Xafiiska Taiwan ee Hargeysa oo bilaabay inuu Fiiseyaasha Siiyo Muwaadiniinta Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Xafiiska Dawladda Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si rasmiya u bilaabay shaqadiisa.

Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa shaqooyinka uu bilaabay waxa ka mid ah inuu Ganacsatada Somaliland u fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland, si ay ugu safraan Dalka Taiwan.

Sida aanu ka soo xigannay Wargeyska Geeska Afrika oo warkan baahiyey, waxa la sheegay in Xafiiska Diblumaasiyadeed ee Dawladda Taiwan ka furatay Hargeysa uu si rasmi ah u bilaabay inuu Ganacsatada doonaya inay u safraan Taiwan uu u fiisaynayo Baasaaboorka Somaliland.

Tallaabadan oo muhiim u ah Ganacsatada Somaliland ee dalalka dibedda ugu safri jiray Baasaaboorrada dalalka kale, ayaa ku timid heshiis iskaashi oo bishii February ee sannadkan dhex martay Dawladaha Somaliland iyo Taiwan.

Heshiiska Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa ka mid ah in labada Caasimadood ee Taipea iyo Hargeysa ay ka kala furtaan laba Xafiis Wakiileed, taasi oo Taiwan fulisay Toddobaadkii la soo dhaafay.