XAGLA TOOSIYE: “Cali Khaliif iyo inta kale haddii ay Daacad ka tahay inay danta Dadka ka shaqeeyaan Waanu soo dhawaynaynaa…”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed-Kaar (Xagla-toosiye), ayaa shacbiga ku noo gobollada Bariga Somaliland gaar ahaan Sool, Buuhoodle iyo Xalin ugu baaqay inaanay masiirkooda ummadeed ku halleynin siyaasiyiinta khal-khal siyaasadeed iyo nabad-gelyo-darro ka wada deegaamadooda ee uu ka mid yahay Prof Cali Khaliif Galleydh.

DSC_0315Wasiirka Caafimaadka Somaliland waxa uu dawladda Soomaaliya ugu baaqay in ay fara-gelinta siyaasadeed ka daayaan Somaliland, isaga oo hadalkiisa ula jeeda taageerada ay siyaan kooxda la baxday Khaatumo ee fadhiisinkoodu yahay magaalada Saax-dheer ee Koonfurta gobolka Sool.

Wasiirku waxa kale oo uu ugu baaqay Beesha Caalamka, gaar ahaan cid kasta oo siyaasad ama dhaqaale ku taageerta Kooxda Khaliif hoggaamiyaha u yahay ee khal-khalka nabadgelyo-darro gobollada Bariga Somaliland ay faraha kala baxdo isla markaanaaanay horseed u noqon inay siyaasiyiinta qurbejoogga ahi burburiyaan mustaqbalka iyo aayaha shacabka ku dhaqan deegaannadaas oo xagga horumarka iyo adeegyadoodu bulshadu heer ahaan ka hooseeyaan gobollada kale ee Somaliland.

DSC_0169Dr Saleebaan Ciise oo caawa khudbad miisaan leh ka jeediyey xaflad xukuumaddu ku marti-qaadday Qurbejoogga dalka ku sugan, waxa kale oo uu ka hadlay doorashada Cali Khaliif loogu doortay hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo, waxaanu ku dooday inaanay shacbiga gobolladaasi raalli ka ahayn isla markaana aanay taageeranayn nabadgelyo-darrada shakhsiyaadkaasi kawadaan deegaankooda.

HALKAN KA DHEGAYSO

SOMALILANDPOST.NET