XAQ-DOON: Maanso Ka Hadlaysa Doorka Dhallinyarada Ee Siyaasadda

Siciid Maxamuud Gahayr

Maansadan Xaq-doon waxa allifay abwaan Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi), waxaanay soo baxday 23-kii August 2006da. Waa maanso dood u ahayd in dhallinyarada laga qayb geliyo talada dalka. Halgan ay galeen dad badan oo reer Somaliland ahi, waxa ay himiladii maansadani hirgashay sannadkii 2011ka, kolkaas oo la ansixiyay xeer oggolaanaya in dhallinyarada da’doodu tahay 25 iyo wixii ka sarreeyaa ay ka qayb gali karaan doorashada Golaha Deegaanka.

Waa kuwan meerisyada maansada XAQ-DOON:
1. Nin aan xaraf sheegan karin
2. Hooyaba ma xannaanisoo
3. Muraad xabbadkeennu rabo
4. Haddaan xubin lagu caddayn
5. Xub iyo daah baa korsane

6. Tan iyo wakhtigii xornimo
7. Raggii lixdankii xilkiyo
8. Xayuubsaday maamulkaa
9. Illaa hadda xaadiroo
10. U xaydan kuraasidoo
11. Xafiiskana doonayee
12. Barroosin xabaalan iyo
13. Ma xididdaa uga dul baxay
14. Xaruumahan dawladdoo
15. Xukuumaddu waa dukaan
16. Xisaabtiisa ay hayaan??
17. Mise waa xilo mar hore
18. Xaakinku u guuriyoo
19. Anaa xergiyoon ogayn?

20. Xusuustu qof ay yartiyo
21. Maxay odayaal xafashay
22. Wasiir xadka dhaafayoo
23. Siddeetan dhan xay ahaa
24. Agaasime xiiqsanoo
25. Xilligan todobaatan jiray
26. Dadyahaw xildhibaan da ahi
27. Dhibaato xalkeed karaan??
28. Xiniinyuu ma aynigaa?

29. Sharcigu xagal buu maree
30. Haddii xagga hoose gu’ga
31. Bulshooy laga soo xaddiday
32. Shuruud adag lagu xidhxidhay
33. Maxaa xagga sare ka dhigay
34. Mid aan xannibaad lahayn??
35. Xayndaabkee duqayda celin??
36. Ma xeerbaa taasi qaran??
37. Xurmada yaynaan ka tagin

38. Waxaa hage lagu xushaa
39. Xasuusta garaadka iyo
40. Xeldheeri aqoonta iyo
41. Aqoon Xirfad kaabaysee
42. Barbaartu xashiish nacfi la’
43. Dhab xaabiyo maaha liid
44. Xaqiida an qaadi karin
45. Masuul la xambaarayee
46. Xiddigo weeyaan jiroo
47. Xushmayna mutaystayoo
48. Xiskoodu dhamaysyahoon
49. Xawaaraha gaabinine
50. Kuwii xaafadaha arliga
51. Xinjirta u daadidiyo
52. Maxaa dhallin loo xisdiyay??
53. Kuwii xasiloonidiyo
54. Amniga xafidaayay gabi
55. Kuwii xurgufaha dagaal
56. Necbaa xansaska iyo qodax
57. Xudduuntii horumarkaba
58. Hadmaa laga xiiso dhacay??
59. Xariir dumarkaa hantee
60. Miyaan xilka loo sinnayn??
61. Xatooyo ninkii galaa
62. Ogaal xabsi loo unkee
63. Maxaa da”yar loo xayiray??
64. Toloow xeerbeegtideen
65. Xumaanahan eegga jira
66. Xabeebtan hortood dhigaa??

67. Qof xeel daran aad dhacdeen
68. Xaqiisana leexsateen
69. Kollay xadxatayn muriyo
70. Xajiin lama sii marshee
71. Inaad xikmad gaab tihiin
72. Xogtaan maqlay baan fajacay
73. Xafiisyada dawladeed
74. Qoraan ku xayuubsannee
75. Hadaad tidhi “xoog ku hela”
76. Ammaanka on xeerinnaa
77. Garaad xangulluu faroo
78. Inaan xabbad qaadannaa
79. Gaddii xalay waa tagtee
80. Xadhaadhyada aad dhahdeen
81. Xariifinta looma bogin

82. Gammaan xakamaa dabroo
83. Insaan cimrigaa xidhee
84. Xantoobo gunnooyiniyo
85. Bisayl la xagtaba ninkii
86. Xaf quudin siin lahaa
87. Haddii lagu sii xejuun
88. Xilkii nasin looga diri
89. Miyuu xalku noqon sidaas??
90. Hadduu xays meel ku da o
91. Xareeddana jiid la wadho
92. Wa loo wada xaadiraa
93. Inaad xoor kali dhantaan
94. Xanuun bay nagu tahoo
95. Annagu maanaan xamilin
96. Xaqaa maqan noogu shuba?

97. Waxaan hadalkii ku xidhay
98. Baheey xarafkaygan dhugo
99. Xerooyinka reerihiyo
100. Xaxeeyadu seexatee
101. Kacoo Xusul duubta oo
102. Haddaad xagal wada daydaan
102. Qabyaaladda xooraysaan
103. Wadnaa isu xalan tihiin
104. Xiqdiga aad laalaysaan
105. Xaqiina inaad heshaan
106. Xaliimku hadduu fasaxo
107. Xarriiqan runtii berro
108. Xaashida looxaa dhigtee
109. Dhammaan xisbi wada noqduun

Waxa soo Gudbiyey: Khadar Maxamed Faarax