Xafladaha Qalin-jebinta iyo Siyaasiyiinta – W/Q: Ceelaabe

Xafladaha sida Joogtada ah loogu qabto wadanka waxa ka mid ah kuwa lagu maamuso loona Qabto Ardeyda dhameysata waxbarasho in muddo ah u socotey.Inta badan Xarumaha iyo Dugsiyada waxbarashada Ayaa Qabsada Xaflado Dugsiga lagu xidho,Furo ama Kuwo Ardeyda lagu gudoonsiiyo Shahadooyin isla markaasina Natiijada loogu Shaaciyo.Wey yar tahay Maanta in aad aragto Dugsi Waxbarasho oo aan Xaflad qabsaneynin ha yaraado ama Ha weynaado. Mararka qaarna Ardeyda Ayaaba Maamulka dugsiga ku qalqaalisa Kharashkana iska Bixisa si Loogu qabto Xaflad Sagootin oo Shahadooyinka lagu Bixiyo.Ardeygu marka uu Shahaadada Xaflad ku dhex qaato iyo Marka uu si gaar ah Xafiiska uga qaato Farqi weyn ayey u leedahay.Waana Meel iyo Munaasibad lagu soo bandhigo Ardeyda,Laguna Ogaado dadka waxbartey ama Waxbarasho Dhameystey.

Dugsiyo yar yar oo aan Awood Dhaqaale iyo Midkaleba laheyn Tirada Ardeyduna ku yar tahay ayey ku qasabtaa in ay soo agaasimaan Xaflad wakhti iyo Dhaqaale badani ku baxey.Waa Munaasibad La iskugu faano,La iskugu awood sheegto,Laguna kala duwanaado,Laguna soo bandhigo Heerka waxbarashada,Taariikhda dugsiga,Macalimiinta,Tirada Ardeyda,Madaxda iyo Waalidiinta,Jaa,isadaha iwm.Waa goob iyo Munaasibad Dadka Dugsiga ka masuulka ah lagu  barto laguna Arko,Waa Meel la isku arko Dad badan oo Wadanka magac ku leh.Su,aasha isweydiinta leh Ayaa haddaba ah Maxaa dhacaya Haddii ardeyda Loo qaban waayo Xaflad Qalinjebin?Ma dugsiga Magaciisa Ayaa hoos u dhacaya Mise Ardeyda ayaa Niyad Jabeysa?Mise tartan uu ku Jirey ayaa lagaga Horeynayaa?.Xafladu Markaasi ma tartan Dugsiyada kale lagula Jiraa,Mise waa Maalin Farxadeed oo ardeydu gaar u leeyihiin iyagana loogu talo galey?.Marka Ardeyga Sawiro laga qaado Wakhtiga Shahaadada la gudoonsiinaayo,Sawirkiisana lagu soo Daro wararka Saxaafada Ardeygaasi maxey ula dhigan tahay Martabadaasi uu gaadhey?.

Xafladaha inta badan Waxa lagu qabtaa Hudheelada caanka ah ee Caasimada hargeisa,Hudheelada leh Halls Xafladeed oo lagu Qaban karo Munaasibad ay ka soo qeyb galaan dad tiro badan,Weyse Jiraan dugsiyo inta badan ku qabsada Xafladaha Xarunta iyo Dhismaha Dugsiga ama Madarasidooda gaar ahaan kuwa leh Garoon ama barxad ka horeysa Dugsiga ama Madarisada.Xafladaha waxbarashaduna waxa ay Socdaan marka laga bilaabo Qaadashada Shahaado barashada Soomaaliga,Carabiga,Xisaabta,Science,Computers,Ilaa laga gaadhaayo Heer Jaamacadeed Xaflado waxbarasho Qalinjebin ayuu ardeygu la kulmayaa.

Wakhtiyo badan oo sannadka horaantiisa,Dhexdiisa ama Bilowgiisa ah Ayaad maqashaa Ogeysiisyada iyo Qabashada xafladaha waxbarasho,Dhinaca kale dugsiyada  gaarka loo leeyahay Ayaa marar kala duwan Xaflado ay shahaadooyin ku gudoonsinayaan ardey waxbarasho ka Dhameysatey u qabata.Shahaadooyin la isku uruuriyey oo Muddo la wadey iyo Mar ardey Dufcad badani soo baxey Ayaa lagu beegaa Xafladaha qalinjebinta.Ardey badan Ayaa loo sheega in shahaadada la qaadan doono marka Xafladu dhacdo,Kuwo kalena ogeysiiska Ayaa loo soo Mariyaa in ay Xafiiska Dugsiga tagaan si Xafladii loogu Sheego Wakhtigeeda.Wax barta Ayaa ardeyda lagu guubaabiyaa,Haddana tirada badan ee soo baxeysa ama Shahaadooyinka la gudoonsiinaya waa laga Qeyliyaa lana tilmaama iyada oo looga Jeeda dhinaca shaqo Abuurista ama shaqo la,aanta.

Sannadkii Tagey 2012 inta Xaflado waxbarasho wadanka lagu qabtey Ayaad ka xasuusan kartaa kuwii Jaamacadaha ee Xitaa Madaxweynuhu ka qeyb galey Qalinjebintii Jaamacada Hargeisa.Su,aasha is weydiinta leh Ayaa haddaba ugu danbeyntii waxa ay tahay,Xafladaha dadka ugu badan ee Yimaada ama lagu soo Casuumo waxa ka mid ah Siyaasiyiinta?Miyaaney dhici karin Xafladu haddii laga tago Siyaasiyiinta wadanka.

Xafladaha waxbarashada markaad eegto, waxa Jooga Xubno ka tirsan Golaha Barlamaanka,Waxa Jooga mararka qaar Gudoomiyihii barlamaanka,Waxa Jooga gudoomiyayaasha ururada Mucaaridka ah,Waxa Jooga wasiiro sida kuwa Ciyaaraha,Waxbarashada ama qaar kale.Waxa Jooga siyaasiyiin shicib ah oo aan Xil heynin dadkuse ay Yaqanaan,Waxa Jooga suldaan bararka Wadanka kabuuxa,Waxa loo Yeedha Qaar ka tirsan Culimada,Waxa loo Yeedhaa,Haweenka Magaca ku leh bulshada qaarkood,Waxa loo Yeedhaa waalidiinta,Waxa kale oo ka soo Qeyb gala Dadka maalgelinta ama tabaruca dhaqaale bixiya haddii ay Jirto.Xafladaha qaarkood 200 ama 400 oo Ardey ayaa Qalinjebinta lagu sheegaa.

Dadka lagu soo Casuumo Xafladaha si 4.5 ah oo la iska Dhex arko Ayaa loo soo xulaa marar badan,Dhinaca kale qof aan ehel u aheyn Waxbarasho ama aan ku takhasusin Cilmiga laga qalin Jebiyey Ayaa loo yeedhayaa oo lagu Odhanayaa waxbarashada ka hadal.Waxaad arkeysaa Madax iyo Masuuliyiin hawl weyn laga sugaayey oo Ardey Xisaab dhigatey Shahaado gudoonsiinaya.Madaxdii ay aheyd in aan laba arag ama Arimo Heerkooda iyo Masuuliyadooda la xidhiidhey lagu arki lahaa Ayaa haddii ay Gabadhi Cunto karinta ka qalin Jebiso Shahaadada Gudoonsiinaya.Suldaano iyo Culimo Dantooda ka hadla wax badana ka gaabsada Aqoon badana aan Aduunyada u laheyn Ayaa Hadalka lagu soo Dhaweynayaa.Siyaasiyiin Dugsiyo waxbarasho leh,Dhinacna Dawlada kaga Jira Ayaa sidoo kale Xafladaha dugsiyada Qalinjebinta iyo Sannad guuradaba qabsada.Wasiirka Ciyaaraha ama Waxbarashada Ayaana ugu  badan Kuwa lagu dhex arki karo Qalinjebinta waxbarashada Somaliland.

Waxaan Xasuustey Xaflad qalinJebin aan Fadhiyey in Siyaasiyiin Joogtey hadalo Duur xul ah ama sarbeeb ah Midkastaa midka kale markiisa kula kacey,Marar badan Halkii waxbarashada iyo Mustaqbalka ardeyga laga Hadli lahaa Ayaa rag badani Siyaasad iyo Dood ama Weerar Siyaasadeed ka dhex bilaabaan Xafladaha qalinjebinta Ardeyda loo qabto.Immisa Jeer ayaad maqashey siyaasiyiin Xafladaha waxbarashada ku dhex murmaya ama iskugu Dhex Jawaabaya ama Dawlada ku dhaliilaya Mid kalena difaacayo.Waxaan odhan lahaa Anigu Aqoonta laga qalinjebiyey Dadkii ku takhasusey Ayaa xaq u leh in lagu soo casuumo Xafladaasi.

Siyaasi Qayila oo balwad leh,Been badan oo Musuq maasuq badan isla markaasina waxbarashadiisu aaney Isagana anficin dadkana waxtar u laheyn Ayaa raba inuu Xaflad qalinJebin ka hadlo dadkana la taliyo.Dugsiguna Faan Ayuu xaflada u qabtey oo waxa isaga u muhiimsan 500 Ayaa qalinjebisey,Waxaana ka soo qeyb galey Gudoomiyaha Barlamaanka in warka loogu daro.In Siyaasiyiinta Lagu soo Casuumo Xafladaha qalinjebintu waxa ay Muujineysaa sida dadkeenu u Jecelyihiin Siyaasada iyo in Siyaasadu wax kasta ay gashey.

Qalinkii Cabdifataax Mahamed Axmed (Ceelaabe)