Xaglotoosiye oo Casuumay Xubnihii u Codeeyay, Sheegayna in ay Ka Go’an Tahay Midnimada Somaliland

Hargaysa(SLpost)-Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed, ayaa casuumad ku  u sameeyay 114 xubnood oo codkooda siiyay shirkii golaha dhexe ee Kulmiye oo uu tartanka madaxweyne xigeenka la galay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

Masuuliyiin xukumadda ka tirsan iyo xubnaha golaha dhexe ee Kulmiye ee taabacsan Xaglotoosiye ayaa madasha ka sheegay inay ku midaysan yihiin fikir balse aannay midayn ujeedo gaar ah ama danno qabyaaladeed, iyagoo ku dooday inay yihiin dad ka soo kala jeeda degaanno kala duwan.

Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed, ayaa isna madasha ka sheegay inay ka go’an tahay midnimada Somaliland, wuxuuna meesha ka saaray aragti ah inuu mabda’a Somaliland ka noqonayo oo ay ku ololayn jireen dhinaca ka soo horjeeday ee Mudane Saylici taabacsanaa, wuxuuna xubnaha codkooda siiyay iyo bulshada ku booriyay inay kala shaqeeyaan midnimada Somaliland iyo ka hawl galida gobolada bari.