XANUUNADA‬ LAGU KALA QAADO ‪DHUNKASHADA‬

‪Waa‬ maxay xanuunada lagu kala qaado dhunkashada oo ay keento jeermiska ‪Bakteeriyada‬?

• Bakteeriyada qoorgooyaha “Meningitis”: waa xanuun halis ah oo qofka u dhiman karo, wuxuuna ku faafaa taabasho ama neefsasho dhibicyo qoyaaneed “droplets” xilliga dhunkashada.
• Bakteeriyada suuska keento: waa bakteeriyo ilkaha ku dul korto, waxayna keentaa ilko jajabka.
• Tiibishada sambabka oo lagu kala qaadi karo neefsashada markii la is dhunkanayo.

Inkastoo ay cudurrada aan kor ku soo xusay ay ugu horreeyaan cudurrada dhunkashada lagu kala qaado, laakiin waxaa jiri kara cudurro kale oo ka imaan karo hadduu faruuryaha mid ka mid ah labada qof ee is dhunkanayaa ay jiran yihiin ama xambaarsan yihiin jeermis keeni kara xanuuno kala duwan.
Waxaa ilaah mahaddiis ah in qaadista xanuunadaan aysan aad u badnayn, laakiin waxaa muhiim ah in qofku uu sameeyo. tilaabooyin taxaddar ah.

#Waa maxay xanuunada lagu kala qaado shumiska oo uu keeno jeermiska ‎Feyraska‬?

• Hergabka / Ifilada / Durayga
• Qandhada qanjirrada “Glandular Fever”, loona yaqaano xanuunka dhankashada, waa xanuun uu keeno caabuq feyras loona yaqaano “EBV”, waana xanuun si sahlan ugu gudbo dhunkashada, waana sababta loogu bixiyay cudurka dhunkashada “kissing disease”.
• Caabuqyada herbeska: waa caabuq ay keenaan dhowr feyras oo kala duwan, waa xanuun ku kala gudbin karo taabasho, wuxuuna faruuryaha ku sameeyaa nabro qoyaan ku leh afka, sidoo kale waxaa la mid ah cudurka busbuska oo isagane dhunkashada ku gudbi karo hadduu nabar uu qofka ku leeyahay meelaha u dhaw meesha la dhunkaday
• Cagaarshawga nooca B: waa cudur uu keeno feyras, waxaana lagu kala gudbiyaa shumiska inkastoo badankiis lagu kala qaado dheecaannada jirka oo isgaaro, laakiin markuu qofka xambaarsan yahay tiro feyras aad u badan oo hadane firfircoon waa lagu kala qaadi karaa dhunkashada.
• Honoqrta / Roqorta: markii ay ka soo baxdo afka, waxaa lagu kala qaadi karaa shumiska, khaasatan haddii roqortaas ay dillaac leedahay.
‪#‎Talaabooyinka‬ taxadarka ah si aad uga fogato xanunada shunkashada lagu kala qaado

• . Ka fogow dhunkashada qof xanuunsan
• Hadduu qofka afka ku leeyahay nabar ama dhaawac ka fogow in aad dhunkatid.
• Ku dadaal caafimaadka ilkahaaga
• Haddii aad hergab qabtid qofna ha dhunkan, isticmaal maro marka aad qufacaysid ama hindhisayso.
• Ka fogow dhunkashada xaaraanta ah iyo dadka aadan garanayn.
• Waalidku waa in aysan caruurta ka yar hal sano aysan afka ka dhunkan.

Xigasho

Dr Abdilahi Mahdi