Xanjadii Aqoonyahanka

Aniga oo Macalin Computer ah oo arday wax u dhiga ayaa Ardayda,  waxa ka mid ahayd kurayad alle qurux u dhameeyey,nin Suudaan markaasi ka soo qalin jebiyey oo dhawr galabood meesha iigu yimid ayuubaa maalin kasta xiliga aan Casharka dhigayo qaybtan xiligii isna soo xaadira,yaabay oo idhi waar hebel Ma Xiisadda ayaad is qori lahayd,  Maya,e Yartaasi sideen ku gaadhaa,inaad iila hadasho ayaan doonayaa,Waar walaalkay Macalin baan u ahay oo odhan kari maayo ninbaa ku raba,e, adigu kartidaada wax ku meel marso, Waayahay,e,beri ayaan imanayaa.

Casharka marka ay ka baxdo 5ta galabnimo Gaadhigii Xaafadda ayaa hor taagan,Waqti ma jiro,Waa qof hankeeda iyo Hadafkeeduba muuq dheeri ka muuqado,Carcaraaf aduuyno iyo Kadeedna Saxar kama soo gaadhin,Waxa dhalay Laba Waalid oo Waxbarasho Fiican leh,tayadeeda iyo tacliinteeduna u tahay Waxa ugu way nee ay ku taamayaan,Wiilku waa inuu Xiisadda dhexdeeda wax u sheegi karaa,sida wax loogu sheegi karaana way adagtahay,sababtoo ah Ardaybaa jilbaha isu wada haysa,Saacadda ay Goobta soo Gasho,Marna waydiin bay ku jirtaa,oo waan dhex taagnahay,Marna Casharkay nakhtiimaysaa, oo shaashadda iyo libiqsiga indhaheedu waa laba is laasimsan,Doonistiisu waa mid dhab ah, se iyadu waa Hadhkeed la ciyaar, oo uma bilawna, Wax kale uma qaban karo,Aqoonyahanka soo qalin jebiyey e,Afarta Cisho Foodlayda aan Macalinka u ahay ku caashaqay,e waa inaan Waqti siiyo aan xiisadda dibadda uga yara baxo 2daqiiqo si uu uga gun gaadho arintan habeen iyo maalin uu ka seexan waayay.

Waxay dani baday inuu Xanjo soo iibiyo,ka dib Galka Xanjada, uu Warqad ku soo dhex rido,fariintiisana uu halkaasi ujeedkeedii ku dhameeyey, iyada oo Mashquulsan oo halkan Wordka Shapes iyo wax ku sawiraysa ayuu u dhiibay Xanjadii  intay yaabtay bay ku tidhi Xanjada ma cuno? Mayee Hoo?Waxay ku celisay Ma cuno oo hadana waxay isaga Jeedsatay, Dhululubo yar oo ay Midabyo dhexdeeda ku sharaxaysay,iyo habka Casharka loogu sameeyo quful kuu gaar ah( security tab) inta uu Dhidid Dhafoorada iyo cidhbaha ka hooray,buu dabadda ula soo booday Xanjadiisii,  Waxaanan gartay in Qorshihiisii Fashilmay,Waxa uu igu yidhi Waqtiga ii kordhi waan Fashilanahay,e, ,Degenaansho Muuji oo is fahma,inta uu ku noqday markuu yara neef tuuray, ayuu miiskeedii warqadii ku tuuray,kuna yidhi “Check it”Nasiib darro isna aqoonyahan buu ahaa iyadna Luuqadanba Waxba ugama bilawna,oo warqadana waxay u haysataa Xanjo iska silcaysa,baahi u haysaana ma jirto,sidii nebi Muuse hooyadii Wiilkeedii yaraa ugu dardaartay Walaashii ee ay ku tidhi bal iska garab soco,halka uu ku dambeeyo ayuu igula dardaarmay inaan gaadh ka hayo Xanjada hubiyana falcelinta marka ay Furto warqadda Xanjada  galkeeda ku jirta,nasiib talo waayay bay noqotay Xaajadu yartii sidii ay ugu fooganayd Shaashaddii ayay ku war heshay hoonkii Xaafadda,saaxiibkay imtixaanka kama foga, oo meel dhaw ayuu ku sugayaa natiijada,ma akhridy ayuu igu yidhi,waxaan ku idhi waan mashquulay e,hubi inay wax ku jiraan,nasiib daro waa sideedii oo kaamba lama odhan inta uu madoobaaday buu igu yidhi saaxiib waxaan ka dhiganahay ninkii Ciidamada Suudaan haysta ee lagu yidhi Madaxweynihii ayaa ku Casilay,ee yidhi “اه لقد سقطت”.

 

Mahdi Sheekh

Hargeysa,Somaliland.