“Waxa jira calaamado muujinaya rejo iyo horu-socod. Dowlada Soomaaliya waxa aqoonsaday , Maraykanka , Ingiriiska, midowga Yurub, Turkey, Imaaraadka Carabta, Midowga Afrika, Bangiga Adduunka iyo hay’adda Lacagta aduunka ee IMF, qurbajoogtiina dib ayay ugu soo laabanayaan wadanka.”

Weedhihii Masuuliyiinta Somaliya

Madasha Shirka waxa ka hadlay masuuliyiin Sar-sare oo ka tirsan Dawladda Federalka ee Soomaaliya, kuwaas oo iftiimiyey muhiimadda shirkaasi u leeyahay waddankooda, waxaanay rejo fiican ka muujiyeen taakulo beesha caalamku ka geysato koboca Dhaqaalaha iyo Maalgeshiga.

“Waxaanu rejaynaynaa inaanu xakamaha u hayno si rasmi ahna loo aqoonsano muhiimada uu kulankani leeyahay, kaas oo suuro galiyey inay madasha ku kulmaan ururro wax ku ool ah oo xiisaynaya  inay caawiyaan wadankayaga aanu jecelnahay ee maraya marxalada adag ee dib u dhiska iyo maalgalinta,” sidaa waxa yidhi Maxamuud Axmed Xassan oo ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Waa Wakhtigii dib u dhiska ee ku lammaan ganacsatada cusub iyo fursadaha wadanka dhereran. Waa xilli cusub iyo shaki la’aan dhamaanteen inagu kulminaya hiregelinta Arrin wax ku-ool u ah , laga soo bilaabo ganacsiga dadweynuhu wadaagaan iyo ka ashkhaasta gaarka ahi leedahayba inoo kaxaynaysa jiho cusub oo dhismaha wadankeena ah.” Mr. Mohamud Gabayre, Gudoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa isna hadalkaas ka yidhi madasha

MEEQAAMKII SOMALILAND EE SHIRKA

Xukuumadda Somaliland hore umay Shaacin inay ka qayb-gali doonto shirkan oo qabsoomiddiisa la qorsheeyey wakhti ka horreeyey Shirkii London ee ka-qayb-galkiisa ay ku gacan-saydhay, wasiirka Arrimaha Debedda oo socdaal ugu kicitay dalka Kenya maalin ka hor furitaankii Shirkani, ma sheegin inuu dalka Kenya kaga qayb-gali doono, haseyeeshee sida uu warbaahinta ka sheegay, ujeeddada socdaalkiisa Kenya waxa ay la xidhiidhay tabasho xukuumaddu u gudbinayso Hay’adaha Qaramada Midoobay ee Fadhigoodu yahay Nairobi, waxaanay arrintani shaki weyn ku abuurtay Bulshada Somaliland.

Haseyeeshe, war-murtiyeedka ka soo baxay Shirkan, ayaa muujinaya meeqaamka liita ee lagu qaabiley Somaliland iyo sida laysaga indho-tiray farqiga u dhexeeya labada waddan isla markaana Somaliland lagu lammaaneeyey dhibaatooyinka iyo dagaallada Sokeeyey ee muddada 22-sanno ah regaadiyey Soomaaliya.  “Waa-cusub ayaa u baryey Somalia iyo Somaliland, waddankuna wuxuu gudo galay hawl-gallinta dariiq wanaagsan oo dib u cusboonaysiinaya siyaasadda iyo dhaqaalaha ah kadib colaado sokeeye iyo siyaasad gurracan ah, 22 Sanno oo dagaalo ehli ahi ka socdeen kuwaas oo god-madow ku riday wadanka gebigiisa,” ayaa lagu sheegay Warmurtiyeedka. “Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland waxaa ka dhexeeya is garabsi iyo wadashaqayn midba midka kale ku taageerayo, diwaangalintii xisbiyada siyaasada waxay ka bilaabmeen Puntland, caadinimadiina ugu dambeyntii wey soo noqonaysaa.”

War-murtiyeedka waxa laga reebay khudbad dheer oo wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland ka jeediyey madasha Shirkaas isla markaana uu ku soo bandhigay aragtida xukuumadda uu ka tirsan ee ka-qaybgalka shirkaas iyo waxtarka ay filayaan.

Balse waxa ay war-murtiyeedka ku soo qaateen Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Dr Sifir oo muujiyey aragtidiisa ku aaddan shirkaas oo aanu safiir Sifir si faahfaahsan u sheegin cidda guranaysay midhaha Shirkaas iyo doorka ka-qaybgalka Somaliland. “Waa wakhtigii aynu hoos u eegi lahayn dib u dhiska iyo maalgashiga wadanka, arintan oo qaali u ah mustaqbal ifaya oo dadkeenu helaan,” sidaa waxa yidhi Wakiilka Somaliland ee Kenya Dr. Maxamuud Jaamac (Sifir).

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar, ayaa khudbad u muuqatay inay u diyaarsanayd ka hor intii aanu dalka ka amba-bixin, ka jeediyey madasha Shirkaas oo uu si qarsoodi uga qayb-galay maadaama aanu ujeeddada socdaalkiisa ku sheegin ka hor intii aanay 27kii Bishan ka duullin madaarka Berbera oo uu warbaahinta ugu sheegay inuu Dalka Kenya u tagayo si uu Qaramada Midoobay ugala hadlo Arrimaha khuseeya siyaasadda iyo Xidhiidhka Wada-shaqayneed ee Somaliland ka Dhexeeya.

Khudbadda Dr Maxamed Cabdilaahi ka jeediyey Shirka Dib-u-dhiska Soomaaliya oo uu si gaar ah ugu soo diray mareegta Somalilandsun.com, waxa uu si qoto-dheer uga warbixiyey baahida Somaliland u qabto maal-gashi iyo shaqo abuur laga hirgeliyo dalka.

Khudbadda Wasiirka waxa ka mid ahaa; “Somaliland waxa ay sii xoojisay xidhiidhadeeda dhaqaale ee ay leedahay dawladaha Ajaanibka ah, hadday yihiin kuwa gobolka iyo kuwa kaleba.

Somaliland waxa ay baadi-doon ugu jirtaa helitaanka maalgelin iyo taageero dhaqaale oo lagu taageero dhismaha hay’adaha, adeegyada bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo aasaaska ilo-dhaqaale oo taageero ka helaya maalgelin dibadeed, Shaqo Abuur iyo kor u qaadista dhaqaalaha.”

 Wasiirku waxa uu khudbadiisa ku soo qaatay doorka Somaliland kaga jirto dhoofinta Xoolaha nool oo waddamada loo dhoofiyo ay u mudan yihiin dalalka Carabtu, kaas oo dhaqaalaha ka soo xerooda uu 60% ka yahay dakhliga waddanka soo gala, haseyeeshee ay xukuumad ahaan ku dedaalayaan inay kasbadaan suuq caalami ah oo loo iib-geeyo xoolaha Somaliland.

Dr Maxamed Cabdilaahi waxa uu xusay sida ay xukuumaddiisu uga wer-wersan tahay shaqo la’aanta baahsan ee Dhalinyarada haysata, “In kasta oo shaqo la’aanta da’ yartu wer-wer baaxad leh nagu hayso, haddana dawladda, ururrada bulshada iyo Shirkadaha gaarka loo leeyahay ayaa isku dayaya inay wada-jir ah u dhiirigeliyaan shaqo-abuur la hirgeliyo. Sannad-walba waxa jaamacadaha ka qalin-jabiya da’ yar Aqoon leh,” ayaa ka mid ahaa khudbad wasiirka Arrimaha Debeddu shirkaas ka jeedisay.

ARAGTIDA DAWLADDA INGIRIISKA EE SHIRKA

Wasiirka Arrimaha Debedda ee Dalka Ingiriiska oo ujeeddada Rasmiga ah ee shirkan iyo faa’iidada uu leeyahay ka hadlay, ayaa kaga dhawaajiyey inay tahay astaan muujinaysa kalsooni beesha caalamka oo dawladdiisu ku jirto ay ka muujiyeen mustaqbalka Somalia iyo Somaliland. “Waa astaan ka tarjumaysa Kalsoonidayada iyo waxa aan ka rumaysannahay mustaqbalka Somalia iyo Somaliland,” sidaa waxa yidhi Wasiirka Khaarajiga ee dalka Ingiriiska William Hague.

 GUNAANAD

In kasta oo ujeeddada loo qabtay shirkan oo salka ku haysa qorsheyaal iftiiminaya minjo-xaabin k horumarka iyo wax wada-qabsiga shacbiga Somaliland ku tallaabsadeen, diiraddana lagu saaray dhibaatooyinka regaadiyey dalka Soomaaliya, ayaan haba-yaraatee lagu kala saarin farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana sida war-murtiyeedka ka muuqatay, ay siyaasadda shirkani ku jihaysneyd dedaallada Beesha Caalamka ee isku-soo-dhawayn Somaliland iyo Somaliya, laguna daciifiniyo wada-hadalladii u socday labada dhinac.

In kasta oo Magaca Shirka lagu suntay ahaa ‘Dib-u-dhiska iyo Maalgeshiga Soomaalida, haddana shirku kama tarjumayn sida ku xusan magaca (Soomaalida oo ay wadaagaan dalal dhowr), haseyeeshee ka soo-qaybgalayaasha Soomaalida ee shirkan ay koobsadeen labada waddan ee Soomaaliya iyo Somaliland, taas oo iftiiminaysa inuu shirkaasi qayb ka ahaa heshiisyadii wada-hadallada ee labada dhinac ee bulshada caalamku badhi-taaraysay.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga yimaaddo in Somaliland ka qayb-gasho shir noocan ah, haddana waxa bulshada shaki ku abuuray sida qarsoodi ah ee xukuumaddu uga qayb-gashay shirkaas, maadaama oo lagu jiro wakhti siyaasad xaasaasi ahi dhex-taallo Somaliland iyo Somaliya.

Xigasho: Ogaal