Xafiisyada hay’adaha Qaramada Midoobay ee Maamul-goboleedka Puntland oo Ciidamo iyo gaadiidka dagaalka lagu ilaalinayo

Garowe (SLpost)- Xafiiska Hay’adda Qaramada Midoobay ku leedahay magaalada Garoowe ee maamul-goboleedka Puntland, ayaa amaankeeda si weyn loo adkeeyey, waxaana nawaaxiga xarunta lagu arkay gawaadhida dagaalka oo aan hore u joogi jirin.

xaruntaUN-Garowe1Sida ay qoreen warbaahinta ka hawl-gasha gudaha maamulkaas, ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PIS-ta ayaa lagu hawl-galiyey inay ilaaliyaan ammaanka xarumaha hay’adaha Qaramada Midoobay ee magaalada Garoowe, waxaana la fasaxay shaqaalihii ka hawl-galayey hay’adahaa badankooda, loona sheegay inay guryahooda joogaan ilaa 19 bishan.

Ilo ku dhow xafiiska Qaramada Midoobay ku leeyahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa xaqiijiyay inay suurtagal tahay weeraro qorsheysan oo lagu qaado xarumahooda, iyaga oo taas oo ku sababeeyey maadama 19 June ku beegan tahay markii maleeshiyaadka Shabaab weerareen xarunta Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Inkastoo hay’adaha Amniga ku dedalayaan sidii ay amniga u sugi lahayeen, haddana dareenada dhinaca dadweynaha ayaa u muuqda kuwo cabsi cabsi ka soo waajahayso dhinacyo kala duwan.

 

SOMALILANDPOST.NET