Xaaska Mugabe oo si da’dban ula wareegtay taladii Zimbabwe

Harare(SLpost)-Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe oo ah 91 jir, ayaa u muuqda in si aan toos ahayn ay xaaskiisu ula wareegtay taladii dalkaas. Waxa sidaas ku dooday mucaaradka wadankaas.

Hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas MorganTsvangirai, ayaa sheegay in hoggaamiyahan dalkooda ee 91 jirka ah ay xaaskiisu si aan toos ahayn ugala wareegtay taladii, taas oo sababtay in dawladii curyaanto. “Qof dawladda ku jiraa kama fikirayo xalkii lagu furdaamin lahaa caqabadaha qaran, qof kastaa wuxuu ku mashqulsanyahay ciddii bedeli lahayd ninkan daalan ee shookaanta qaranka haya.” ayuu yidhi hoggaamiyahan mucaaradadka ah oo u waramay jariirada Mail And Guardian ee dalka Koonfur Afrika.

Xaaska Robert Mugabe ayaa mumddooyinkan dambe waxa isa soo taraya farogelinta siyaasadeed ee ay dalkaas ku hayso, iyadoo xil ka qabatay xisbiga talada haya ee uu odaygeedu hoggaamiyo, waxaanay safaro ugu baxday dalka gobaladiisa oo ay ku qabanayso kulamo.

Haweenaydan ayaa weerar ku qaada cid kasta oo ay u aragto inay ka soo horjeedo odaygeeda da’da ah, waxaanay baacsataa siyaasiyiinta dawladda ku jira iyo kuwa mucaaradka ah ee ay u aragto inay siyaasadeeda ka soo horjeedaan.

Madaxweyne Mugabe, ayaa u muuqda inaanu si fudud uga degayn talada dalkaas, iyadoo muddooyinkan dambe la dareemayo in xaaladiisu aanay wanaagsanayn. Dhawaan ayaa kulankii ay madaxda Afrika la yeelatay raysalwasaaraha Hindiya, waxa la arkayay isagoo fuuli kari waayay dhawr kaabadood, iyadoo ay ilaaladiisu gacanta qabatay, kana caawisay inuu kaabada fuulo. Dhawaana khudbad uu u jeediyay Baarlamaanka dalkiisa, ayaa wuxuu akhriyay khudbad uu hore ugu jeediyay baarlamaanka. Sidaas oo ay tahay haddana wuxuu Mr. Robert Mugabe doonayaa in xisbigiisu sharaxo doorashooyinka sannadka 2018 oo uu noqon doono 94 jir.

Saxaafada maxaliga ah ee dalkaas ayaa baahisay in dagaal tartan ahi u dhexeeyo taliyaha ciidamada wadankaas iyo haweenaydan u dhaxday madaxweynaha dalkaas, iyadoo uu madaxweyne Mugabe ka digay.

Xigasho Geeska Afrika