Xabsiga Maraykanku u adeegsado Jidh-dilka oo ee Guantanamo Bay oo Xaaladdii ugu Liidatay ku sugan iyo Maxaabiis tiro badan oo Cuntada ka soontay

New York (SLpost)- Xabsiga Guantanamo Bay ee Maraykanku ku leeyahay dalka Cuba isla markaana ay ku xidhan yihiin Maxaabiis badankoodu dhalasho ahaan ka jeedaan dunida Carabta, ayaa wakhtigan maraya xaaladdii ugu qalafsaneyd, ka dib markii ay cuntada ka soomeen tiro badan oo maxaabiis ah.

100 maxbuus  oo kamid ah 130-ka qof ee ku jira xayndaabka Camp 6 oo ah qayb kamid edegaha uu u qaybsan yaha xabsiga Guantanamo Bay, ayaa cunto-joojin ku dhaqaaqay, kadib markii  laga hor istaagay inay cibaadeystaan ama akhristaan Qur’aanka Kariimka ah.

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee AFP, garyaqaanada qaar kamid ah maxaabiista qaybta lixaad (Camp 6 ) ee jeel ciqaabeedka Guantanamo Bay ayaa sheegay in badi dadkii ku xidhnaa xayn-daabkaasi ay gebi ahaanba joojiyeen cuntada , isla markaana qarka u saaran yihiin inay geeriyoodaan, kadib markii maamulka xabsigu ka hor istaagay inay si xor ah u gutaan cibaadada Eebbe ku Waajabiyey.

guantanamo“Maxbuuskii aan u doodayay iyo rag badan oo kale oo kula xidhan xayndaabka lixaad ( Camp 6) ayaa ku jira cabashada cunto ka soomid ah,” sidaa waxa AFP u sheegtay Pardiss Kebriaei oo ah looyarad xarunteedu tahay magaalada  New York , una doodda maxbuuska reer Yemeneed ee  Ghaleb Al-Bihanim.

Haweenaydan Qareenka ahi waxa ay sheegtay in maxbuuska ay u dooddaa u muddo 30 maalmood ah ka sooman yahay cuntada, “Toban Kiile oo Miisaan ah ayaa ka dhacay muddadaas, dhakhaatiirtuna waxay sheegeen in xaaladiisa caafimaad halis ku sugan tahay maadaama uu cudurka macaankuna hayo,” ayey tidhi haweenaydani.

Masuuliyiinta jeelka Guantanamo ayaa qirtay in kacdoonka cunto ka soomidda ahi uu ka jiro xabsiga, laakiin waxay ku doodeen in tiradu ka yartahay inta lagu sheegay. Afhayeen u hadlay xabsiga oo magaciisa la yidhaahdo Robert Durand, ayaa tilmaamay in sagaal maxbuus ay cunada joojiyeen, isla markaana ay jiraan shan xubnood oo cuntada qaadan kari waayay laakiin markii dambe lagu quudiyey hanaanka tuumbada caloosha loo dhaadhiciyo. “Cuntada oo uu diido iyo inuu cuno midna ma tilmaamayso xaalada maxbuusku inay tahay kacdoon ama cabasho” ayuu yidhi sarkaalkaasi.

Garyaqaanada xaaladan ka qaylinaya , ayaa ku baaqay in degdeg loogu gurmado maxaabiistaas, haddii kale xabsiga ay gacanta ku hayso xukuumada Maraykanku uu gaadhi doono xaaladii ugu xumayd.

SOMALILANDPOST.NET