Xakamaynta Mushkiladaha Tahriibka – W/Q: Cabdirashid Axmed Guuleed

Rashiid Axmed Guuleed
Rashiid Axmed Guuleed
Rashiid Axmed Guuleed

Tahriib waa erey af Carabi ah oo ka yimid kelmadda HARABA oo macnaheedu yahay wuu baxsaday.

Af Soomaaliga tahriib waxay ku noqotay wuu baxsaday oo xagaa iyo dawladdaha dhaqaalahoodu wanaagsan yahay ayuu u baxsaday ama ay u baxsatay. Laakiin macnaha dhabta ah ee kelmadani waxa weeyaan wuu baxsaday ama way baxsatay iyadoo uu qof kale ku kaalmeynayso baxsiga. Markaad u yara kuurgashana waxaad ogaanaysaa in ereygu kasoo jeedo xagaa iyo Bosaaso oo nimanka doonyaha dadka Boosaaso intay kaga qaadaan Cadan ku geeya ayaa ereygu kasoo jeedaa. Si kastaba ha ahaatee waxaynu odhan karnaa Tahriibku waa mishkillada dhaqan-dhaqaale ee maanta ugu wayn Geeska Afrika. Mishkilladu inteey leegtahay? Sidee baana loo xakamayn karaa? Waa suaalaha aynu isku dayayno inaynu kaga jawaabno qoraalka soo socda.

DHAQAALAHA WADAMADA GEESKA AFRIKA

Geeska Africa waa meelaha adduunka oo dhan ugu dhaqaalaha liita. Tusaale ahaan dakhliga wadamada geeska Africa calaa qof sanadkii (per capita income or PCI) kama badna 1,500 (kun shan boqol) oo Doolar halka uu dalka Maraykanka ka yahay 40,000 (afartan kun)oo Doolar, isku-celceliska heer caalamina uu halbeegaasi dhaqaaluhu uu ka yahay 10,000 (toban kun) oo Doolar. Dhaqaale xumadaasi geeska Africa ka taagan ayaa kow ka ah sababaha keenaya in dhalinyarada wadamadani ay ka yaacaan wadamadooda. Xasilooni darro iyo iskudhacyo uu gobolka geeska Africa caan ku yahay ayaa iyaguna sii kordhinaya in dhalinyaradu ay wadankooda ka yaacaan. Waxaa la odhan karaa boqolkiiba 80% dhalinyarada dhawrkii sanno ee ugu danbeeyey Geeska Africa ka haajiraya waxa ay ka yaacayaan faqri oo waxay isleeyihiin meel halkaad joogtaan nolol dhaanta raadsada.

Tahriibka dhallinyarada geeska Africa waxa uu marayaa heer aan loo dulqaadan karin. Kumanaan dhallin yaro ah ayaa sanad kasta si aan sharciga waafaqsanayn uga baxsanaya wadamada geeska Africa. Qaar badan oo ka mid ahi waxay doonyo ka raacaan xeebta dheer ee koonfurta Somaliya. Qaar kalloo badanina waxay ka gudbaan saxaraha Sudan iyo Libiya.

KHATARAHA KU LAMAAN TAHRIIBKA

Khataraha ku lamaan tahriibka qiyaas malaha. Dhallin yarada qaar baa haraad ugu dhinta saxaraha weyn ee dalka Libiya, qaarna doonyaha gaboobay ee nimanka budhcada ahi ay kaga qaadaan xeebaha Libiya ama xeebaha koonfurta Somaliya ayaa iskula gadiya badweynta dhexdeeda oo halkaasi ay naftooda qaaliga ah ku waayaan. Hablaha iyaga waxa intaa usii dheer iyadoo meel kasta oo ay marayaan ay kula kulamyaan mishkillada kufsiga. Inta nabadgelyada ku tegaysy meeshay u tahriibeen waxa lagu qiyaasaa inaanay ka badnayn boqolkiiba 80%. Intaa waxa u dheer habaarka ay ka shaqaysanayaan waalidkood oo 100% dhalinyaradaasi tahriibaysaa aanay ka talo-gelin baxsigoodaasi. Waalidka naxdinta ilmahaagii wuu baxsaday ay kala kulmayaan waxa u dheer in lagu qasbo inay bixiyaan qarashka ku baxaaya baxsigaasi. Tahriibka waxaa ka ganacsada dad maafiya ah oo heer caalami isku xidhan. Qofka dhallinyarada ah ee tahriibayaa marka hore waxa uu urursanayaa waxoogaa sahay ah oo meel dhexe gaadhsiin kara. Marka uu gaadho meeshaa dhexe ee waalidkii aanu kusoo gaadhi karin ayuu samaynayaa in waalidka ay la hadlaan dadkaasi maafiyada ah oo ay waalidka u yeedhinayaan inta lacag ah ee looga baahan yahay iyo meesha ay tahay inuu lacagtaasi baada ah kusoo shubo. Khataraha tahriibka ku lamaani markaa saddex baa ugu waaweyn ayaan odhan karnaa: nafwaa, kufsi, iyo burbur dhaqaale oo waalidka lagu qasbayo inuu si dhakhso leh u bixiyo lacag kumanaan doolar ah oo uu sanadkoo dhan reerkiisa ku masruufi lahaa amaba uu xaraasho hantida uu kusoo tabcaaya tobonaan sannadood.

SIYAASAD XUMADA DAWLADAHA GEESKA

Sidaan hore usoo sheegnay, dhalinyarada Geeska Africa laba arimood ayay ka baxsanayaan. Mida hore waa dhaqaale xumo oo sidaan soo sheegnay Geeska Africa waxa uu ku jiraa meesha ugu hoosaysa dhaqaalaha adduunka. Mida labaadna waa xasilooni daro ay dareemayaan inay ka jirto wadamadooda. Mishkiladahaasina maaha kuwo 100% loo sababayn karo siyaad xumada dawladaha maanta ka taliya Geeska Africa. Laakiin waxa isbiirsaday mishkilado taariikhi ah oo taniyo intii uu isticmaarkii caddaa uu arlada ka tegay soo jiitamayay. Iyadoo ay taasi jirto ayaa haddana la odhan karaa haddii ay dawaldaha waqtigani ay waxkaqabashada mashaakilka tahriibka si geesinimo leh ay ugu soo jeesan lahaayeen oo ay mishkilada u arki lahaayeen mid caalami ah oo markaa ay adduunka sidaasi ugu bandhigi lahaayeen, wax wayn ayay tahriibka ka qaban kari lahaayeen. Dhinaca kale markaad ka eegto, haddii wadamada geeska Africa ay la iman lahaayeen siyaasad furfuran oo sahlaysa isku-socodka dadka iyo ganacsiga xorta ah ee wadamadooda, wax weyn ayay arrintaasi ka tari lahayd horumarka dhaqaale iyo yaraynta mishkillada tahriibka. Dawladaha ku midoobay urur goboleedka IGAD mishkilada tahriibka uma arkaan baan odhan karnaa mishkiladda ugu wayn ee haysata gobolka. Maxaa yeelay haddii ay sidaasi u arki lahaayeen, waxay siin lahaayeen mudnaanta ay arrintaasi leedahay si markaasi loo badbaadiyo mustaqbalka wadamada geeska Africa oo markaasi waxqabadkii loo baahnaa loola iman lahaa.

XAKAMAYNTA MISHKILADDA

Ingiriiskaa ku maahmaaha “better late than never” oo macnaheedu yahay “waxqabadka aad la habsaantid kuma khasaaraysid”. Markaa wixii dhacay dhece, ee iiminka waxaa looga baahan yahay wadamada geeska Africa inay la yimaadaan siyaasad midaysan oo ay ku xakamaynayaan mishkilada tahriibka. Wadamada geeska Africa waa wadamo faqiir ah markaad ka eegto heerka uu marayo waxsoosaarkoodu ama dhaqaalahooda marka lagu cabbiro halbeega caalamaiga ah ee loo yaqaano PCI (per capita income) sidaan kor kusoo xusnay. Yaraanta dhaqaalaha wadamadan ayaa ah sababta ugu wayn ee dhalinyaradoodu ay wadamadan uga cararayaan. Sidaa darteed, waxa wadamada geeska la gudboon inay fadhiga ka kacaan oo ay la yimaadaan talaabooyin wax-ku-ool ah oo markaasi si degdeg ah loogu xakameeyo mishkilada tahriibka. wadamada geesku sidoodaba waxa lagu tiriyaa kuwo aan cagahooda isku taagin oo aan ka maarmin caawimada ay bixiyaan deeqbixiyeyaal caalami ah. Marhaddii ay wadamadani marlayba caawimo ku nool yihiin waxa lagama maarmaan ah inay la yimaadaan wadashaqayn dhexdooda ah oo ay sameeyaan siyaasad udhexaysa oo ay ka ansixiyaan qolooyinka deeqda bixiye. Deeqbixiyeyaashana dhinacooda ayay ka dhibaysaa mishkillad xad dhaafka ah ee tahriibka geeska Africa. Sidaa darteed waxa la arkaa inay gacmo furan kusoo dhaweeyaan siyaasada xakamaynta tahriibka ee ay soo la yimaadaan wadadamada geesku. Siyaasadaasi ama isteraatijiyadaasi waa in beeskeedu ahaadaa sidii mashaariic dhaqaale oo ballaadhan loogu samayn lahaa bulshadda reer baadiyaha ah ee wadamadda geeska Africa. Dhinaca kale ee loo baahan yahay in ay siyaasadaasi lahaato waxa weeyaan inay jiraan qodobo xaga sharciga ah oo si fiican u qeexaya waajibaadka wadan kasta ee ku aadan xakamaynta mishkiladaha tahriibka.

Samaynta iyo hirgelinta siyaasadaasi ka dhexeysa wadamada Geeska Africa, waa in ay barbar socota siyaasad daakhili ah oo wadan walba ka turjumaysa baahidiisa gaarka ah. Inkastoo wadamadani ay iskaga mid yihiin hooseynta dhaqaale, haddana waxay ku kala duwan yihiin khayraadkooda dabiiciga ah oo markaasi xadidaya nooca mashaariicda horumarineed ee ay u baahan yihiin inay ku talaabsadaan.

By: Cabdirashid Axmed Guuleed,

email: abdirashidaa@gmail.com

May 2013