Xafiiska Dhalinyarada Urur-siyaasadeedka WADANI Ee Hargeysa Oo Maanta Si Rasmiya Xadhigga Looga Jara

Hargeysa, 09 February, 2012 (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADANI ahna guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] ayaa maanta xadhiga ka jaray xafiiska dhalinyarada ururka WADANI ee magaalada Hargeysa.

Xafladda xadhigga lagaga jarayay xafiiskan cusub ee kulminaya dhalinyarada Ururka WADANI ee Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay guddoomiyaha iyo madax sar sare oo ka tirsan WADANI, dhalinyaro, haween iyo dad kale oo tiro badan.

Guddoomiyaha ururka WADANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi [Cirro] oo xafladdaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu ku farax san yahayinuu ka soo qayb galo xafladda furitaanka xafiiska dhalinyarada ee Hargeysa; “Waxa aan ku faraxsanahay inaan idinkala soo qayb galo xafiiskan aad idinku doorateen ee aad samaysareen ee aanu maanta idiin furayno, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiinna inaad doorataan inaad ka mid noqotaan ururka WADANI.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro,

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxaan mar kale ku faraxsanahay in furitaanka xafiiskani calaamad u yahay in dhalinyaragu goosatay inay ka qayb gasho talada dalka iyo hogaanka siyaasadda dhalinyarada Somaliland, waan idinku hamablyaynayaa.”

“Dadka illaa hadda caddeeyey inay musharixiin ka noqonayaan ururka WADANI waxay u badahn yihiin dhalinyaro, kuwaas oo isugu jira qaar hadda jaamacadda dhameeyey iyo kuwo sannadkii hore dhammeeyey. Waxaanu rajaynayaa in dhalinyaradaasi dhiig cusub iyo wax-qabad cusub ku soo kordhinayaan golaha deegaanka Hargeysa.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Waxa uu ku booriyey odoyaasha iyo siyaasiyiintii hore oo uu yidhi “Waxaan ku boorinayaa odoyaasha iyo siyaasiyiintii hore inaynu dhiirigelinayo dhalinyaradu ku biiraan siyaasadda, inaynu is-garab taagno, inanu wax la qabanno. Siyaasadda ururka WADANI waxa weeye inuu dhalinyarada is garab-taabo.”

Waxa isaguna halkaa ka hadlay Cabdalle Ciise Xasan oo ka mid ah hogaanka dhalinyarada xafiiska loo furay; “Waxa aan u mahdcelinayaa allaha inoo ogolaaaday inaynu maanta xadhiga ka jarno xafiiska dhalinyarada WADANI ee magaalada Hargeysa. Sida aad wada ogoon tihiin xafiiska keliya ee ka sarreeyaa waa ka gobolka Maroodi-jeex.” Ayuu yidhi Cabdalle, isaga oo tilmaamay in Cuddmmiyaha WADANI laf-dhabar u ahaa wax-ka-bedelkii xeerka dhalinyarada u ogolaanaya inay 25 jira ka qayb galaan doorashooyinka dawladaha hoose.

Waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Kollay dhalinyaro ahaan waxaa inoo dan ah ciddii mustaqbalkeenna ka talinaysa maama oo aynu nahay jiil soo koraya, ciddaasina waa urur-siyaasadeedka WADANI oo aad uga cad cad xagga dhalinyarada.”

Waxa iyaguna halkaa hadlay masuuliyiin ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha gobolka Maroodijeex ee ururka WADANI Shiine Idiris, Cabdillaahi Siciid Dheere, Najax Cabdillaahi iyo Cabdirisaaq Qawdhan Xasan oo dhammaantood tilmaamay inay ku faraxsan yihiin furitaanka xafiiska dhalinyarada ururka WADANI ee Hargetsa, isla markaana waxay sheegeen inay urur ahaan wax walba diyaar ula yihiin dhalinyarada.

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland