Xafiiska Xisbiga UCID oo dib loo furay iyo Masuuliyiinta Xisbigaas ka tirsan oo dhaliilo huwiyay Xeer Ilaaliyaha Guud

Hargeysa, (SLpost)- Xubno ka tirsan Guddida fullinta ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa shaaciyay in lagu wareejiyey Muftaaxii Xarunta guud ee Xisbiga, isla markaana dhammaanba Xafiisyadii  Xisbiga UCID ee dalka Somaliland dib loo wada furay.

Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash), oo ka tirsan Xubnaha Xisbiga oo Shir jaraa´id ka hadlay ayaa sheegay in la wada furay Xafiisyadii Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelku ku lahaa Gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana Muftaaxii xarunta dhexe lagu wareejiyey, hase yeeshee waxa uu sheegay in Xisbiga laga dhacay Lacag, taasoo uu sheegay in lagala baxay Bangiga dhexe iyo Xawaalada Mustaqbal ee magaalada Hargaysa, waxaanu tilmaamay in hantidaas uu amray la bixitaankeeda Aadan Mirre Waqaf. “Halkani waa Xafiiskii Xisbiga UCID oo muddaba uu Gilgil iyo Xadhig ku socday oo maanta (shalay) Muftaaxii nalagu wareejiyey waa Illaahay mahadii, ta labaad waxaanu doonaynaa inaanu ka hadalno laba qodob oo muhiima Xafiiska waxa ka maqan Saddex iyo Soddon Milyan oo Bangiga dhexe yaallay iyo Toddoba Kun oo Doollar oo lagala baxay Xawaalada Mustaqbal, waxaanu haynaa cadaymo muujinaya in Lacagtaas isku wakhti lala baxay oo taariikhdu ahayd 17-kii bishan aynu ku jirno. arrintaas waxaanu la socod-siinay Ciidanka Booliska si wanaagsan ayey noola hadleen waxay nagu yidhaahdeen Xeer ilaaliyaha qaranka u taga, markaa Hantidadaasi waa mid Qaran oo Xisbi qaran ayey ka maqan tahay, waana Hanti ay Ummadi leedahay markaa Afar xubnood oo fullinta ah iyo Guddoomiyaha waxaanu u tagnay Xeer ilaaliyaha oo aanu tusnay Waraaqa muujjinaya in Laanta bangiga dhexe lagala baxay Saddex iyo Soddon Milyan iyo Toddoba Kun Doollar oo lagala baxay Xawaalada Mustaqbal. Hantidaas waxay ku baxday amarka Aadan Mirre Waqaf oo saxeexiisa isticmaalay. waxooggaa markii aanu Xafiiska xeer ilaaliyaha fadhinay ayuu soo galay Xeer ilaaliyihii halkii aanu ka filaynay inuu na soo dhaweeyo oo aanu arrintayada u sheegano ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe maxaa Xafiiskayga keenay, isagoo taagan ayuu yidhi Guddidii fullinta warqad ka soo qora, waxaanu ku nidhi Gudidaas ninkaas Aadan Mirre Waqaf ayaa watay ee Go´aankii Maxkamadda miyaanad aqoonsanayn dabadeedna waxa uu Guddoomiyihii ugu jawaabay ku Meel-gaadh ayaan kuu aqoonsanahay,markaa waxa uu ka mid yahay ragga nagu haysta Xisbiga.” ayuu yidhi  Maxamed Xasan Kheyre (Shabaash)

Waxa isaguna halkaas ka hadlay Xuseen Badmaax oo ka mida Guddida fullinta ee Xisbiga UCID, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Waxa maanta furmay Xafiisyadii Xisbiga Caddaalada iyo daryeelka ee UCID ee dalka oo dhan, waxaan u mahad celinayaa Shantii Xaakin ee Cadaalada ku adimay ee Maxkamadda sarre. waxa la yaab ah in Toddobadii xubnood ee Xisbiga ka baxay inay wali faro-gelin ku hayaan Xisbiga, iyagoo kaashanaya garabkii ay markii horeba isku halaynayeen, taasoo cadaynaysa hanjabaada uu Masuuliyiinta Xisbiga UCID uu kula kacay Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranku, isagoon eegin shaqada uu Ummadda u hayaa waxay tahay

Waxa kale oo Shirka jaraa´id ka hadlay Maxamed Cali Madoobe (Jiir) oo isaguna sheegay inaanay Xukuumadda talada haysaa aanay gooni isu taaga Somaliland aanu dhab ka ahayn, isla markaana waxa uu Shacbiga reer Somaliland kula dardaarmay inay la socdaan qaddiyada jiritaankooda.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net