Xafiiska Samafalka Madaxtooyadu ma cid gaar ah ayuu u shaqeeyaa?

Waxyaabaha ugu badan ee Xisbiga Kulmiye ololaha ku galay wakhtigii ay socotay doorashadii Madaxtooyadu, waxay ahayd in dadku u siman yihiin, taas oo kalliftay inay ku kasbadaan dhammaan taageerada shacabka Somaliland. Hase ahaatee, Xafiiska samafalka ee Madaxtooyada waxa uu u muuqdaa in uu ka baydhay ajandahaas, taasi waxay keentay in kalsoonida shacabka qaarkood ay wiiqdo.

Dadweynaha codkooda ku keenay Kulmiye wakhtigii ololuhu socday, waxa ballan lagula galay in sinnaan iyo caddaalad ay kala kulmayaan hoggaaminta Xukuumadda ka dhalan doonta Kulmiye marka uu talada qabsado, waxaananu wakhtigaas guud ahaan shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan Degmooyinka Hargeisa aanu ballan kula galnay in ay taasi noqonayso gundhigga mabaadii’da xukuumadda Kulmiye, balse taasi waxay nagu soo noqotay oo shacabkii u muuqdaan kuwo ku hungoobay markii Xafiiska Samofalka ee Madaxtooyadu ballankaas ka baxay, sababtoo ah, agoontu maaha kuwo cid gaar ah ka dhashay, danyartu maaha kuwo meel gooni ah ku sugan, guud ahaan dalka, gaar ahaan magaalada Hargeisa degmo walba way joogaan, waliba waa kuwii codka ugu badan uu ka helay Xisbiga KULMIYE.

Haddaba, waa dhab in uu Xafiisku qabto hawlo umaddu u baahnayd, laakiin taa macnaheedu maaha in agoonta iyo danyarta lagu asteeyo cid gaar ah, magaca loogu adeego koox meel gaar ah ku urursan..Haddii ay taasi sii socoto, waxay dhalin kartaa isweydiin ah; XISBIGA KULMIYE miyuu ka maarmay codkii shacabka? Miyaanu berri diyaar u ahayn in uu doorasho galo, mise Bulsho aan kuwan ahayn ayuu cod ka sugayaa? Haddii uu bulshadan danyarta u badan ka doonayo cod, ma raalli hoggaanka Xisbiga iyo Xukuumadduba ka yihiin hab-dhaqanka wax-ka-bedelka u baahan ee Xafiiska samo-falka Madaxtooyada.

Gunaanadka, si aanu shacabka berri u hortegi karno, codna marti uga noqon karno, isla markaana mar kale u geli karno dedaalkii guusha madaxnimo keentay ee aanu shacabka ballanka uga qaadnay, waxa lagama-maarmaan ah in hoggaanka Xisbiga KULLMIYE iyo hoggaanka Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo ka hawl-gasho falcelinta bulshadu ka qabto hab-shaqada Xafiiskan, haddii kale, waxay bulshadu u fahmaysaa arrin ka-dhan ah in mar kale aanu Xisbigu diyaar u ahayn cod uu ka helo shacabka.

Khadra Axmed Qooblow

4125641